Fikrad gadmaysa ma’ahan oo loo hakan karo dooda Rw Abiy.
130 Milyan anagoo ah Bad la’aan ma noqon karno?
Xasiloonida Geeska Afrika,waxay ku xiran tahay Anagoo Bad helna?
Hadalo kasoo baxaya Qaalin laylinimadii ka saaqiday,ayaa la oran karaa.
Maxay tahay,waa in aan Bad helnaa?
Itoobiya uu hogaaminayo ee uu ka dhigayo Quwad in la qanciyo maahee aan Nabad lagu ladayn….
Sawmahan mida Ereterya Ciidamadeedu gudaha ugu jiraan?
Sawmahan mida colaada sokeeye ka holcayso?
Sawmahan mida dhaqaalaheedu burburay?
Macnaha ugu weyn ee Abiy ka leeyahay hadalkan,waa mashquulinta shacabkiisa noloshu ku adkaatay oo sicirbararku dilooday.
Su’aashu,waxay tahay….
Itoobiya haday Bad hesho Gaajada iyo dib udhaca maka baxaysaa?
