Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Alshabaab oo sheegtay in ay ka dileen Jubaland ku dhawaad 100-Askari
    Somalia

    Alshabaab oo sheegtay in ay ka dileen Jubaland ku dhawaad 100-Askari

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in weerar ay saaka ku qaaday deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose lagu dilay 89-Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somaliya, halka tobanaan kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas.

    Warka ka soo baxay Al-shabaab,ayaa lagu sheegay in xero halkaa ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday Gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

    Shabaab waxay intaa ku dareen in ay cagta mariyeen saldhigga ay weerarka ku qaadeen hase-yeshee ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa sheegashada Al-Shabaab.

    Dhanka kale, saraakiisha Ciidamada Dowladda,ayaa waxay sheegeen in malleyshiyaadka Al-shabaab halkaas lagu gaarsiiyay jab weyn, ayna la carareen meydad tiro badan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

    Deegaanka Janaay Cabdalle oo ah deegaan muhiim ah ayaa isku xira magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

    Ciidamo kala duwan oo isugu jira milatariga Somaliya kuwa Daraawiishta Jubaland, iyo Ciidamada gaarka ah ee Danab,ayaa la sheegayaa in ay halkaa ku leeyihiin saldhig weyn.

    Bishii Jannaayo ee sanadkaan,ayaa Ciidamadu halkaa kala wareegeen Al-shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.