Waxba kama jiraan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay tagida Maraykanka.
Waxa kaliya ee jira,waa in 17 Wadan oo Somaliya ay ku jirto uu saameeyay amarkii Trump soo rogay.
Safaarada,ayaa joojisay Visa-ooyin ay haysteen Madax Somaliyed oo uu ku jiro Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana loo sheegay in ay markale soo dalbadaan oo lala yeelanayo Imtixaan.
Waxaa dalbaday Wasiirkii Maaliyada Fadaraalka oo Imtixaankii kadib qaatay kana qaybgalaya Shirka Baanka Aduunka.
Sidoo kale,waxaa qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Fadaraalka oo asna ka qaybgalaya Shirka Baanka Aduunka.
Waxaa kaloo qaatay Talyaha Nisa Mahad Salaad oo CIA ku casuntay ka qaybgalka usoo xirida Horin Ciidamada Gaashaan ah oo iyaga la shaqayn doona oo si gaar ah ay ugu tababarayeen Saldhig ku yaal gudaha Maraykanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka hada kuma jiro Dadka Shirka aadaya haduuse ubaahdo,waa dalban karaa Visa-ha.
Arinkan habayaraatee siyaasada iyo dhaqaalaha Somalida gudaheeda isku haysato saamayn kuma leh oo waa amar ka yimid Trump oo xataa Dalka Masar oo ku jira 17- ka Wadan saameeyay.
