Bosaso,waxay ku jirtaa maalmaheedii wacnaa.
Waxaa maalmahan kasoo degaya Laba wefti oo maqaam sare leh,kuwaasoo ka kala imaanaya QM iyo Maraykanka.
Waxaa kaloo ka dhacaya Ciyaaraha Kubada Cagta ee Caasimadaha.
Waxaa xariga laga jarayaa garoonkii Kubada Cagta oo si casri ah loo dhisay.
Waxaa laga hirgeliyay Hotel Airport oo muhiimad leh.
Waxaa laga hirgeliyay Beer qurux badan oo balaaran oo casri ah.
Waxaa laga hirgeliyay Wadooyin muhiim ah.
Amniga iyo maamulkii oo lagu sameeyay isbadal si habacsanaanta looga saaro.
60% awooda dhaqaalaha iyo Dadka ee PL,waa Bosaso,waana muhiim horumarkeeda.
