Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo war kasoo saartay Markabka Hubka sida Ee ay qabatay
    Puntland

    Puntland oo war kasoo saartay Markabka Hubka sida Ee ay qabatay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 20, 2025No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ๐–๐€๐‘๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ
    KU XAD-GUDUBKA XEERARKA CAALAMIGA AH EE BADDA IYO KHATAR AMNI:
    XOG HORDHAC AH OO KU SAABSAN MARKABKA “SEA WORLD”

    ๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐ŸŽ ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“:
    Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha & Dhaqanka ee Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in xogta hordhaca ah ee la helay ay muujineyso in markab lagu magacaabo SEA WORLD uu muddo laba maalmood ah si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda ee Puntland, isaga oo aan wax dalab caawimaad oo khatar iyo cillad ah soo gaarsiin dowladda Puntland, sida waafaqsan heshiisyada caalamiga ah ee xuduudaha badda (Maritime Territorial International Agreements), gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (๐”๐๐‚๐‹๐Ž๐’ ๐Ÿ๐Ÿ—๐Ÿ–๐Ÿ).

    Markabkan SEA WORLD waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo laga yaabo inuu halis amni abuuro, isaga oo ku xadgudbay qodobka 19aad (2) (b) iyo (g)ee ๐”๐๐‚๐‹๐Ž๐’ Waxaa xusid mudan in uu ku sugnaa meel ka mid ah zone-ka dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada Caalamiga ah, taas oo khatar dheeraad ah gelinaysa xasilloonida iyo nabadgelyada Puntland.

    Heshiisyada caalamiga ah iyo hanaanka diblomaasiyadeed (๐ƒ๐ข๐ฉ๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐ญ๐ข๐œ ๐๐ซ๐จ๐ญ๐จ๐œ๐จ๐ฅ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐‚๐จ๐ง๐ฏ๐ž๐ฒ๐ข๐ง๐  ๐‚๐จ๐ฆ๐ฉ๐ฅ๐š๐ข๐ง๐ญ๐ฌ) waxay si cad u dhigayaan in wixii markab ah ee si toos ah u soo gala xuduudaha badda ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu yahay mid leh khatar ciidan ama sharci-darro ah, looga baahanyahay in si rasmi ah loo wargeliyo dowladdaasi. Balse markabkan SEA WORLD waxa uu jabiyay xeerarkaas isagoo aan wax sharaxaad ah bixin.

    Tallaabada Puntland:
    Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay baaridda iyo hubinta iyo tallaabo ka qaadidda maraakiibta maraya biyeheeda sida ay qabaan qodobbada 25aad (1) iyo 27aad (1) ee xeerka badana ๐”๐๐‚๐‹๐Ž๐’ waxayna Dowladda Puntland hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinayo ujeeddada dhabta ah ee markabkan, cida iska leh, iyo waxyaabaha uu xambaarsanyahay. Intaas ka hor, Puntland waxa ay si cad u xusaysa in markabkan jebiyay xeerarka caalamiga ah iyo nidaamka badda ee ay qeyb ka tahay Puntland.

    ๐†๐š๐ ๐š๐ ๐š๐›๐จ::
    Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland iyadoo ka war dhawraysa baaritaannada socday, waxa ay shacabka Puntland iyo beesha caalamka si horudhac ah ula socodsiinaysaa in markabkan uu halis weyn ku yahay ammaanka, iyo xasiloonida Puntland, isagoo muddo 2 maalmood ah si dhuumasho ah ku joogay xeeb ku began aagga ay bilihii u dambeeyey dowladda Puntland kala dagaallamaysay argagixisada Caalamiga ah ee Daac1sh (๐ˆ๐’๐ˆ๐’), waxayna Dowladda Puntland ay si waafaqsan sharciga badda iyo xeerarka caalamiga ah ula xisaabtami doonto marka ay baariddu dhammaato cid kasta oo ay ku caddaato inay qayb ka tahay xadgudub. Dowladda Puntland waxa ka goโ€™an difaaca baddeeda, ammaankeeda, iyo ilaalinta xuduudaheeda biyaha sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

               โ€”โ€”๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒโ€”โ€”-
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.