Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni
    Puntland

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 28, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mudug,waxaa ka yimid wefti balaaran oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ka kooban…..

    1.Gudiga horumarinta G.Mudug.
    2.Ganacsato ka timid dibada.
    3.Maamulka Magaalada Galkacyo.

    Caawa ayay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlada PL,iyagoo ay weheliyaan Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Mudug.

    Kulanka,waxaa looga xaajooday Sadex arimood oo kala ah…..

    B.Amniga Gobolka?

    Wuxuu Madaxweynuhu usheegay reer Mudug in uu soo dirayo Ciidan Boolis cusub ah iyo Ciidan kale oo ay xoojinayaan amaanka.

    T.Biyo saarida Magaalada?

    Wuxuu Madaxweynuhu xaqiijiyay qoondadii Maamulka laga rabay ee dhamayd $1-Milyan in ay diyaar ka tahay.

    Sidoo kale Gudiga horumarinta G.Mudug,ayaa goobta ka sheegay in qoondadii Deegaanka ee ahayd $1-Milyan ururinteedii la wado,isla markaana qoondadii qurba joogta oo ahayd $1-Milyan qayb laga helay inta kalana laga sugayo.

    Wajiga 1-aad ee Biyo saarida Galkacyo,waxaa loo qoondeeyay $3-Milyan,waxaase loo baahnaan doonaa ugu yaraan $10-Milyan oo kale.

    J.Dhismaha garoonka diyaaradaha?

    Madaxweynuhu,wuxuu aqbalay codsigii ahaa in ganacsato ay maalgashato garoonka si rasmi ah,waxaana laysla qaatay arimaha farsamada in ay kawada shaqeeyaan Wasaarada iyo ganacsatada.

    Ganacsatada maalgashanaysa dhismaha garoonka,ayaa sheegtay in ay hayaan dhaqaalihii kala bar,iyagoo ku qiimeeyay dhismaha garoonka in ay ku baxayso $ 20-Milyan.

    Kulanku,wuxuu kusoo dhamaaday isafagarad buuxa iyo duco.

    Xaqiiqdii Madaxweyne Deni,waa dhaqaajiyay baahiyihii Gobolka ee kala ahaa…..

    B.Wadada Galkacyo-Bacaadweyn.
    T.Garoonka diyaaradaha Galkacyo.
    J.Biya saarida Galkacyo.
    X.Wadada Garacad-Goldogob oo hada maraysa heerkii ugu danbeeyay oo Dowlada Imaaraadku ku ogolaanayso bilaabida dhismaheeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.