Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo Kormeeray Qaar Kamid ah Xarumaha Dowladda (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo Kormeeray Qaar Kamid ah Xarumaha Dowladda (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, waxaana ku wehelinaayey kormeerkiisa saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Xarumaha uu kormeerka shaqo ku tegey Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wasaaraddaha, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland, xarunta Gobolka Nugaal, Xarunta Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland iyo Xarunta hay’adda wadooyinka Puntland (PHA).

    Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

    “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, Madaxweynuhu wuxuu Kula kulmay xarumahaasi masuuliyiinta wasaaraddaha, iyo dhammaan hawl-wadeenadooda, wuxuu Madaxweynuhu dhegaystay warbixino kala duwan oo ay siiyeen shaqaalaha iyo Madaxda xarumaha uu booqday”.

    “Madaxweynuhu waxaa uu Kula dardaarmay dhammaan hawl-wadeenada dowladda, Isla markaasina uu kala hadlay qaabka shaqada ay u soconayso, iyadoo runtii ay maanta u ahayd, guud ahaan xarumaha dowladda, gaar ahaan kuwa uu booqday maalin ay soo bandhigayeen maxsuul ka shaqadooda iyo weliba mustaqbalka waxyaabaha ay hiigsanayaan” Ayuu yiri Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/636611263463562/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.