Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo warshad sameysa Oxygen-ta ka hirgalisay magaalada Qardho (VIDEO)
    Somalia

    Puntland oo warshad sameysa Oxygen-ta ka hirgalisay magaalada Qardho (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 3, 2021Updated:November 3, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray Warshada Oxygen-ta sameysa oo Wasaaradda Caafimaadka we Dowladda Puntland ay kusoo kordhisay Isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

    Warshada Oxygen-ta sameysa ee la keenay Isbitaalka Qardho, ayaa wax badan ka tari doonta baahida dhinaca Oxygen-ta xiligan oo uu jiro xanuunka Covid-19, waxaana sidoo kale Dowladda u Qorsheysay inay Warshado oxygen geyso magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray qaybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Qardho, waa xarun u gaar ah in ubadka ku dhasha waxkayar 9bilood, lagu caawiyo Caafimaad ahaan illaa uu si caadiya ugu korayo.

    Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo dadaalka waxqabad ee Wasaaradda Caafimaadka, wuxuuna la wadaagay bulshada in Caafimaadku uu ka midyahay adeegyada muhimka ah ee Bulshada loo hayo, Dowladuna ay muhiimad gaar ah siinayso in dadku helaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1233164867095072

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.