Shiine hoos,ayuu udhigay daymihii uu siin jiray Qaarada Afrika.
Waxay gaartay $29- Bilyan,waxaana lagu soo celiyay $2.1 Bilyan.
Dhibku,wuxuu ka yimid Afrika oo iska bixin wayday daymaha,taasoo keentay khasaare dib ugu soo laabtay dhaqaalaha Shiinaha.
Afrika waa suuq dihin oo ay ku nool yihiin 1.5 Bilyan oo Qof,kuwaasoo aan lahayn wax soo saar ay baahiyahooda ku kaafiyaan.
Wax soosaar la’aanta Afrika,ayaa soo jiidatay Shiinaha,wuxuuna ku talagalay in uu maalgashto.
Ganacsiga ka dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika iskuma dheeli tirna oo waxaa badan Shiinahaโฆ
Shiine,waxay udirtaa Afrika ganacsi dhan $236-Bilyan.
Afrika,waxay Shiinaha udhoofisa $123-Bilyan.
Shiine,waxaa dhaqaalihiisa culays ku ah xilligan Canshuurta dheeriga ah ee Maraykanku kusoo rogay.
