Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxaa kasoo baxay kulankii BC iyo PL Ee Nayrobi?
    Puntland

    Maxaa kasoo baxay kulankii BC iyo PL Ee Nayrobi?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 24, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nairobi : 23 January 2026 , Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway , Canada , Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France , Netherlands iyo World Bank.

    Kulanka waxaa looga hadlay , xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, Iyadoo Dowladda Puntland lagu boggaadiyey Hawlgalka ay Argagixisada kaga ciribtireyso deegannadeeda iyo hirgelinta Dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Baniโ€™aadanimo iyo Iskaashiga horumarineed.

    Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wakiilka Puntland ee Kenya Mohamed Ahmed (Fagalagad), Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani.

    • DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shiine oo yareeyay daymaha uu siiyo Qaarada Afrika.

    January 24, 2026

    Beesha Caalamka oo fariin udirtay Xasan Shiikh?

    January 24, 2026

    Golaha Mustaqbalka Somaliyed Oo aqbalay Gogosha Xasan Shiikh

    January 24, 2026
    Latest Posts

    Shiine oo yareeyay daymaha uu siiyo Qaarada Afrika.

    Beesha Caalamka oo fariin udirtay Xasan Shiikh?

    Golaha Mustaqbalka Somaliyed Oo aqbalay Gogosha Xasan Shiikh

    Faallo:-Qorshaha Trump Ee Qasada cusub iyo saamaynta caalamka

    Beesha Caalamka iyo Golaha Mustaqbalka Somaliyed oo kulan ku yeeshay Nayrobi

    Maxaa kasoo baxay kulankii BC iyo PL Ee Nayrobi?

    Maxay Dowlada Imaaraadka Carabtu ka taageertaa Puntland?

    Faallo:-Imaaraadku,waa awood laysku halayn karo.!!

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐„๐ซ๐ข๐œ ๐“๐ซ๐ฎ๐ฆ๐ฉ.

    Beyond Religion: The New Geopolitics of Regional Competition.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.