Xilligan,wuxuu aduunku baahi uqabaa Wadan qaadan kara door dhexdhexaadin oo kalsooni ka haysta Labada dhinac Maraykanka/Israa’iil iyo Wadaada Iran.
Putin,waa hogaamiyaha ugu mudan in uu qaato doorkan.
Doorka dhexdhexaadinta in uu qaato,waxaa usahlaya Laba arimood oo kala ah….
B. Xiriirka uu la leeyahay Trump.
T. Xiriirka uu la leeyahay Wadaada Iran.
Intaan hawlgalku bilaaban,ayuu Putin soo bandhigay dhexdhexaadin,waxaase ku diiday Maraykanka.
Putin iyo fursadihiisa dagaalkan?
- Dagaalka uu ku hayo Ukrain oo Indhaha caalamku ka jeesteen.
- Jabintii xeerarka caalamka ee lagu haystay oo uu ka baxsaday.
- Tamartiisii oo suuq fiican heshay.
- Midowga Yurub oo Tamartiisa ubaahday iyo isaga oo shuruud uga dhigay ka iibinta Tamarta in ay uballanqaadaan wada shaqayn mudo dheer ah oo ka madaxbanaan siyaasad.
Marka laga soo tago fursadaha Putin hada helay hadana kuma faraxsana in Maraykanku si buuxda Gacanta ugu wada dhigo Gobolka Bariga Dhexe.
Ruushku hogaamiyihii kaliya ee uu ku lahaa Bariga Dhexe,wuxuu ahaa Asad,isagana,waa laga soo saaray oo Ruushka,ayuu Qaxooti ku yahay.
