Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo ku dhawaaqday in Abaar daran ku dhufatay Deegaamadeeda
    Puntland

    Puntland oo ku dhawaaqday in Abaar daran ku dhufatay Deegaamadeeda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 8, 2025No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe; 08, Nov, 2025: Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor oo ay weheliyaan xubo ka tirsan Golaha Xukuumadda ayaa jeediyey qayladhaan ku saabsan in Puntland ay soo foodsaartay xaalad abaareed, taasi oo saamaysay ku dhowaad Hal milyan (1M) oo qof, kuwaas oo ku nool dhammaan Gobolada Puntland.

    “Mudanayaal iyo Murwooyin, anigoo ah kus-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxaan halkaan ka dirayaan maanta oo ay taariikhu tahay Sabti, 8-da, November, 2025 Qaylo-dhaan ku saabsan in puntland ay soo foodsaartay Xaalad Abaareed oo aad u darran oo saameysay ku dhawaad Hal milyan (1M) oo qof, kuwaas oo ku nool qaybo ka mid ah Gobollada ee Mudug, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar iyo Raasicasayr.

    Abaartan oo aan horay loo arag ayaa ka dhalatay Isbeddellada Cimilada oo sababay in ay yaraadeen roobabkii la filaayey afartii xilli-roobaad ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigan in aysan deegaannada Puntland helin roobab ku filan labadiisano ee u danbaysey.Sida ku cad saadaasha ay sameeyeen Xarunta Maareynta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland (IMC), Xarunta Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya (SWALIM) iyo Xarunta Saadaasha iyo Isbedelka Cimilada IGAD (ICPAC) isla markaana laga soo xigtay Wasaarada Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa tilmaamaysa in xaddiga roobabka ka da’aya deegaanada Puntland ay ka hoosayndoonaan Min-qiyaaskii caadiga ahaa ee la filaayey xilli-roobaadka Gu’ga iyo Dayrta.

    Sidaa daraadeed, Waxaa xaalad hubanti la’aan cunto iyo biyo soo food-saartay 940,000 oo qof, halka ay ku jiraan iminka 130,000 oo qof xaalad daran oo deg deg ah una baahan in lagaga jawaabo si dhakhso ah. Sida ay muujinayso Xogta la ururiyey in ka badan 310,770 caruur ah oo da’doodu ka yartahay shan (5) sano ayaa la ildaran xaalad nafaqadarro ah, kuwaas oo ku sugan Gobollada Puntland. Sidoo kale, 360,000 oo ka mid ah Barakacayaasha Gudaha oo ku firirsan dhammaan Gobolladda Puntland oo 70% ku tiirsanaa miyiga ayaa wajahaya xaaladda adag, halka 50,000 oo hor leh ay ka soo xeroodeen miyiga, si ay u helaan biyo iyo cunto.

    Haddaba, si aan uga jawaabo xaaladda abaarta, waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in ay dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Caalamig ah iyo kuwa maxaliga ahi ee ay khusayso xaaladda abaartu isugu yimaaddaan shir maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku began tahay 10ka November, 2025, subaxdii saddex saac (9:00AM),goobtuna waa hoolka shirarka ee Madaxtooyada.” Ayuu yiri Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osman Lugatoor

    -DHAMMAAD-
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.