Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?
    Puntland

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 26, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkii Carta,waa jabkii Labaad oo ku dhacay Somalida,marka laga soo tago burburkii 1991-dii.

    Geelle wax macno leh oo Maanta loogu hakado kuma soo kordhin Somalida,waxaana ka mudan oo ay tahay in la maamuuso loona mahadceliyo shacabka iyo maamulka Kenya.

    Carta?

    1.Halka ay ka timid Nidaamka 4.5 ee Somalida kala saraysiiyay kalana qaybiyay

    2.Halka ay ka timid bartilmaameedsiga Beelo gaar ah oo Somaliyed.

    3.Halka ay ka timid la dagaallanka nidaamka fadaraalka ah.

      Maamulkii lagu soo dhisay Carta,waa saqiiray,wuxuuna ku gabagaboobay Guri ka mid ah Guryaha Xamar ee caadiga ahโ€ฆโ€ฆ.

      B. Ma fariisan Villa Somaliya.
      T. Ma samayn Dastuur.
      J. Ma samayn siyaasad amni.
      X. Ma dhisin Ciidan.
      Kh. Ma dhaqaajin siyaasad gudo.
      D. Ma dhaqaajin siyaasad dibadeed.
      R. Ma yagleelin haykal nidaam.
      S. Ma soo celin haybadii Qaran.
      Sh. Ma dhaqaajin Aas-aaskii Maamul.

      Madaxweynihii Maamulkii Carta lagu soo dhisay Cabdiqaasim Salaad Xasan,waxaa lagu xasuustaa in uu Korontada udiiday in ay ka jiitaan Guryihii la dariska ahaa Gurigii u ahaa Madaxtooyada oo dabakha kore markuu fuulo,ayuu amri jiray in Matoorka la damiyo si uu u arko Guryaha la damaya.

      Imbagaati?

      Maamulka wax dhaqaajiyay ee salka unoqday Jamhuuriyada hada shaqaysa ee Somaliyed,waa kii lagu soo dhisay Imbagaati Kenya.

      Maamulkaas oo uu hogaamiyay markii ugu horaysay Mw Cabdullaahi Yuusuf oo ay iskaga danbeeyeen Sadex Madaxweyne oo kale,waa kii hirgeliyayโ€ฆโ€ฆ

      B. Furay Villa Somaliya.

      T. Dib udhaqaajiyay haybadii Qaran.

      J. Dib u hawlgeliyay Ciidamadii.

      X. Dib udhisay haykalkii Nidaam.

      Kh. Dib udhaqaajiyay siyaasadii dibada iyo gudaha.

      D. Dib usoo ceshay muuqashada Calankii iyo Madaxdii Qaran ee masraxyada caalamka.

      S.Dib iskugu furay Wadanka oo Kismaayo ilaa Bosaso Gacanta ku qabtay.

      Sh.Dib ula diriray argagixisada oo ka saaray caasimadii Xamar.

      C.Sameeyay Dastuurka kmg ah.

      G. Ka saaray Dalka kmg oo ka dhigay Dowlad rasmi ah.

      F. Ku qabtay doorashadii gudaha dalka.

      Q. Dhamaystiray nidaamka fadaraalka ah.

      Madaxweynihii ugu horeeyay Cabdullaahi Yuusuf ee Maamulkii lagu soo yagleelay Imbigaati ee saldhiga unoqday Jamhuuriyada 3-aad,waxaa lagu xasuustaa in uu diiday maamulkiisii in uu dajiyo deegaamadii uu kasoo jeeday lagana dhaxlay Madaxtooyadii Qaran oo furan,hay’adihii Maamul oo mid walba xaruntiisa ku hawllgalayo iyo Dekeda iyo garoonkii Xamar oo shaqaynaya.

      Follow on Google News Follow on Flipboard
      Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

      Related Posts

      Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

      October 26, 2025

      Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

      October 26, 2025

      Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

      October 25, 2025
      Latest Posts

      Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

      Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

      Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

      Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

      Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

      Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

      Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

      Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

      Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

      ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

      Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
      • Home
      • Puntland
      • Somalia
      • News in English
      © 2025 Idil News

      Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.