International partners* welcome efforts by Somalia’s leaders to advance priorities on peacebuilding and state-building, including through the regular meetings of the National Consultative Council. In particular, we welcome the renewed focus on the constitutional review process, federal resource-and power-sharing, and reconciliation, all of which are crucial to ensuring Somalia’s long-term stability. We call on all stakeholders to engage constructively in these efforts, and to resolve any differences through dialogue and consultation. We remain committed to supporting Somalia in achieving its state-building priorities; the foundation for an inclusive, prosperous and peaceful Somalia. *African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Belgium, Denmark,…
Author: Jibril Qoobey.
Beesha Caalamka,waxay soo saartay war dharbaaxo ku ah Madaxweyne Xasan iyo isbahaysigiisa. Waxay muujisay in ay taageersan tahay wadahadalada,waxayna ka aamustay khilaafkii. Beesha caalamku,waxay soo jeedisay oo dul istaagtay kuna talisay in xal laga gaaro Qodobadan… 1.In laysla fahmo sidii Awoodda loo qaybsan lahaa. 2.In laysla fahmo Khayraadka Dalka qaybsigiisa. 3.In Dhammaystirka Dastuurka uu noqdo mid la’isku waafaqsan yahay. 4.In wadahadalladu sii socdaan. Meesha ay istaagtay Beesha caalamku waa halkii ay Puntland taagnayd ee ahayd in loo baahan yahay wada xaajood dheeriya. Beesha caalamku waxay taageertay mowqifkii Puntland ee wada hadalka,waxayna dhabarka ujeedisay isla qumanaantii Villa Somaliya. Madaxweyne Xasan ayay…
Dagaalka Shabaab,waxuu umuuqdaa mid laab lakac ah oo caadifaysan salkiisuna yahay Qabiil. Ilaa iyo hada Ciidan Shabaab laga laayay oo la taaban karo majiraan markii laga reebo kuwa Diyaaradaha Maraykanku garaacaan. Xarardheere Hal Maleeshiyo loogama dilin Shabaab oo Ciidankoodii iyo Qalabkiiba waa kala baxeen. Waxay galeen Deegaamada Miyiga ah,iyagoo bilaabay dagaallo Guri la’ah,Qaraxyo ay la beegsanayaan Saraakiisha iyo hanjabaadyo Ganacsatada Dowlada la shaqaysa. Sida muuqata hadaan la helin qorshe Qaran oo laga baaraandagay lagama adkaan doono argagixisada Shabaab. Culayska ugu weyn,waxuu Dowlada kasoo fuulayaa Magaalooyinka ay ka baxaan Shabaab sidii loo sii hayn lahaa oo loogu heli lahaa Ciidan ku…
Axmed Madoobe waa baxayaa oo waa ka tagayaa Kismaayo ugu danbayn. Waa soo xalaalaystay jiscinkii iyo Deegaankii uu degi lahaa. Dekeda iyo Garoonka Kismaayo,waxaa lagu wareejiyay Shirkad Imaaraatiya si rasmi ah,waana jiscinkii uu raadinayay. Guri uu dejistay Qoyskiisa iyo amaana,waxaa siisay Dowlada Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Xasan Sanad uu ku anba baxo,ayuu uga badashay qayb ka mid ah Lacagta laga helay Dekeda iyo Garoonka Kismaayo. Somalida degta Deegaamada Jubaland,waa in ay udiyaar garoobaan ka talinta Aayahooda Axmed kadib. Puntland Shalay haday wakhti iyo dhaqaale gelisay dhismaha Nidaamka Jubaland hadana waa in ay dhamaystirtaa hadafkeedii oo door gelisaa Jubaland Dhul iyo Dad…
Maalinkii Afraad,ayuu Madaxweyne Xasan joogaa Baydhabo,isagoon weli xal uhelin khilaafka ka taagan. 25-kii Musharax ee Madaxweynaha KG u ordayay waa awoodi waayay in uu ku qanciyo utanaasulka Laftagareen. Sidoo kale Madaxweyne Xasan,waa ka keeni waayay Laftagareen Sadex arimood midkood… 1.Utanaasulid mucaarad. 2.U ansixin Sanad ku darsi ah. 3.Meel dhexe oo layskugu yimaado. Haldoorka KG waxay qabaan in Madaxweyne Xasan ku jirto hagrasho oo Deegaan aan Beesha uu kasoo jeeda ahayn uusan wakhti,dadaal iyo dhaqaale xal loogu helayo bixinayn. 70-jirkii loo igmaday hogaaminta Siyaasada Dalka in uu wax kala oran waayo reer KG ma’ahan wax caadiya. Waxaan sugnaaba waa ilaa Beri…
Muqdisho, Janaayo, 19 2023— Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga. Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo qayb wayn ka qaadan doona dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan…
Waxaa lasoo gabogabeeyay xaraash lagu iibinayay boqollaal qalab ah oo yaallay xarunta Shirkadda Twitter ee Magaalada San Francisco. Taallada astaanta caanka ah ee Twitter-ka oo u sameysan sida shimbirta ayaa lagu iibiyay lacagtii ugu badneyd, iyadoo lagu qaatay $100,000 (£81,000). Dadka munaasabaddan ka daawanayay dhinaca online-ka ayaa gartay in qalabka la isticmaalay uusan qiimahooda gelin wax gorgortan ah, maadaama lagu iibinayay lacag ka badan tan tafaariiqda. Xaraashka ayaa la sameeyay xilli milkiilaha Twitter-ka Elon Musk uu jaray kharashkii ku bixi jiray shirkaddan wixii ka dmabeeyay markii uu lacag dhan $44bn ku iibsaday sanadkii lasoo dhaafay. Tan iyo markii uu Mr…
U hogaansamida nidaamka Dowladnimadimo iyo dar-dargelinta dakhligu waa horumarka dalka iyo Dadweynaha Puntland. Baahintii Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Halkan ka daawo muuqaalka
Garowe: 19 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah la yeeshay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta dalka, oo uu Madaxweynuhu magacaabay 14-kii January 2023. Madaxweynaha ayaa Guddiga uga warbixiyey marxaladaha Dowlad dhiska Soomaaliya laga soo maray iyo Shirarkii ugu danbeeyay ee Puntland ka qeybgashay ee ay isugu yimaadeen Madaxda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan, isagoo la wadaagay Guddiga faahfaahinta qodobadda bud-dhiga u ah Arrimaha Hadda taagan. Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Federaalaynta Dalka ayaa ka kooban…
Bosaso waa Magaalada ugu weyn Puntland ayna ku nool yihiin Dad ku dhow Hal Milyan oo Qof. Macquul ma’ahan lamana aqbali karo in ilaa iyo hada Dadkii Bosaso usoo bixi waayeen isdiiwaangelinta. Bulshada Gobollada Bari,Karkaar iyo Gardafuu waa udiyaar isdiiwaangelinta. Ururadii waa taageereen isdiiwaangelinta oo caqabad kuma noqon. Mideeye oo baqdinta ugu weyn ee ah in uu fawdo sameeyo laga baqayay,waa laga amaan helay si ilbaxnimo leh ayay udirireen oo aan jiriyayn ahayn. Siyaasiyiintii waa iska ururiyeen diiwaangelinta si aysan u eersan. Cid caqabad ku noqotay oo Maanta la eedayn karo majirto. Caqabadaha taagan,waa Dowlada iyo Gudiga Doorashada… 1.Wasiirka Arimaha…
Xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa lagu sameeyay dayactir muuqda. Sidoo kale,waxaa jira Dayactir qarsoon wax ku oolna ah oo lagu sameeyay qaab dhismeedaka hogaamada iyo Qalabka Taliska guud. Ciidamada Difaaca Puntland qaybahooda kala duwan 5-sano ka hor muuqaalkii ay lahaayeen Maanta waa ka badalan yahay. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaarada Cadaalada Puntland haday Gacanta ku qabato Dugsiyada Quraanka waa wax weyn. Sida Wasaaradu sheegtay,waxaa la diiwaangelinayaa Macalimiinta,waxaana loo samaynayaa tababar kadib marka la qiimeeyo. Dugsiyada Quraanka waa meelaha Ilmaha lagu khaldo oo Diinta looga fidneeyo. Sidoo kale waa goobaha lagu dhibaateeyo oo Kufsiga ugu badana ka dhaco.
Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa ka bixisay jawaab adag eedeyntii maamulka Somaliland usoo jeediyay. Somaliland,waxaa loo sheegay in ay qayb ka yihiin Somaliya oo aan loo aqoonsanayn Dal gaar ah. Sidoo kale Safiirka Maraykanka ee Somaliya,ayaa usharaxay waxa ay tahay Shaqadiisa Somaliya. “Somaliya,waxaan wakiil uga ahay Madaxweynaha Maraykanka,waxaana fuliyaa Siyaasadiisa,taasoo kala dhaxaysa Madaxweynaha Somaliya”Ayuu yiri Danjiruhu. “Somaliya,waxaan ujoognaa fulinta Sadex arimood oo kala ah,Amaanka Labada Dal,Bini’aadantinimada iyo horumarinta Dowladnimada curdanka ah ee Somaliya,waxaana marka hore kala xaajoonaa wax walba oo aan samaynayno Dowlada Dhexe kadibna DG iyo SL”Ayuu yiri markale Safiirku. Xaqiiqdii Somaliland,waxaa la siiyay jawaab Diblomaasi,Siyaasadeed iyo mid cad oo…
Aan labo u kala qaadno Shirka Baydhabo iyo damacii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe. Damacii Xasan iyo Aadan? Xasan iyo Aadan Madoobe waxaa la dhihi karaa waxay soo taabteen darbiga oo Labadoodu waxay la hareen ma jirin. Xooga dib ugu laabo xasuusta meeshay ka soo bilaabatay. Lafta gareen waxaa la galiyay go’doon Siyasadeed,iyadoo lagu abaabulay Shirar isdaba joog ah oo Xamar ka dhacayay. Sidoo kake,waxaa lagu aasaasay Madal xoogan oo waliba Hubaysan. Waxaa lagu furay Idaacadi Dowlada oo Habeen walba lagu qabanayay Barnaamijyo iyo doodo ka soo horjeeda Madaxweyne Lafragareen. Arimahaas waxaa abaabulkooda iyo Kharsh garayntooda…
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin,ayaa Bulshada Bosaso ku booriyay in ay isdiiwaangeliyaan mudada kooban ee ka harsan diiwaangelinta Codbixiyaasha. “Waxaan ugu baaqayaa bulshada Bosaso in ay isdiiwaangeliyaan maxaa yeelay waa fursad mar la’arag ah”Ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin. Sidoo kale Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad,ayaa iska Diiwaan-geliyay seejayadda Deegaanka Xubabays ee Degmada Isku-shuban,wuxuuna Isimada dhaqanka iyo Bulshada ugu baaqay in ay isdiiwaan geshaan.
Ciidamada Dowladda Itoobiya,ayaa gudaha u galay magaalada Adigrat ee ku taalla waqooyiga halkaasoo ay heysan jireen Ciidamada Maamulka Tigray. Ciidamada,ayaa gudaha ugalay magaalada iyagoo lugeynaya halka qaarkoodna ay saarnaayeen Basas iyo Baabuurta Militeriga. Fitsum oo ah kamid dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay. “Markii hore waxaan dareenay cabsi la xiriirta wixii hore halkan uga dhacay balse wax dhibaato ah ma dhicin”. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Itoobiya ama mas’uuliyiinta Tigray oo ku aadan ciidamada gudaha u galay magaaladan. Ciidamada dowladda,ayaa lagu wadaa inay la wareegaan saldhigyada Militeriga iyo xarumaha kale ee amniga.…
Madaxweyne ku xigeenkii hore hadana ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto,ayaa sheegsy in laysku dayay in la afduubto isla markaana la dilo Guddoomiyaha Guddiga doorashada xilligii ay socotay doorashada Madaxweyne sanadkii lasoo dhaafay. Ruto,ayaa ku guuleystay doorashadaas la qabtay bishii August ee sanadkii 2022, wuxuu helay codad gaarayay boqolkiiba 50.5, muran iyo buuq ayaa xilliggaas hareeyay xaruntii lagu tirinayay Codadka. Xilliggaas Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya, Wafula Chebukati wuxuu sheegay in shaqadiisa uu qabsanayay balse loo hanjabay. “Waxaan la soconnaa inay jireen isku dayo toos ahaa oo lagu afduuban rabay Chebukati si loo dilo, howsha guddigana loo curyaamiyo, hanjabaaduhu waxay ahaayeen kuwo…
Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine. Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine. Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko. Ilaa hadda ma jiro wax war ah…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka. Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda. Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,…
“Puntland waxay wax la doonaysaa, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-shabeele & Somaliland,waxaana rabnaa Somaliya mid ah oo Federaal ah, lehna hal Calan oo la wada harsado” Ayuu yiri Madaxweyne Deni. Waa fariin toos ugu socota Madaxweynaha haatan fadhiya Kursiga Villa Somaliya ee ufasiray Dowladnimada Somaliya mid Hal Xaafiis laga maamulo. Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe: 17 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Madaxweynaha ayaa Kula dardaarmay Ciidanka la tababaray in ay noqdaan kuwo ka faa’iideysta aqoonta la baray oo dalkooda iyo dadkooda ugu adeega sida ugu wanaagsan. Madaxweynaha ayaa Hadaljeedintiisa kaga hadlay howlgalada Dalka looga xoreynayo Argagixisada, isagoo u boggaadiyay guulihii ugu danbeeyay ee la gaaray sida xoreynta Degmada Xarardheere , wuxuuna Hambalyo u diray Dowladda Galmudug, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabweynaha isu taagay iska dul kicinta Cadowga. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa iftiimiyey hannaanka Dowladu u wajahday…
Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Qof iyo Cod ee Puntland si habsami leh ayay usocotaa. Dadweynuhu maalinba maalinka ka danbaysa waa usoo baxayaan diiwaangelinta,waana isa soo tarayaan. Xaqiiqdii Shacabka Puntland waxay muujiyeen bisayl,Wadaniyad,Aragti fog iyo Ilbaxnimo,waxayna iska diideen baaqii Oday Nolol ka raadinaya Dhiigooda iyo Siyaasi ku Awr kacsanaya Qabiilka. Sadexda Gobol ee Bari,Gardafuu iyo Karkaar oo diiwaangelintu ay Wajiga koobaad ka bilaabatay wax lagu farxi doono,ayaa kasoo bixi doona,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Bulshada Deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari ayaa safaf dhaadheer ugu jira si ay u qaataan waraaqda cadaynta u ah is diiwaangalinta. Isdiiwaangintan,ayaa horseed unoqonaysa in Dadku ay uqaataan Kaarka Codbixinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland. Qofkii aan isdiiwaangelin haatan way ku dheeraan doonta in uu helo fursad kale oo uu isku diiwaangeliyo,waxuuna luminayaa xaqiisa Dastuuriga ah oo ma Codayn karo. Diiwaangelintu ilaa iyo hada si habsami leh ayay uga socotaa Gobolada Bari,Karkaar iyo Gardafuu.
Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee colaadda Tigray ee Itoobiya, Olusegun Obasanjo, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times (FT) in ilaa 600,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen dagaalka Labada Sano ka socday Gobolka Tigreega. Wareysi uu siiyay wargeyska, ayuu Obasanjo ku sheegay in tirada dadka dhintay ay gaarayaan ku dhawaad 600,000 oo Qof. Waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dagaalka. Cilmi baarayaashu, ayaa waxay kal hore ku qiyaaseen in dhimashadu ay gaarayso boqollaal kun. Axadii, FT, ayaa soo xigatay madaxa guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, isagoo sheegay in qiyaasaha ay bixiyeen dhammaan dhinacyada ay u baahan…
Hoos u dhac,ayaa ku yimid tirada bulshada Shiinaha markii ugu horreysay Muddo 60-sano ah. Diiwaanka Carruurta dhalaneysa,ayaa muujinaya heerkii ugu hoseeyay,iyadoo 1000-kii Qof ay dhalayaan 6.77 Carruur ah. Tirada Bulshada Shiinaha sanadkii hore waxay gaartay-1.4118 billion- tiradaas oo ka yar 850,000 qof tiradii la diiwaangeliyay sanadkii 2021-ka. In muddo ah waxaa uu hoos dhacayay tirada carruurta Shiinaha, arrintaas oo keentay in isbaddal lagu sameeyo siyaasaddii ilma dhalidda lagu yareyanayay. Markii ugu danbeysay uu hoos dhac ku yimaado tirada dadka Shiinaha waxay aheyd Lixdamaadkii markaas oo uu la daalaa dhacayay dhibaatooyin ka dhashay macaluul.
Maamulka Dowlad Deegaanka Somalida ee dalka Itoobiya,ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Deegaanada dariska ah ay xadka ka wadaan uu ku jiro damac dhul balaarsi ah gaar ahaan Oromada iyo Canfarta. Cali samriye Sigad, Wasiirka xafiiska arimaha deegaanada iyo xalinta isku dhacyada,ayaa sheegay in Dhul ballaarisga ay wadaan Oramada iyo Canfarata uu dhaliyay khasaare xooggan isla markaana hadda khalkhal laga dareemayo caasimadda Deegaanka ee Jigjiga. “Degmada Gurre-dhaamaalo maalmihii ugu dambeysay waxaa lagu soo qaaday dagaal la doonayay in shacabka lagu barakiciyo” “Degmada Ceelkari Shalay iyo Maanta oo u dambeysa dagaal,ayaa ka socda” “Magalaadii Diridhaba iyadna waxaa la doonayaaa…
Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya, Me’asa Ashenafi iyo ku xigeenkeeda Solomon Areda ayaa si lama filaan xilkii isaga casilay. Ma aysan sheegin sababta ay isku casileen. Me’asa Ashenafi oo horey ugu ololeyn jirtay arrimaha haweenka,ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay xilkan, waxaana loo arkay tallaabo isbaddal ah oo uu waday Abiy Axmed markii uu xilka qabtay. Tan iyo dabayaaqadii 1980-kii waxay aheyd Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare ee Itoobiya,waxayna markii dambe sameysay Urur ay ku mideysan yihiin Haweenka Qareemada ah ee Itoobiya si ay u caawiyaan Haweenka u baahan adeegyada sharciga ah. Meaza Ashenafi waxay ku lug laheyd kiis caan…
Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd. Axaddii ayaa xafiiska James Comer oo ah guddoomiyaha cusub ee guddida kormeerka ee Aqalka Wakiillada Maraykanku, wuxuu ka codsaday Ron Klain oo ah madaxa shaqaalaha…
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka Deegaanka,ayaa maanta la wareegay Gacan ku haynta Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud oo sanado badan ay Gacanta ku hayeen Maleeshiyada Al-Shabaab. Qabashada Ceeldheer,ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Gaashnaadhigga Somaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen Ciidamada. Waa magaaladii Saddexaad oo ka tirsan Deegaamada Maamul Goboleedka Galmudug oo ay Ciidanka Dowladda ka qabsadaan Al-Shabaab muddo Laba maalmood gudahood ah. VOA.
“1924:- Hobyo Sultanate soldiers stand infront of Sultan Ali Yusuf’s fort” “1924-kii ~ Ciidamo ka tirsan Saldanada Hobyo ayaa soo hor istaagay qalcadda Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid ee Hobyo” Waa taariikh in Maanta dib ugu soo dabaalida nidaam Dowladeed Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ay qayb ka yihiin Ciidamo kasoo jeeda Suldaankii 150-sano ka hor Dowladnimada ka hirgeliyay halkaas. Ciidamada PSF oo qayb ka ah hawlgalka sifaynta argagixisada ee socda,ayaa galay Xarardheere. Si gaar ah Ciidanka PSF,waxuu ula hawlgalayay taageerayaasha Maraykanka iyo Ciidamada kale ee Danab. Puntland taariikh bay ku leedahay la dagaallanka argagixisada. Xarardheere waa Saldhigii Labaad Alshabaab oo culays…
Goosan” Waa urur SYL ku dhex jirey oo dhallinyaro aqoon leh isku biirsadeen,waxaa ka mid ahaa Shaqadooda: Raggan ka muuqda masawirkan,gaar ahaan Yaasiin Cismaan iyo Xasan Cali Mire waxay ahaayeen dhallinyaro dibadda wax ku soo bartay Aqoon sare leh. Shaqadooda tacliinta guud oo ay wadeen waxaa uga weynaa, in ay Isha ku hayaan oo dadka uga digaan dhaqanka gumaysigu Waddankeena keenay. Cismaan Keenadiid waa Ninka horseeday, in Somalidu Afkeeda iyo Xuruuftiisa aaminto waxna ku qorati.. “AFKEENNA IYO FARTIISA WAA HAL KU DHEG”. Yuusuf Nuur wuxuu dib u Aasaasay Shaqadii Goosanka. Yuusuf,wuxuu hirgeliyey in Far Somaliga la qabad siiyo Aaladda casriga…
Qaybtii- 4aad ee sooyaalkii suubanaa ee saldanada Omar Maxamuud &Mudug . Islan Farah Islan Aden Waa aabihii Islan Abdille Wuxuu haystay saldanad xoog badan oo baaxad wayn ku fadhida xaga dhulka & ciidankaba. Islaanka waxaa loolan adag kala dhexeeyey dhinacyo badan , oo saladanadii Daraawiishta & tii hobyoodba lahayd. Waxaa ciidamada Islaanka amaanduulayaal marar kala duwan ka ahaa . Sayidku aakhirkii waxa uu ka doonay Islaanka walaalihii , gabadhii uu doonay Waa diiday oo waxay bah la’ahayd Mohamed Islan Aden .hayeeshee waxaa lasiiyey FADUMO Islan Aden . Xididtinnimadaas Sayidka wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa…
“Xamse ma matalo Dadka uu ku fadhiyo Kursi matalaadooda,waa Nin miskiin ah,diciif ah,Gacanta lagu hayo,damiir aan lahayn,fuliya danaha Xasan Shiikh oo Wiilkiisii oo kale ah”Ayuu yiri Wariye Jamaal Cismaan. Halkan ka daawo muuqaalka
Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Puntland hal Ceeb,ayaa dul hoganaysa,taasoo ah.. In Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Xubanaha shaqada diiwaangelinta wada ay isku khaldayaan Dadka iyo Degmooyinka. Tusaale” Degmada Qandala Qof iska diiwaangeliyay ayay ku qorayaan in uu iska diiwaangeliyay Degmada Isku-shuban. Khaladkan ma’ahan mid iska dhacay ee wa mid ay si ku talagal ah ay usamaynayaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka qaarkood iyo Xubno Shaqaalaha Diiwaangelinta ka mid ah,sida aan xaqiijiyay. Ficilkan,waxuu keenayaa in diiwaangelinta fashil soo gaaro haduu sii socdo oo aan wax laga qaban. Shakiga jira waa in Ururada qaarkood ay ku lug leeyihiin arinkan. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed,ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Mas’uuliyiin ka kala socday Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha,ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo…
Sarkaal sare oo ka tirsanaa Laamaha Amniga,ayaa ku geeriyooday Qarax saaka ka dhacay Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Dhamme Jamaal Axmed Jaamac,ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhashay Baabuur uu waday Qof is miidaamiye ah. Jamaal,ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Dowladda ee kaalinta ku leh kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan. Ururka al-Shabaab,ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxan, waxayna intaas ku dareen inuu fuliyey qof is-maadaamiyey oo kooxda ka tirsanaa. Kooxda,ayaa intaas ku dartay in weerarka uu ahaa “holwgal qorsheysan” oo ay la beegsadeen dagaalyahanada Macawiisleyda ee Gobolka ka wada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Fadaraalka iyo Xoogagga Deegaanka,ayaa goordhow la wareegay Gacan ku haynta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr maalmood kahor ka baxday Degmadaas, kadib sanado badan oo ay Gacanta ku haysay. Sidoo kale Ciidamada iskaashanaya,ayaa la wareegay Gacan ku haynta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Galcad ayaa ku taal dhinaca Koonfureed ee Gobolka Galgaduud, waxayna 375KM dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho. Xarardheere waxay u ahayd argagixisada Saldhig muhiim ah iyo Xaruntooda Labaad marka Jilib laga soo tago.
Ka baaqashadii Deni ee Casuumadii Arooskii Gabadhiisa. Hoos udhigistii Deni hoos udhigay soo dhaweyntiisii Muqdisho. Abaabulkiisa Siyaasada ku dhisan Iririsimka ee Geeska Afrika. Dhaqan Siyaasadeedkiisii soo jireenka ahaa ee uu ku faquuqi jiray Siyaasiyiinta Daarood. Aragtidiisii ahayd Somaliya ka dhigo goob aad Lacag ka samayso oo ku ilaalsato Kursigaaga Jabuti kana dulaasho caalamka. Ismaaciil uyeeridiisa Axmed Madoobe ee igu sawirta wax lagu khaldayo ah waxba kama badali karto Ciyaarta Siyaasada Geeska. Uma leh Sicir Suuqa Siyaasada wax ka goyn kara kamana duwana Axmed Oday Somaliyed oo Ismaaciil soo salaamay. Axmed Awood Siyaasadeed maleh kamana duwana Gudoomiyaha Degmada Afmadow,waxaana masraxa ku…
Tirada Dadka ku dhintay Gantaal uu Ruushku ku dhuftay Guri dabakh ah oo ku yaalla Magaalada Dnipro ee dalka Ukraine,ayaa Axadda maanta ah kor u dhaaftay 21 qof, iyadoo shaqaalaha samatabbixinta ay ku jiraan howlo ay ku qodayaan burburka oo ay ka baadi goobayaan dad wali nol. Ugu yaraan 35 qof ayaa wali la la’yahay 73 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida uu Mykola Lukashuk, oo ah madaxa golaha deegaanka ee gobolka kusoo qoray barta Telegram-ka. Dhismahan Dnipro, oo ah magaalo ku taal bariga dhexe ee Ukraine, ayaa qayb ahaan la burburiyay intii ay socdeen weerarro xiriir ah oo dhacay…
Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Puntland oo si dardar leh uga socota Miyiga. Kooxo guur guura oo wata Qalabkooda,ayaa ku mashquulsan diiwaangelinta Dadka Reer Guuraaga ah. Ifafaalaha hordhaca ah ee kasoo baxaya isdiiwaangelinta,ayaa tilmaamaya rajo aad usaraysa. Qiyaastii hore ee la filayay in ay noqdaan Dadka isdiiwaangelinaya mid ka baaxad weyn,ayaa soo baxday. Miyi iyo Magaalo Dadku waxay muujiyeen rabitaan doorasho ay Codkooda ku dhiibanayasn.
Diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland,ayaa magaaladda Bosaso si habsami leh uga soconaysa iyada oo wakhtigii loogu talagalay ay uga dhimantahay 2-Maalin oo kaliya. Sidoo kale kooxaha wacyigalinta Diiwaangalinta ee Guddiga ayaa xaafadaha ku wareegayaa iyaga oo muhiimadda diiwaangalinta uga waramaya dadka aan wali imaan goobaha Diiwaangalinta. Muwaadin isdiiwaangali, hadaadan iisdiiwaangalin xaq uma yeelindoontid inaad codayso maalinta Doorashada. Halkan ka daawo muuqaalka
The Society for the Somali Language and Literature ” Far Soomaali :- Cismaan Yuusuf intuusan fartaan soo saarin, xuruufta carabiga ayuu isku deyey inuu afkeenna ku qoro. Arrinkaas waxaa horey isugu deyey Shiikh Aweys iyo Maxamed Cabdille Xassan. Xuuruufta Carabigu macquul ma noqon. Wuxuu isku deyey xuruufta latinka, iyana macquul ma noqon. 1920 ayuu fartaan soo jeediyey in afka soomaaliga lagu qoro.1925 Talyaaniga ayaa qabsaday saldanadii Hobyo. Mas’uuliyiintii Hobyo oo dhan Xamar ayaa lagu xiray. Talyaanigu il gaar ah ayuu ku hayey Cismaan. Markii danbena xabsiga ayuu dhigay oo khatar ayuu u arkay. Fartana waddanka waa ka mamnuucay (Mamnuucii kowaad).…
Galabta markii lagu kala tagey Golaha,ayuu Madaxweyne Xasan lasoo hadlay Gudoomiye ku xigeenka 2-Aad Abshiroow kuna amray in la Ansixiyo Sharciga Maaliyada. Waxaa la xaqiijiyay in ay Golaha fadhiyeen ugu badnaan 50-Xildhibaan oo uusan kooramku buuxin. Xeerkan,waxuu qabanayaa Ganacsatada Magaalada Muqdisho oo qura,si kale hadii loo yiraahdo kuwa Beesha Hawiye ayuu toos usaamaynayaa. Dhaawicii koobaad oo Siyaasadeed,ayaa caawa gaaray Madaxweyne Xasan,waxayna kala furteen Xildhibaanadii iyo Ganacsatadii Beesha Hawiye si gaar ah. Hogaan xumada Madaxweyne Xasan lasoo baxay waxay khatar ku tahay Dalkoo idi gaarna uma ahan Beel ka mid ah Beelaha Somaliyed. Jibril Qoobey.
“Yaanan Been isku sheegin Shabaab Baarlamaankuu ku jiraa oo dhex fadhiyaa”.Xildhibaan,ayaa sidaa cad uhadlay. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka ah,ayaa si cad golaha uga hor sheegay in Alshabaab uu fadhiyo Baarlamaanka. Xildhibaanka,ayaa ku celceliyay in ay tahay hadaan waxqabanayno in Golaha laga saaro Alshabaabka oo hadeer talaabo laqaado. Wax fudud ma’ahan in mid ka mid ah Xildhibaanada uu ku dhawaaqo si furan Xildhibaanada qaarkood ama Shaqaalaha Golaha ama Ciidamada amaanka ay ku dhex jiraan xubno Alshabaab ah. In badan,ayaa si hoose oo xan ah loo sheegayay in Xildhibaanada mudo xileedkan ay Alshabaab Xubno ku leeyihiin. Jibril Qoobey.
Maanta waxaa is waafaqay go’aankii Puntland ka qaadatay baal-marka XSM ee Dastuurka iyo Baarlamanka Federalka oo ka hor yimid sharcigii baal maarsanaa Dastuurka ee Hay’adda NISA. Akhrintii koobaad,ayaa lagu diiday oo inta badan Xildhibaanadu uga hor yimaadeen kuna tilmaameen,waxaan la aqbali karin. Qodobada ay ku diideen,waxaa ka mid ah… 1.In uu toos uga hor imaanayo Dastuurka. 2.In lagu xalaalaysanayo Hantida Umadda. 3.In uu bannaynayo ku xadgudubka xuquuqda Muwaadinka. 4.In uu yahay mid laga soo min guuriyay Xeeraraka Qaramada Midoobey iyo Maraykanka. Sharcigan awooda uu siinayo Madaxweynaha Fadaraalka waa in uu Qof Ganacsade ah ama Shirkad kusoo rogo cunaqabatayn kadibna isla…
Iran has executed British-Iranian national Alireza Akbari, the judiciary’s Mizan news agency reported on Saturday, after sentencing the former Iranian deputy defence minister to death on charges of spying for Britain. Here are some details about Akbari and his case: He served in other security roles including as an advisor to the Iranian navy, and led the implementation of U.N. resolution 598 that ended the Iran-Iraq war in 1988. According to a caption in a video aired by Iran’s state news agency IRNA on Thursday, Akbari moved to Britain after being briefly detained and released on bail in 2008. Reuters…
Xildhibaanada 50-ka ka badan ee Puntland ku matala Baarlamaanka Fadaraalka,waxaa la yaab leh in uusan ku jirin hsl mid oo qayb ka ah doodaha Sharci ee ka socda Golaha. Laba Xeer oo muhiim ah,ayaa ka mid ah Sharciyada miiska saaran oo Xildhobaanadu ka doodayaa…. 1.Shsrciga Maaliyada ee Cunaqabataynta cayiman waa muhiim. 2.Sharciga loo samaynayo hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida waa muhiim. 50-,kaas Xildhibaan waxay ukala qaybsan yihiin Sadex Madax ah… 1.Kuwo aananba Xamar joogin. 2.Kuwo Golaha iska dhex fadhiya oo asal ma doorsha ah. 3.Kuwo Puntland gudaheeda ku mashquulsan. Maba moodid in ay matalaan Ummad iyo Deegaan,waana isku mid iyaga iyo…
“Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada Fadaraalku,waxuu u eg yahay mid loogu talagalay Dal leh Dowlad Dhexe oo aan fadaraal ahayn looguna talagalay in lagu maamulo Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad kuma jiro hal Eray oo Fadaraal ah kamana muuqato qaab looga fulin karo Hargaysa iyo Garowe”Ayuu yiri Xil.Macalimow. Xeerkan waa looga baahan yahay Dalkoo idil si uu qayb uga qaato la dagaallanka argagixisada. Balse,waxuu ubaahan yahay sixid iyo toosin Sharci oo waafaqsan Dastuurka Fadaraalka ah. Waxaa yaab leh in doodahan aysan ka dhex muuqan Xildhibaanada gaaraya 50-ka ee Puntland ku matalaya Golaha.
Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka 53-sano oo ay jirtay ma ‘ahayn mid Sharci ku dhisan mana lahayn Xeerar qabta. Haatan hadii la rabo in la Sharciyeeyo waa in si sax ah loo dul istaagaa. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta Dalka. Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 9-kii Jan 2023 Madaxtooyada Puntland. Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda. Waxuu Xeeriyey: Magacaabida Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka. Guddiga Goleyaasha Dowladda: Guddiga Khubarada: Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Militeriga Ruushka ayaa sheegay in uu qabsaday magaalada qaniga ku ah cusbada ee ku taalla Ukraine ee Soledar kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay. Waxay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ukraine. Guushan waxay ciidamada Ruushka u ogolaaneysaa inay u jiheystaan dhinaca magaalada Bakhmut isla markaana ay go’doon geliyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan halkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Ruushka. Dhinaca kale, saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in dagaal uu weli ka socdo magaalada Soledar iyagoo Ruushka ku eedeeyay in uu baahinayo war aan loo baahneyn. Dagaalka ka socda magaalada Soledar wuxuu…
Wasiirka arrimaha didbadda iyo qurbajoogta ee Kenya Dr Alfred Mutua ayaa sheegay dalkiisu inuu qorsheyneyn inuu safaarad ka furto Somaliland. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato Hargeysa, sida lagu sheegay baraha bulshada qaarkood iyo kuwa si khaldan u sheegayba,” ayuu yiri Dr Alfred Mutua. Wuxuuna intaa raaciyey Kenya iney safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, siyaasadda saxda ee Kenyana ay tahay iney ilaaliso xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal. Hadalka Mutua ka soo yeeray,ayaa ku soo beegmaya xilli la baahiyey war sheegaya iney Kenya safaarad rasmi ah ay ka furaneyso magaalooyin ay ka mid…
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa sheegtay in iyada iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiisku Catherine Colonna inay ku dareen taageeradooda ku aaddan in Afrikaanku ay kuraas joogto ah ka helaan golaha ammaanka. Baerbock ayaa hadalkan jeedisay ka dib markii iyada iyo wasiirka arrimaha debedda ee Faransiisku ay kula kulmeen guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. “Haddii aanu nahay saaxiibada Yurub iyo anigoo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, waxaanu aragnaa in dunidu ay sannadka 2023 aanay la mid ahayn tii jirtay wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka, sidaa awgeed waxaanu taageernay…
Qaybtii-2aad Ee Ee taariikhdii Dhaqanka Mudug . Taariikhdii Islaan Cabdille islaan Faarax Islaan Aaden Islaan Maxamud Ugaas Faarax Ugaas Maxamed Ugaas Mahad ….. “Odayaddii aan soo gaaray ama ii waramay oo dhan waxay isku waafaqeen arimahan iyo sifooyinkan inuu lahaa Islaan Cabdille , “ 1.Cadaalad 2.Hufnaan 3.Sinaanta dadka oo isku mid u’ahaa dadka deegaanka uu isinka ka yahay ku nool dhamaan. 4.Isim aan cidna xigaal u’ahayn dadkuna mid uyahay. 5.Inta la’ogyahay islaanku waligii arimaha siyaasada eedeeda waa ka dhowrsan jiray. 6 Eexda Islaanku ma’aqoon. 7.Islaanka Albaabkiisa wali lagama horjoogsan Odayada Miyiga bal taas mid ka duwan bay ahayd oo dhaqanka…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa maanta Degmada Iskushuban ee gobolka Bari Galabta ka daahfuray Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Puntland. Maxamuud Yaasiin oo ka mid ah Xubnaha sare ee Guddiga,ayaa Munaasibada Daahfurka ka waramay muhiimada ay leedahay Diiwaangalintu iyo Guud ahaan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Dowladdaha Hoose ee Dowladda Puntland,ayaa si habsami leh uga socota Deegaanka Xaabo ee Degmada Murcanyo ee Gobolka Gardafuu. Xafsa Salaad oo ka mid Xubnaha sare ee Guddiga,ayaa kormeertay goobaha Diiwaangalinta. Sidoo kale Degmada Caluula,ayaa Xalay laga daahfuray diiwaangelinta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Beesha Caalamka,ayaa markii u horeysey si rasmi ah uga hadashay diiwangelinta codbixiyaha Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland. Safaaradaha Sweden iyo Norway oo taageera dimuqraadiyeynta Somaliya,ayaa soo dhaweeyey shaqada ay wadaan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo ka socda 16-Degmo oo Puntland ah. In ay hesho taageerada caalamka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland waxay uleedahsy macno weyn.
Dowladda Itoobiya,ayaa Xalay shaacisay, in Ciidamada Amxaarada ee ka barbar dagaallamayay Millatariga Itoobiya, ay ka baxeen Gobolka Tigray. Ciidankan oo ka socday Gobolka Amxaarada,ayaa ka qeybgalay dagaalka sokeeye ee muddada labada sano ka socday gobolka Tigray, kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda oo garabsanaya Erirea iyo Maleeshiyaadka Amxaarada oo dhinac ah iyo xoogaga TPLF. Ka bixistan,ayaa qeyb ka ah, heshiis uu garwadeen ka ahaa Midowga Africa oo ay dowladda iyo TPLF bishii November ku kala saxiixdeen South Africa, kaas oo gundhig u noqon doono nabad ka islaaxda Itoobiya. Dagaalka sokeeye ee Itooboya,ayaa qarxay bishii November ee sannadki 2020-ki, kaddib khilaaf…