12-ka April,waa Maalin uu lahaa Ciidankii burburay ee Qarankii fashilmay ee Somaliyed.
Majiro Ciidan Qaran oo Somaliyed oo ee waxaa jira Ciidamo kala gaar gaar ah sida……
1.Ciidamada Nidaamka Xamar ee Bartamaha iyo Koonfurta.
2.Ciidamada difaaca Puntland.
3.Ciidamada Qaranka Somaliland.
Dib ma udhismi karaan?
Rajada ah in dib loo helo Ciidan Somali ku midaysan tahay,waa dhimatay mana muuqato in dib loo helayo.
In Ciidan lawada dhisto,waxaa ka horaysa in siyaasad lawada dhisto.
Fursad yar,ayaa jirtay sanadihii lasoo dhaafay oo lagu samaysan karay siyaasad amni oo dhasha Ciidan Qaran,waxaase lumiyay fursadahaas Farmaajo iyo Xasan.
SL warkeeda iskaba ilow,balse PL oo qayb ka ahayd nidaamka Fadaraalka gadaal ayay uguratay mana wareejin doonto awoodaheeda ay ugu horeeyaan Ciidankeeda gaar ahaaneed.
Xasan Shiikh Maanta sharci kama hor taagna SL iyo PL ee waxaa ka hor taagan awoodahooda Ciidan ee ay leeyohiin iyo isaga oo aan haysan Ciidan Qaran oo uu wax ku muquunin karo.
Xuska Ciidan ee Xamar ka socda,wuxuu la mid yahay xusaska ka dhaca ee lagu kufsado Magaca ( Somaliyed)…
1.Culumada Somaliyed.
2.Haweenja Somaliyed.
3.Aqoonyahanka Somaliyed.
Dib uma dhacayso siyaasi Somaliyed oo aan masuul ahayn in Gacanta loo geliyo awood uu Dadka ku xasuuqo sidii horay udhacday.
