Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso:-Qodobada ka soo baxay Shirka Somaliya iyo Madaxda Africa Ee Ciiidamadoodu ka joogaan Somaliya
    Somalia

    Akhriso:-Qodobada ka soo baxay Shirka Somaliya iyo Madaxda Africa Ee Ciiidamadoodu ka joogaan Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 1, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    15ka Qodob ee ka soo baxay Shirka madaxda Africa ee Ciiidamadoodu ka joogaan Somaliya, kaas oo maanta ka dhacay Muqdisho.

    1. In la tixgeliyo madaxbannaanida dhuleed, Siyaasadeed iyo midnimada Somaliya.
    2. Waxaa lagu amaanay Dowladda iyo dadka Somaliyed go’aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka Alshabaab.

    3.Shirka waxaa lagu sheegay sida ay Africa uga go’an tahay sii wadidda taageerada laga siiyo Dowladda Federalka Somaliyed dadaallada ay ugu jirto xoreynta dalka.

    4.Waxaa la bogaadiyey dadaallada Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubanaha ka ah, kuna aaddan siyaasad loo dhan yahay oo lagu wajaho dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

    1. Waxaa la xusay horumarka Somaliya ay ka gaartay Gobollo badan oo ay Ciidanka Somaliya iyo ATMIS kala wareegeen Alshabaab.
    2. Waxaa la bogaadiyey horumarka laga sameeyey dib u dhiska iyo casriyeynta Ciidanka qalabka sida.
    3. Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo Dowladda Faderaalka Somaliya oo ay ku dooneyso in dalalka Ciidanku ka joogo Somaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada.
    4. Waxaa Carrabka lagu adkeeyey baahida deg-degga ah ee loo qabo in si wadajir ah loo qorsheeyo Istaraatiijiyad adag oo ka dhan ah Alshabaab.
    5. Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddana dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
    6. Waxaa la isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobo ay ku dhuumaaleystaan oo dhaca Koofurta iyo Bartamaha Somaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey,ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto Gobolka intiisa kale.
    7. Waxaa la go’aamiyey in la dhiso hannaan la isugu dubbaridayo hawlgallada iyo awood mid ah oo cadowga lagu wajahayo.
    8. Waxaa la soo dhaweeyey codsiga Dowladda Somaliya ee lagu qalabeynayo Ciidamada cusub kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda Ciidamada.
    9. Waxaa la codsaday in saaxiibbada caalmiga ah inay Somaliya ka taageeraan dadaallada xasilinta ah ee ka socda goobaha dhawaan la xoreeyey si loogu fududeeyo Dowladda Somaliya sidii ay kor ugu qaadi lahayd gaarsiinta adeegyadeeda deegaannadaas.
    10. Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkan 2023.
    11. Waxaa aad carrabka loogu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dhismaha nidaam isku xiran oo lagu sugo amniga xudduudaha kaas oo loola dan leeyahay in lagu ciribtiro argagixisada isaga gudubta xudduudaha, laguna xaqiijiyo ganacsi sharci ah oo isu gudba.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    July 9, 2026

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    July 9, 2026

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    July 9, 2026
    Latest Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    Go’aano kasoo baxay Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal

    Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday ka qeybgalka kulanka Mucaaradka iyo Turkey

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.