Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ugu baaqay bulshada kunool deegaanada dhaca xuduudka Puntland la wadaagto Itoobiya ilaalinta nabadgelyada labada dhinac.
Madaxweyne Deni oo ka hadlayay kulan uu xalay la yeeshay bulshada degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, ayaa xusay in Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay leeyihiin wada shaqeyn dhow, loogana baahan yahay bulshada kunool deegaanada xuduudka dhaca inay qeyb ka noqdaan adkeynta wada shaqeynta labada Dowladdood iyo in aysan gabaad u noqon dambiilayaasha kasoo baxsada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
“Dowladda aan dariska nahay ee Itoobiya gaar ahaan maamulka Soomaalida ee ina soo xiga, waxaan muddadii u dambeysay ka shaqeynaynay siddii wada shaqeynteenu u xoogeysan lahayd isu socodka gaadiidka dadku u hagaagi lahaayeen, ganacsigeenu isku dhaafi lahaa danaha amni iyo kuwa hormarineedna aan uga wada shaqeyn lahayn, arrintaas waxaad ka tihiin safiiro khaas ah, maxaa yeelay deegaankii baad u dhow dihiin, waxaa la idinka rabaa dambiilayaasha halkaa ka yimaada in aysan idinku soo dhuuman, waxaa la rabaa dadka halkaa waxyeelaynayay in halkaan gabaad ka dhigan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray “Waxaa la rabaa dadka xun ee deegaanka xagaa jira ee halkaan degan iyagu Reer ahaana in aysan labo calleyn, oo intuu halkaa idab darro ka sameeyo halkaan ku gaban.”
