Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub oo gelinaya colaad sokeeye Somaliya.
Wuxuu khatar ku yahay nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Wuxuu si cad ugu xadgudbay qodobbada Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Sidoo kale,wuxuu si cad ugu tuntay Dastuurka JFS iyo heshiisyadii Qaran.
Ficillada khaldan iyo ku xadgudbida xeerarka,waa in ay ka dhashaan isla xisaabtan iyo masuuliyado.
Waa la fahmi karaa in BC marka hore hoos uhadasho oo ay samayso cadaadis xoog badan oo qarsoon.
Balse hadii maaro loo waayo,waa in la saaraa cunaqabateyn safarka ah iyo hantidiisa ah oo meel kasta oo ay taal loogu dhaco.
Dahab,ayuu ubadeshay Xasan Shiikh Lacagtii uu Ummadda ka dhacay,wuxuuna dhigtay Hongkong,isagoo Magaca Wiilkiisa ku furtay Shirkad,taladaana,waxaa siiyay Ismaaciil Cumar Geelle.
QM,waa Gacanta uhaysa Somaliya aqoonsiga Dowladnimo iyo quudinta shacabka,waxayna qayb weyn ka tahay socod siinta shaqada hay’adaha DF iyo kuwa DG…..
- Miisaaniyadaha D.dhexe iyo DG 70%,waxaa taageerta QM.
- Dagaalka argagixisada,Booliska,Cadaalada iyo guud ahaan amniga Somaliya,waxaa baritaarta QM.
- Siyaasada Somalida heer walba oo ay tahay,waxaa qayb ka ah oo taageerta QM,si gaar ahna weli Somaliya,waxaa masuul ka ah siyaasadeeda QM oo ma noqon muqdar isku filan 100%.
Hoos ula hadlida markii quus laga soo istaago,waa in kor loola hadlaa oo lasoo dadajiyaa go’aamada.
Guusha Ummadda Somaliyed haysato,waa in BC dhabarka ujeedisay.
