Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Dajaana iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Saaxo ee gobolka Mudug, iyagoo booqday Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.
Booqashada ayaa ujeeddadeedu ahayd dardargelinta amniga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, iyo sugidda xuduudaha Puntland, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudaha Gobolka Mudug.
Mas’uuliyiinta ayaa kulan la yeeshay saraakiisha iyo ciidamada Taliska Qaybta 60-aad, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni, howlaha ciidanka iyo caqabadaha ka jira deegaanada ay mas’uuliyadda ka hayaan.
Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Cabdiraxmaan Dujaana ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada ilaalinta Amniga iyo doorkooda Difaaca Puntland, si ilaaliyo xuduudaha iyo nabadgelyada shacabka Puntland.
Waftiga Wasiir Dujaana ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug, Taliyaha Aagga Daraawiishta Gobolka Mudug iyo maamulka degmada Saaxo.
IDILNEWS
