Shirka Xalane in ay wax kasoo baxaan kaliya anaga guul nooma ahan ee waxaaba guul noo ah in maqaamkii PL Diblomaasiyiinta caalamku qireen oo Somalida ilowshaha dhow la xasuusiyay saamaynta PL.
10-Sano ka hor,waxay Somaliya ahayd Sadex qaybood oo kala ahaa SL,PL iyo Bartamaha iyo Koonfurta.
PL oo aaminsanayd dhismaha qaran Somaliyed,ayaa badashay oo hirgelisay Dowlada dhexe iyo Dowlad Goboleedyo siman.
Madaxdii markaas PL xukuntay,waxay bixiyeen tanaasul aysan ka fiirsan,iyagoo qiiro Qaran Somaliyed uu hayo.
Ilaahay mahadii 7-Sano oo aan soo loolamaynay dib,ayaan usaxnay khaladkii dhacay 10-Sano ka hor.
Maanta,waxaan haysanaa Puntland oo ah…..
- Awood siyaasadeed,dhaqaale iyo bulsho oo gudaheeda ka hirgelisay maamul macno leh oo ku hubaysan hay’ado Dowladeed oo si fiican loo dhisay.
- Awood Fadaraalka utaagan.
- Awooda jabinta argagixisada utaagan.
- Awood ku taal marin muhiim ah oo Labo Badood ah.
