Garowe: November 17, 2025: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixraacaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee LR.7 (3), Cutubkiisa 6-aad, Qodobkiisa 66-aad, Farqaddiisa 3-aad, oo u dhigan sidaan hoose:-
“Wasaaraddu waxay dawladda dhexe mas’uul uga tahay ilaalinta danaha dawladaha hoose iyo xallinta khilaafaadka golayaasha deegaanka, isla markaana
waxay kormeertaa xil-gudashada golayaasha deegaannada, guddiyada joogtada ah iyo kuwa fulinta”.
Iyada oo tixraacaysa warqadda ku taariikhaysan 07/11/2025, kana soo baxday qayb ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar, ujeeddeeduna ahayd in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay qaadato doorkeeda ku aadan ilaalinta xeerka LR.7 iyo shuruucda kale ee Dalka.
Iyada oo tixraacaysa warqadda ka soo baxday qayb ka mid ah xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Qardho, ujeeddadeeduna ahayd soo jeedin in Duqa Degmada uu qabto kalfadhi aan caadi ahayn oo lagu asteeyey 01/11/2025 ilaa 05/11/2025.
Haddaba, Wasaaraddu iyada oo tixgelinaysa cabashada Golaha Deegaanka, ilaalinaysa sharciga LR.7 iyo qawaaniinta kale ee Dalka waxay guddi baaris oo ka kooban 5 xubnood, uuna hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax iyo Agaasimaha guud Mudane Maxamed Cali Faarax Famayeeri u dirtay xalinta khilaafka Golaha Deegaanka Degmada Qardho ee Gobolka karkaar.
BAARISTA GUDDIGA WASAARADDA EE XALINTA KHILAAFKA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA QARDHO.
1. Guddigu waxay iyaga oo tixraacaya warqadda ku taariikhaysan 07/11/2025, la kulmeen xubnaha Golaha Deegaanka cabashada u soo gudbiyey Wasaaradda iyo fulinta Degmada.
2. Guddigu waxay baaris dhamaystiran ku sameeyeen qodobada laga fuliyey qorsheyaashii Degmada ee lagu ansxiyey kalfadhigii 38-aad ee soo xirmay 22 July 2025.
3. Guddigu waxay hubiyeen qodobadaan hoose:-
a. In la bixiyey xuquuqdii/Mushaarkii shaqaalaha Degmada Qardho,
b. In la qabtay shirarkii sharciga ahaa ee guddiga joogta ah ee Golaha Deegaanka,
c. In lagu dhaqmay miisaaniyaddii Degmada Loo ansixiyey,
d. In ay jirto xaalad deg deg ah oo keeni karta in hadda la qabto kalfadhi aan caadi ahayn,
e. Ugu dambayntii wuxuu guddigu u kuurgalay xaaladda amni, arrimo bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee Degmada Qardho.
Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dawladda Puntland: –
Kadib, markii ay qiimaysay xaaladda guud ee Degmada Qardho, ayna u caddaatay in hawlaha shaqo ee Degmadu ay u socdaan qaabkii loo qorsheeyey,
Kadib, markii ay la kulantay xubnaha Golaha Deegaanka ee cabashada u soo gudbiyey Wasaaradda iyo fulinta Degmada,
Kadib markii, ay aragtay warbixinta wax-qabadka Degmada ee 3-dii bilood ee u dambaysay,
WAXAY GO’AAMISAY:-
Wasaaraddu iyada oo tixraacaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee LR.7 (3), Qodobkiisa 66-aad, Farqaddiisa 3-aad, waxay go’aamisay qodobadaan soo socda:-
1. In aysan hadda jirin baahi deg deg ah oo la qabo in la qabto kalfadhi aan Caadi ahayn waqtigaan,
2. In xubnaha Golaha Deegaanka ay sugaan waqtiga sharciga ah ee u astaysan kalfadhiga 39-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Qadho, maadaama fadhiyada goleyaasha Deegaanka 6-dii biloodba mar la qabto, haddii aysan imaan xaalad deg deg ah.
3. In guddiga joogta ah ee Golaha Deegaanka uu fuliyo shaqooyinkii loo igmaday sida uu qabo Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 39-aad, farqadiisa 1-aad. Oo u dhigan sidaan hoose:-
“Guddiga joogtada ahi Wuxuu fulinayaa hawlaha golaha deegaanka muddada u dhexaysa labada kalfadhi”.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Website: moifad.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.
Twitter https: https://x.com/MOIFAD.
Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.
Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..
