Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Habraaca doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland oo lasoo saaray
    Somalia

    Akhriso: Habraaca doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland oo lasoo saaray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2021No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si wadajir u soo saaray Habraaca doorashada Golaha Shacabka ee gobalada Waqooyi, xilli lagu wado inay bilaabato doorashadaas todobaadkan.

    Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Xaashi iyo Guuleed.

    Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, heshiisyadii iyo habraacii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021.

    Iyagoo maanka ku haya muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo doorasho hufan, xor iyo xalaal ah oo aan daahitaan lahayn, waafaqsanna Shuruucda, heshiisyada iyo habraacyada sare ku xusan.

    Waxay soo saareen hannaanka loo marayo dooorashada Golaha Shacabka ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

    Qodobka 1aad: Mas’u uliyada Hirgelinta Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Somaliland

    Maamulka Guud ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka BFS ee Somaliland waxa u xilsaaran Golaha Sare ee Doorashada Somaliland oo kala ah: Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan e Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo kaashanaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen
    Mudaynta, Hirgelinta iyo qabashada doorashada waxa u xilsaaran Guddiga Doorashada heer Soomaaliland (SEAT) oo kaashanaya Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal (FEIT).
    Qodobka 2aad: Shuruudaha Murasharaxa Golaha Shacabka
    Si waafaqsan Qodobka 58 aad ee Dastuurka KMG ee J FS, Murashaxa u tartamaya BFS waa in uu:

    Yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ka soo jeeda Somaliland, da’diisuna aanay ka yarayn 25 sano xiliga doorashada.
    Aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamaddeed lagu hakin 5-tii sanno ee u dambeeyey ama aanay Maxkamaddi ku xukumin dambi 5-tii sanno ee u dambeeyey;
    Leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ah ama waayo aragnimo u dhiganta oo la xaqiijiyey,
    Lagu yaqaan dhaqan suuban iyo akhlaaq
    Musharaxa aan ka mid ahayn Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada aqal, waa in uu la yimaado warqadda dambi la’aanta oo ka soo baxday Waaxda Dambi Baadhista Booliiska Soomaaliyeed,
    Murashuxu waa in uu bixiyey lacagta musharaxnimada ee lagu jaangooyey heshiiskii Madasha ee 22 August
    Qodobka 3aad: Habraaca Doorashada

    Xildhibaanka Golaha Shacabka waxa dooranaya ergo tiradoodu dhan tahay 101ergey si waafaqsan habraacyada doorashooyinka dadban ee
    Iyadoo la tixgelinayo duruufaha u gaarka ah doorashada kuraasta xildhibaanada Somaliland waxaa ay yeelan karaan ergo wadaag .

    Ergada doorashada ee 101-da ah waxa loo soo xulayaa si waafaqsan heshiiskii Madasha Qaran ee 17-kii September 2020 iyo heshiiyadii ka
    Liiska Ergada kursi kasta oo aan ergo wadaag ahayn ama kuraas kasta oo ergo wadaag ah waa in ay ugu yaraan 30% haween
    Xubinta ka mid ah guddi xulis ergo doorasho ee kursi ama kuraas ergo wadaag ahi kama mid noqon karto guddiga xulista ergo kale, ergada wax dooranaysa, umana tartami karto kursi
    Ilaalinta iyo Xaqiijinta qoondada haweenka waxaa ka masuul ah Guddoonka Sare ee Doorashada Somaliland oo la tashanaya Ra’iisul Wasaaraha XFS, waxaana fulinaya Guddiga Doorashooyinka ee Heer Soomaaliland (SEIT).
    Kooramka codbixinta ergadu wuxuu ansax ku noqonayaa marka ay goobjoog yihiin ugu yaraan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee
    Codbixintu waxa ay noqonaysaa mid sir ah oo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland (SIET) korjoogtana ay ka yihiin Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FIET) iyo Guddiga Xalinta
    Kursiga ay ku tartamayaan labo musharax oo keliya waxay gelayaan doorasho hal wareeg ah, waxana lagu kala guulaysanaya cod hal dheeri (50%+1) ee codadka ergada goobjooga ah ee
    Haddii kursiga ay ku tartamayaan in ka badan labo murashax, wareega koowaad waxa guulaysanaya murashixii hela 2/3 codadka ergada codaysay, haddii la waayo waxaa wareega labaad u gudbaya labada murashax ee ugu cod badan, waxaana guulaysanaya murashaxii hela 50%+1 ee codadka ergada goobjooga ah ee
    Haddii uujiro Murashax kursi u tartamaya kaligiis oo cid la tartanta la waayey ama loo tanaasulay, waxa loogu codaynayaa hab gacan taag ah, waxaana murashuxu ku guulaysanayaa cod hal dheeri ah (50%+1) ergayda
    Wixii khilaafaad ah ee ay guddiga xulista ergooyinka beeluhu xalin kari waayaan waxa xalin doona oo go’aan kamadambays ah ka soo saaraya Guddoonka Sare ee doorashooyinka ee
    Doorashada kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) waxaa lagu qabanayaa Xarunta Dugsiga Tababarka Booliiska

    Qodobka 4aad: Mabaadi’ Guud

    Murashaxa u tartamaya Golaha Shacabka BFS ee ka tirsan ciidamada qalabka sidda, diblomaasiyiinta, shaqaalaha dawladda iyo hay’adaha dawladda ee madaxa banaan waa in uu istiqaaladdiisa u gudbiyaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland (SIET) 7 maalmood ka hor maalinta

    Si looga hortago in bulshada dooranaysa wakiiladooda ku metelaya golayaasha qaranka la soo
    dhexgelayo laaluush, musuqmaasuq iyo eex, loona fuliyo shunmcda dalka ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluushka, waxaa ka reeban dhammaan dadka ku lugta leh doorashada sida oday dhaqameedyada, gudiyada doorashada, gudiga xulista ergooyinka, ergooyinka wax dooranaya iyo murashaxiinta tartamaya adeegsiga nooc kasta oo laaluush iyo musuqmaasuq ah.

    Cid kasta oo lagu qabto ama ay ku cadaato qaadashada nooc kasta oo laaluush, musuqmaasuq iyo eex ah wuxuu gelayaa fal dembiyeed, waxayna Guddoonka Sare ee Doorashada Somaliland ka joojinayaan hawlaha doorashada, waxaana kiiskiisa lagu wareejinayaa hay’adaha.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.