Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?
    Puntland

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 25, 2025Updated:October 25, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Khudbadda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo furay Kal-fadhigga 57-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,ayaa dul istaagay qodobo muhiim ah oo lagu soo koobi karo…

    1-Gudaha PL?

    Wuxuu ku dhawaaqay in lasoo afjaray argagixisadii lagula diriray Calmiskaad 11-kii bilood ee lasoo dhaafay.

    Wuxuu ku dhawaaqay in hab cusub oo casri ah loo maamulayo amniga caasimada Garowe si gaar ah.

    Wuxuu ku dhawaaqay in la yagleelay santuukha horumarinta Puntland oo casri ah.

    Wuxuu ku dhawaaqay in la dajiyay qorshaha horumarinta Puntland ee 2026-2030.

    Wuxuu shaaciyay mashruucyada horumarineed ee la fuliyay sida…

    B.Wadooyinka.
    T.Garoomada.
    J.Dekedaha.
    X.Biyaha.
    Kh.Xanaanada Xoolaha.
    D.Adeega Caafimaadka bulshada.

    2-Dibada?

    Wuxuu bogaadiyay Shirka Ceerigaabo oo uga mahadceliyay Mw Cirro gogosha nabadeed uu dhigay.

    Wuxuu cadeeyay in PL muhiimad siinayso nabad kuwada noolaanshaha gudaha bulshadeeda iyo darisyadeeda Somalida kale.

    Wuxuu cadeeyay in PL ay weli ku taagan tahay raadinta Dowlad Somaliyed oo ku dhisan hanaanka Fadaraalka.

    Wuxuu xaqiijiyay in PL aysan aqbalayn Wadanku in uu galo firaaq sharci oo ay ka shaqaynayso mustaqbalka,iyadoo soo dhawaynaysa cid alaale iyo cidii danaynaysa ka shaqaynta golaha mustaqbalka Somaliyed.

    Xaqiiqdii,waxay ahayd khudbada Mw Deni ee furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka mid miisaaman oo gudaha iyo dibada isu dheelitiran laguna soo gudbiyay dareenadii taagnaa ee bulshadu ka rabtay xog iyo iftiimin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.