Garoowe 19 January 2026, Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Madaxtooyada Ku qaabilay Wakiilka Norway ee Soomaaliya Mss merete Dyrud iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Kulanka waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga iyo hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Al-Shabaab, Dimuqraadiyadda, Mashaariicda horumarineed, Gargaarka bini’aadanimo, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Norway iyo Dowladda Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
