Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Golaha Wasiirada DDS oo War-saxaafadeed kasoo saaray soo rogaal celinta TPLF
    Somalia

    Akhriso: Golaha Wasiirada DDS oo War-saxaafadeed kasoo saaray soo rogaal celinta TPLF

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiiradda Dowlad deegaanka Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada dalka Itoobiya, iyo dib u soo noqoshada Awooda xoogaga Tigreega oo deegaan cusub kala wareegay Ciidammada DF Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed Ali.

    Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka.

    Sida la wada ogsoonyahy soddonkii sano ee la soo dhaafay kooxda TPLF waxa ay shacabka Deegaanka Soomaalida u geysatay mahadhooyin ballaadhan iyo dhibaatooyin baaxad leh; dhibaatooyinkasina bulshada Soomaaliyeed si dhab ah ayay uga wada dharagsan yihiin.

    Gafafkii ballaadhnaa ee soddonkii sano ee la soo dhaafay ay TPLF bulshada Soomaalida u geysatay waxa ay ku reebeen dadka Soomaaliyeed saamayn ballaadhan dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalahaba.

    Saddexdii sano ee la soo dhaafay isbaddalkii kaddib dowladda Deegaanka Soomaalida iyo hoggaaminteeda oo isku duuban waxa ay xoogga saartay in shacabka Soomaliyeed laga dulqaado dhibaatadii ay muddada soddonkaa sano ah u gaysatay, waxaana la sameeyay jihooyin kala duwan oo lagu badbaadinayay shacabka Soomaliyeed.

    Muddadaasi saddexda sano ah waxaa la qaaday jid walba oo ummadda Soomaaliyeed lagaga samata bixin karo hadimooyinkii baaxadda lahaa ee ay TPLF shacabka u geysatay. Waxaana lagu guuleystay in laga soo gudbo talooyinkii ay janaraaladdii TPLF talisyadooda uga soo go’aamin jireen iyo argagixii shacabka la galin jiray.

    Maanta ma jirto, mana jiri doonto in ay soo noqdaan dhibaatooyinkii shacabka Soomaaliyeed ay TPLF gaadhsiisay, mid Deegaanka laga ogolaanna ma aha.

    Dowladda Deegaanka Soomaalida waxa ay aaminsan tahay in masiirka shacabka Soomaalidu ku jiro gacanta shacabka Soomaaliyeed, nooc walba ha ahaadan ee, sidas darteedna ay go’aanka iyo taladuba ay ka soo go’ayso shacabka Soomaalida.

    Ugu dambayn, Dowladda Deegaanka Soomaalida waxa uu waajib ka saaran yahay nabadda iyo horumarka shacab-weynaha Soomaalida, waxa ayna dowladdu caddaynaysaa in ayna imaan doonin gacan shisheeye, lana ogolaan doonin”.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.