Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 25, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Deni ee kalfadhiga 57-aad golaha wakiilada Puntland,ayaa cadeeyay in PL ay weli ku taagan tahay raadinta Dowlad Somaliyed oo ku dhisan hanaanka Fadaraalka ah.

    “Dowladda Puntland waxay juhdi gelisey dib u yagleelidda dowlad dhexe, waxaa nasiib darro ah inuu weli taagan yahay khilaaf la xiriira hanaanka federalka, waa la gaari karaa rajada shacabka Soomaaliyeed haddii la helo hoggaan u diyaarsan, dowladda Puntland aqbali mayso in meesha laga saaro shuruucda dalka, mana sii fiirsanayso in dalku galo firaaq dastuuri ah”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Mw Deni,wuxuu xaqiijiyay in PL aysan aqbalayn Wadanku in uu galo firaaq sharci oo ay ka shaqaynayso mustaqbalka,iyadoo soo dhawaynaysa cid alaale iyo cidii danaynaysa ka shaqaynta golaha mustaqbalka Somaliyed.

    Hadalka Mw Deni,ayaa yimid,iyadoo la filayo in Todobaadyada soo socda uu ka furmo Garowe Shirka lagu dhamaystirayo golaha mustaqbalka Somaliyed.

    Golahan ayay Nayrobi kaga dhawaaqeen Madaxweynayaasha PL,JL iyo Golaha samatabixinta Xamar.

    Warkan,wuxuu fariin niyad jab ah ku yahay Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira mudo kordhin xilli Afartii Sano ee sharciyada ahayd ay gabaabsi ka tahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.