Duqeymo culus,ayaa lagula beegsaday beegsaday goordhaweyd Ceelka Maragade ee Togga Baallade firxadka kooxda argagixisada ah ee Daacish.
Sidda uu sheegay Taliska Howlgalka ciribtirka Argagixisada Puntland – duqeynta waxaa fuliyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Mareykanka, oo taageeraya ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland oo wadda howlgal cir iyo dhul ah oo lagu sifeynayo haraadiga Daacish.
“Duqeyn,ayaa hadda lagula beegtay firxadka Argagixisada Daacish, Ceelka Maragade ee togga baallade. Duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka”.
Howlgalka Hillaac ayaa hadda maraya meel gabagabo ah, ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa dilay saacadihii lasoo dhaafay xubno katirsan firxadka argagixisada, kuwaas oo ku go’doonsan gododka kooban ee ay kaga dhuumaaleysanayaan Togga Baallade ee buuraleyda Cal-miskaad.
