Ciidamada Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Nin ajnebi ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya, kaas oo katirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish. Ninka ayaa noqonaya kii afaraad oo si toos ah isugu soo dhiiba ciidamada Puntland.
Ninka ayaa xilliga lagu qabtay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee Togga Baallade ee buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ka wadaan in kabadan 11 bilood dagaal ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Daacish.
Maleeshiyaadka kooxda Daacish ayaa hadda gabaabsi ah, waxaana ay ku go’doonsan yihiin god ku yaalla Togga Baallade, xubnaha haray ee kooxda ayaa billaabay in ay isa soo dhiibaan.
IDILNEWS
