Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ?
    Somalia

    Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka Puntland ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 1, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.

    Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

    Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 49-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

    Dhinaca kalena, kadib markii uu 3 fadhi ka maqnaa Fadhiyada gudiga joogtada ah, isla markaana Golaha laga hor-akhriyey warqad Is-casilaada oo uu soo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah Mudane, Cabdiraxmaan Diiriye Carab kaas oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka aqbalay, ayaa guddoomiyuhu waxa uu u soo jeeday in xubintaas buuxinteeda loo marayo habraaca Golaha Wakiillada, Gobolka Cayn-na ay soo gudbiyaan xubintii bedeli lahay, haddii ay isku raaci waayeena lagu tartami doono maalinta Sabtida ee fooda nagu soo haysa taariikhduna tahay 06-November-2021.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.