Xasan laftigiisa,ayaan fahansan in uu ka shaqaynayo,waxaan soconayn,wuxuuse ka rabaa mudo kororsi dadban.
Waxaa utagay Shariif Sakiin,Daahir Geelle,Mursal iyo Cumar,waxay ka dalbadeen in uu Laftagareen kala hadlo si Xisbigoodii ay ugaarsiiyaan Baydhabo uguna daahfuraan doorashadii Qof iyo Cod ee ay Xasan la qaateen.
Xasan,wuxuu ugu jawaabay,waa tagaysaan,waana laydin furayaa garoonka,waxaadna uleedihiin xaq.
Kadib,wuxuu la kulmay Aadan Madoobe iyo Laftagareen oo wada socda,wuxuuna ku yiri…”Odoyaasha,waa maaweelinaynaa ee garoonkiina xirta hana aqbalina in ay yimaadaan Baydhabo”.
Saakay,ayaa Odoyaashii oo wata durbaankii Qof iyo Cod garoonkii diyaaradaha laga xirtay.
Shariif Sakiin iyo Cumar,waabaa ku baryay,wayse dareensan yihiin lugooyada ku dhacday in aysan Laftagareen ka imaan ee ay Xasan ka timid.
Xasan Labada dhinacba,waa dhabar taabtay.
Qaraxa siyaasadeed ee Baydhabo ka dhacay,wuxuu kaloo ka dhici doonaa Dhuusamareeb iyo Jowhar.