Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,ayaa weerar afka ah ku qaaday Somalida iyo Dalka Somaliya.
Trump,ayaa hadalkan jeediyay kadib weerarkii ka dhacay meel u dhow Aqalka Cad ee lagu toogtay Laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.
Trump,ayaa tusaale u soo qaatay mar kale Somalida,gaar ahaan kuwa ku nool Gobolka Minesota.
“Waxay burburiyeen oo ay ka gaystaan Gobolkaas falal isugu jira dhac iyo dilal”Ayuu yiri Trump.
Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri..”Somalida Minnesota,waxay ka yimaadeen dal aan dowladi ka jirin, sharci ka jirin, biyo la’aan ah,milatari laheyn oo aan waxba ka jirin,”.
Trump,ayaa ku eedeyay maamulkii Joe Biden ee isaga ka horreeyay in uu u ogaaladay dalka in ay soo galaan dad ka badan 20-milyan oo qof oo aan la aqoon halka ay ka kala yimaadeen.
“Maraykanku,wuxuu wajahayaa khatar dhanka amniga ah oo kaga imaanaysa dadkaa fursadda loo siiyay in ay yimaadaan Mareykanka”Ayuu hadalkiisa kusoo xiray.
