Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Garanwaa
    Puntland

    Garanwaa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 1, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garanwaa

    Waa waayada ka mid ah Saancaddaale ayaa geed Garanwaa la yidhaahdo tallaalay. Garanwaa (prosopis juliflora) degdeg ayuu u baxay oo yeeshey laamo dhaadheer, caleemo doog iyo diraac cagaaran, qodxo iyo xididdo xoog leh. Geed abaareed weeye oo gunta hoose biyaha ka doonta. Dhirtii kale ee kala jaadjaadka ahaa, nacfiga badnaa, dabeeciga ahaa, geed-guriga ahaa ayuu degaankii ka xaalufiyey. Dhammaan dhulkii, miyi iyo magaalaba, ayuu ku faafay. Oggolaanwaa geedo kale in ay ka ag baxaan. Midho dadku cuno ma laha. Xooluhu aad uma jecla. Dhib mooyee, ma jiro wax laga dheefo. Waa keligii-noole. Waa gafane jaqa dhiigga naflayda. Dadkii iyo duunyadii ayaa quus ka istaagay. 

    “Maxaynnu Garanwaa ka yeellaa?” – ayay dhiryaqaannadii iyo culimmadii sayniska is-weyddiiyeen. “Sidee baynnu degaanka uga badbaadin karnaa?”

    “Aynnu dadweynaha ka wacyigelinno halista Garanwaa uu bay’adda u leeyahay. Aynnu adeegsanno qalabka warbaahinta, sida raadiyaha, telefisiyoonka, wargeysyada, Internet-ka iyo Meediyaha Dadweynaha. Waa in muwaaddin kasta oo Soomaali ah bartiisa iyo goobta uu ku noolyahay kaga qaybqaataa cidhibtiridda Garanwaa.” – mid culimmadii sayniska ka mid ah ayaa taladaa soo jeediyey. Giddi saynisyahannadii fekreddaa waysku wada raaceen. 

    “Miyeynnu xukuumadaha degaammada Soomaalidu degto ka jira ku dhiirrigelinnaa in arrintan halista ah ay wax ka qabtaan?” – mid kale ayaa isna taladaa soo bandhigay. Hase ahaatee, soo-jeedintaa si xoog leh ayaa intii badnayd u qaaddacday. 

    Culimmadii waxay diidmadoodaas ku saleeyeen in Garanwaa iyo guddoomiyeyaasha degaammadu yihiin dameer iyo labadiisa dhegood. 

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 19.05.2018

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    August 10, 2025

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    August 10, 2025

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Madaxweynaha Maraykanka oo si cad usheegay in aqoonsiga SL lagu guda jiro

    Faallo:-Maxaa sababay in Maraykanku soo celiyo Siyaasadii Laba Wajiilaynta?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada Talyayaasha Bariga Afrika Ee Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.