Gaalkacyo: September 14, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maanta Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku qabatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Gaalkacyo iyadoo Golaha Deegaanka degmadu ay si xor ah oo dimuqraadi ah ugu codeeyeen Gudoomiyaha cusub.
Waxaa munaasabada doorashada Guddoomiyaha goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland, Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah , Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed , Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Galmudug ee Gobolka Mudug iyo Duqa Degmada Gaalkacyo dhinaca Galmudug, Golaha garsoorka, laamaha amaanka, Guddoomiye ku xigeenka Degmada, Guddoomiyihii hore ee Degmada Gaalkacyo, Xubnaha Golaha Deegaanka, Xoghayaha Dawladda Hoose, shaqaalaha kala duwan ee Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo waxaa isu soo taagay 3 musharax Musharax kuwaas oo wareegga 1-aad kala helay codad:-
- Xuseen Cabdi Maxamed (Danbalaas) 17 Cod.
- Cabdiraxmaan Axmed Daahir. 8 Cod.
- Bashiir Cabdicasis Warsame 7 Cod.
ugu dambeyntii Doorashada oo la galay labo wareeg ayaa waxaa Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo ku guulaystay Mudane Xuseen Cabdinuur Maxamed (Dambalaas) wuxuun helay 21 cod. Halka musharax kaalinta labaad Mudane Cabdiraxmaan Axmed Daahir uu wareegga 2-aad helay 11 Cod.
Waxaa Natiijada Rasmiga ah ee doorashada Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub.
Doorashadan ayaa ku dhacday jawi nabdoon, hufan sido kalena Hannaanka doorashada ayaa ahaa mid si xor ah, xalaal ah oo hufan taasoo muujinaysa kalsoonida bulshada iyo horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Dawladda Puntland.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si weyn u bogaadiyay doorkii uu qabtay Guddoomiyihii hore, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame, gaar ahaan horumarka, nabadgelyada, iyo adeegsiga maamulka wanaagsan ee uu muujiyay muddadii uu xilka hayay. Sidoo kale, waxay ammaan u jeediyeen Golaha Deegaanka degmada Boosaso oo ku dhaqmay habraac dimuqraadi ah oo hufan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland waxay mar walba garab taagan tahay Dawladaha hoose, waxayna dhiirrigelisaa in Guddoomiyaha cusub uu sii xoojiyo wada-shaqeynta bulshada, Hay’adda kala duwan Dawladda, daahfurnaanta, iyo adeegyada muhiimka ah ee Degmada Gaalkacyo u baahantahay in laga qabto in ka dhiman muddo xileedka Golaha Deegaanka.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Website: moifad.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.
Twitter https: https://x.com/MOIFAD.
Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.
Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..