Argagixisada,waxaa ka haray haraadi Tobonaan ah qiyaastii,waxayna galeen Dhul 12-km oo isku wareeg ah ka kooban Godad ku yaalay.
Geesaha,ayaa laga fariistay oo waa la go’doomiyay,kadib,waxaa la qorsheeyay in gadaal looga baxo si Godadka looga soo saaro,iyadoo khasaaraha soo gaaraya Ciidanka la koobayo.
Qorshahaas,waa shaqeeyay oo haraagii argagixisada,waa kasoo baxeen Godadkii,waxaana laga faa’iday Istiraatijiyadaas….
- In la ogaado tirada hartay.
- In la ogaado awoodooda.
- In la helo fursad lagu xasuuqo.
Ciidamada difaaca Puntland,waxay ku qaadeen hawlgal ciribtir ah,iyagoo taageero cirka ah ka helaya Sxb-da caalamiga ah.
Ilaa iyo hada khasaare baaxad leh,ayaa la gaarsiiyay haraaga argagixisada.
Ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaaca Puntland,waxay mudan yihiin bogaadin iyo garab istaag.
