Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Magaalada Galkacyo oo dooratay Duq cusub
    Puntland

    Magaalada Galkacyo oo dooratay Duq cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 14, 2025Updated:September 14, 2025No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: September 14, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa maanta Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku qabatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada Gaalkacyo iyadoo Golaha Deegaanka degmadu ay si xor ah oo dimuqraadi ah ugu codeeyeen Gudoomiyaha cusub.

    Waxaa munaasabada doorashada Guddoomiyaha goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland, Mudane H.E Abdirahman Khaliif Faarah , Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo dib u heshiisiinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Dawladaha Hoose Abshir Hassan Mohamed , Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Galmudug ee Gobolka Mudug iyo Duqa Degmada Gaalkacyo dhinaca Galmudug, Golaha garsoorka, laamaha amaanka, Guddoomiye ku xigeenka Degmada, Guddoomiyihii hore ee Degmada Gaalkacyo, Xubnaha Golaha Deegaanka, Xoghayaha Dawladda Hoose, shaqaalaha kala duwan ee Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Gaalkacyo.

    Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo waxaa isu soo taagay 3 musharax Musharax kuwaas oo wareegga 1-aad kala helay codad:-

    1. Xuseen Cabdi Maxamed (Danbalaas) 17 Cod.
    2. Cabdiraxmaan Axmed Daahir. 8 Cod.
    3. Bashiir Cabdicasis Warsame 7 Cod.

    ugu dambeyntii Doorashada oo la galay labo wareeg ayaa waxaa Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo ku guulaystay Mudane Xuseen Cabdinuur Maxamed (Dambalaas) wuxuun helay 21 cod. Halka musharax kaalinta labaad Mudane Cabdiraxmaan Axmed Daahir uu wareegga 2-aad helay 11 Cod.

    Waxaa Natiijada Rasmiga ah ee doorashada Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub.

    Doorashadan ayaa ku dhacday jawi nabdoon, hufan sido kalena Hannaanka doorashada ayaa ahaa mid si xor ah, xalaal ah oo hufan taasoo muujinaysa kalsoonida bulshada iyo horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Dawladda Puntland.

    Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si weyn u bogaadiyay doorkii uu qabtay Guddoomiyihii hore, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Warsame, gaar ahaan horumarka, nabadgelyada, iyo adeegsiga maamulka wanaagsan ee uu muujiyay muddadii uu xilka hayay. Sidoo kale, waxay ammaan u jeediyeen Golaha Deegaanka degmada Boosaso oo ku dhaqmay habraac dimuqraadi ah oo hufan.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland waxay mar walba garab taagan tahay Dawladaha hoose, waxayna dhiirrigelisaa in Guddoomiyaha cusub uu sii xoojiyo wada-shaqeynta bulshada, Hay’adda kala duwan Dawladda, daahfurnaanta, iyo adeegyada muhiimka ah ee Degmada Gaalkacyo u baahantahay in laga qabto in ka dhiman muddo xileedka Golaha Deegaanka.

                ▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

    XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

    Website: moifad.pl.so

    Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.

    Twitter https: https://x.com/MOIFAD.

    Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.

    Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.