Tiro ahaan iyo tayo ahaanba Ciidanka Booliska Puntland,waa istaagay oo wuxuu gaaray halkii lagu haminayay.
Tiro ahaan?
3500-Askari,ayuu horay u ahaa,halka lagu daray 1000-Askari oo cusub,waana 4500-Askari Maanta.
Ku dhawaad 800- Askari,waa saraakiil soo jireen ah iyo xirfadlayaal.
Tayada?
2500-Askari,dib,ayaa loo diyaarshay.
2000-Askari,hada ayay ku socotaa.
Qalabka iyo Gaadiidka Ciidanka kor,ayaa loo qaaday Sanadkii ugu danbeeyay.
Bishan 25- keeda,waxaa tababar usoo xirmayaa Laba Urur oo loo tababaray si gaar ah la dagaallanka argagixisada,amniga Wadooyinka iyo rabshadaha.
Ururadaas,waxay ku qalabaysan yihiin Gaadiid dagaal oo ku dhow 40-Gaari.
Sidoo kale,waxaa tababar loo dirayaa 175-Sarkaal….
- 75-Sarkaal Itoobiya.
- 55-Sarkaal Kenya.
- 20-Sarkaal Talyaaniga.
- 30- Sarkaal Ugandha.
Saraakiishan,waxaa la qaadayaa Bisha Shanaad ilaa Bisha Sidaad ee Sanadkan.
Waxaa kaloo kor loo qaaday Mushahaarka Ciidanka 100%.
Booliska PL,waa 12 hogaan iyo Sagaal Qaybood oo dib udhis Ciidan,Xarumo,Gaadiid iyo Qalab lagu sameeyay,waxaana xusid mudan in Ciidanku leeyahay Warshadii Dharka iyo Kaydkii Shidaalka.
Jeneral qiimo leh oo kasoo bilaabay dhismaha Ciidamadan heer Gobol,ayaa hogaaminaya.
Jen.Muumin,wuxuu mudan yahay in lagu bogaadiyo isbadalka muuqda ee ku sameeyay Ciidanka.
