Garoowe: 30 May 2026: Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, oo ay sanadka u fariisteen 25,221 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.
Ku-simaha Madaxweynaha, ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.
“Waxaan dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan. Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar adayg mudadii ay kusoo jireen hayaanka Waxbarshada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii Ardayda reer Puntland u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Imtixaan mideysan oo tayadiisu sarayso, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Maamulka Dugsiyada, Macallimiinta,Ardayda, Waalidiinta iyo dhammaan howl wadeenada ka shaqaynaya waxbarashada”.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo ardayda imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
