Tagida Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ee Ceerigaabo,waxay soo afjartay colaadii Sanaag,waxayna fariisisay nabadaynta,iyadoo horseed unoqotay dib ugu soo laabashada Magaalada Dadkii ku kala qaxay.

Suldaanka taariikhda,ayaa xusi doonta xaqiiqiyan,wuxuuna ka shaqaynayaa wax Aakhiro iyo Aduunba uu ka helayo Ajar iyo karaamo.
Dowlada PL,waa ku amaanan tahay doorkeeda Nabada Ceerigaabo ee aan gorgortanka ku jirin.

Nabada Ceerigaabo,waa mid ka mid ah Nabadaynta guud ahaan Somalida ugu muhiimsan.
Magaalo xasiloon,qurxoon,barwaaqo ah oo samaynaysa horumar,isla markaana Dadkeedu isqaatay weeye Ceerigaabo.
