Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KkrWdANzR4w
Author: Jibril Qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nWvBTNFs01U
Ciidamada dalka Ciraaq ayaa galay xaafad ka mid ah dhanka Galbeedka magaalada Mosul. Waa markii ugu horeysay ee ciidamada ay halkaasi gaaraan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Khilaafada Islaamka. Daacish ayaa magaalada weyne ee Mosul qabsatay shan sano ka hor. Dullaanka lagu wajahayo Galbeedka wuxuu imaanayaa maalin ka dib markii ciidamada ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee mosul,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HuSoEdxgnrY
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VE24aRI5pCo
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wOUXAlfLKXE
Bannaanbax lagu soo soo dhoweynayo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo magacaabay Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay ayaa ay tahay inuu marka hore ansixiyo aqalka baarlamanka ka hor inta uusan dawlad soo dhisin. Dibadbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kale ee bulshada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/bot_UDdPzQg
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, iyadoo Safiirka uu soo dhoweeyay magacaabista Mr Kheyre. Safiirka UK ayaa sheegay in dowladda UK ay si dhow ula shaqeyneyso Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, Wuxuuna sheegay in UK ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa boqol milyan oo gini oo ah gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha, iyo xaalada 600,ooo carruur oo soo wajahday xaalad nafaqo darro ah. Sidoo kale Safiirka UK ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub qaban qaabada shir heer sare ah oo ay marti gelineyso dowladda UK, kaasoo…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Xasan Cali Kheyre uu u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Markii ra’isul wasaraha cusub la magacaabay waxa barraha bulshada qabsaday hadal heynta doorkii uu ku lahaa shirkadda Som Oil and Gas, oo uu Kheyre ka ahaa Agaasimaheeda Bariga Africa. Shirkaddan oo fadhigeedu yahay dalka Britain, ayaa mar lagu eedeeyay musuq maasuq iyo laaluush, Hadaba waxaa saxaafada hada loo qaybiyay Muuqaal lagu difaacayo Rw ama lagu beri yeelayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cN3AdD75-0A
War saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Soma Oil and Gas, ayaa waxaa ay ku sheegtay in Xassan Cali Kheyre uu iska casilay xilka agaasimaha shirkadda ee bariga Africa, markii saakay loo magacaabay ra’isul wasaaraha Soomaaliya isla markaana uu la baxay saamigiisii shirkadda. Xassan Cali Kheyre ayaa si rasmi ah u noqon doona ra’isul wasaaraha Soomaaliya marka uu codka kalsoonida ka helo baarlamanka Soomaaliya, waxa ayna madaxda shirkadda Soma Oil and Gas u rajeysay inuu ku guulaysan doono xilkiisa cusub. Halkan ka akhriso:-
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/EmLGc1ppj0Y
Halkan ka daawa muuqaalka https://youtu.be/wKyOmCrhe4Q
Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa dib u qabsaday garoonka diyaaradaha magaalada Mosul ka dib dagaal culus. Ururka la baxay Khilaafada Islaamka oo garoonkaas gacanta ku hayay ayaa hadda u gurtay dhanka galbeedka magaalada. Dagaalka lagu qabsaday eelaboorka ayaa qaatay afar saacadood. Daacish ayaa weli madaafiic ku rideysay garoonka. Dagaalyahannada kooxda ayaa hadda isugu tagay xero military oo ku dhow gigada diyaaradaha, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Ciraaq,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8sS3IgvrT7E
Seddex qof oo Soomaali ah oo ka mid ah, shaqaalaha samafalka hay’adda Save the Children iyo darawalkii gaariga u waday ayaa maanta laga afduubtay deegaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Baledweyne. Wali lama sheegin kooxda wax afduubtay, laakin deegaanka uu afduubka ka dhacay waxaa ka howlgala kooxda Al-Shabaab. Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay howl samafal ah, waxaana ay ka qeybinayeen cuntada loo isticmaalo nafaqo darida ee Plumpnet.
Shirkan Jaraa’id oo ay sida wada-jirka ah ay ugu Qabteen Xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga Ee Boosaso masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayradka Badda ee Puntland ayaa ah mid ay uga hadlayeen 7 Markab oo taagan Xeebta Magaalada Boosaso oo laga leeyahay dalka Jabuuti kuwaas oo ay Puntland Hishiis kula galayso in ay ka kaluumaystan Xeebaha Puntland. Shacabka Reer Puntland Gaar ahaan kuwo Magaalada Boosaso ayaa is waydinayey Maalmihii la soo dhafay ujeedka Marakiibatan ay u taagan yihiin Dekada Magaalada Boosaso waxayna Masuuliyiintani si faahfaah san uga hadleen u Jeedada Marakiibatan ka danbaysay in ay yimadan Xeebata magaalada Boosaso. Wasiirka wasarad…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/erxXW_NVfkk
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Boqortooyada Sacuudiga. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday markii ay ka degeen magaalada Riyaad,waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Riyad Boqor Feysal bin Bandar bin Cabdulaziz iyo Dr. Musaed bin Mohammed Al-Aiban oo ah Wasiiru dowlaha Boqortooyada Sacuudiga. Sidoo kale waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Boqorka Sacuudiga Boqorka Salmaan,iyagoo kawada hadlay xaaladda guud ee dalka Somaliya iyo xiriirka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zf19vH7dbUs
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam(Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka ee laga soo doorto Jubaland. Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibaanada fadaraalka ayaa ahaa is waraysi iyo kala xog qaadasho. Dhanka kale Madaxweyne Axmed madoobe ayaa soo dhaweeyay magacaabista RW Cusub,waxuuna kula dardaarmay Xildhibaanada laga soo doorto Jubaland in ay u shaqeeyaan danta Dalka iyo Dadka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/5uvVHTAEJ84
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hambalyo u diray Ra’iisul wasaaraha Cusub ee DFS. Halkan ka akhriso:-
Xasan Cali Kheyre ayaa dhashay Sanadkii 1968. , waa Soomaali heysta dhalashada dalka Norway, waxaa uu u dhashay Hawiye, Murusade, waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay dalka Norway . Mudane Xasan Cali Kheyre, xilligan waa agaasimaha bariga Afrika shirkadda Ingiriiska ah ee Soma Oil and Gas, jagadaas uu hayey tan iyo 2013-kii, isla shirkaddaas waxaa uu ka mid yahay dadka ku leh saamiyada oo waxaa la qiyaasaa saamigiisa 1.1% oo u dhiganta 2 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah. Mudane Cali Kheyre, dad muddo badan la shaqeeyay waxay sheegeen in uu yahay NGO-te, yaqaano gorgortanka iyo sida heshiisyada loo kala tuuro, xitaa…
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow waxa uu ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo aadey dalka Sacuudiga. ”Waxaan u aadey Sacuudiga arrimo ku aadan Cimreysi, waxaana uu usoo duceynayaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisaan noqonaya midkii ugu horreeyey ee uu ku aado dalka dibaddiisa, tan iyo intii xilkaasi loo magacaabay, waxaana laga yaabaa inuu lasoo kulmo madaxda dalka Sacuudiga. Dhanka kale Madaxweyne farmaajo ayaa ka hadlay magacaabista uu magacaabay Ra’isalwasaaraha cusub ee xasan cali Khayre,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/853lqWH_1hY
Madaxweynaha JFS Somalia Nudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto lagu magacaabaayo in uu Raisul Wasaare dalka ka noqdo Mudane Xasan Cali Kheyre Wareegtadaasi ayaa lagu codsaday in in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan R/wasaaraha cusub,waxaana uu Mudane Farmaajo . Alle uga baryay in howshiisu uu u fududeeyo Mudane Xasan Cali Kheyre. Wareegtadaasi ayaa lagu codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan R/wasaaraha cusub,waxaana uu Mudane Farmaajo . Alle uga baryay in howshiisu uu u fududeeyo Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/anJFGr3NPwA Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/3JKAoCQGicc
Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday xirmo cusub oo taageero ah oo la siinayo dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, oo ah laba dal oo wajahaya abaar iyo macluul qarka saaran. Waxaa taageeradan ku dhawaaqay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel. UK ayaa 100 milyan oo gini siin doonta Soomaaliya, halka 100 milyan oo gini oo kalena ay siin doonto dalka Suudaanta Koonfureed. Lacagtan ayaa guud ahaan u dhiganta 250 milyan oo dollar oo labadan dal loogu talo-galay 2017/2018. Warsaxaafadeed kasoo baxay Priti Patel ayaa lagu sheegay in abaaraha iyo dagaalada ka jira dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ay qoysas…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/OaICix8DlpA
Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dawladaha Arimaha Gudaha Somaliland oo ay qayb ka yihiin Gudoomiyayaasha Gobolada Somaliland qaarkood ayaa maanta u anbabaxay Dalka Itoobiya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0_BuAg0bdXs
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uNb5XPbZVSk
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo bur bursanayd. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah, maadaama uu dhagax dhig ku sameeyay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in taasi ay tahay mid sii xoojineyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti. Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku shaqeynayay xarun KMG ah oo u dhaw Madaxtooyada…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 February 2017 magaalada Mudisho kaga qayb galay xaflada caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey ka qayb galka caleema saarka Madaxweynaha cusub ee DFS, gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxa uu u hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana uu guulweyn ku tilmaamay…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la doortay sideeddii Febraayo, ayaa maanta lagu caleemo saaray munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Munaasabadda Caleema-saarka, waxaa marti ku ahaa, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Seekh Shariif Sh. Axmed, Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, wakiillo ka socdey waddamada Caalamka, waxaana yimd munaasabadda madax ka socotay 124 dal. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in sugidooda amniga ay suurto-gelisay inay doorasho dalka ka qabsoonto. Madaxweyneyaashii iyo guud ahaan marti sharaftii…
Waxaan ku bilabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh Caddaaladdu waa shay muhiim u ah naftaada iyo bulshada aad la nooshahay ee kugu xeeran, waxayna kuu hagtaa inaad ifkaan aadamaha kula noolaato wanaag aakhirana aad mutaysato abaal maran wanaag ah…. Haddii aad shaqsi ku tilmaanto waxaanu ahayn waa caddaalad xumo aad ku samaysay shaqsigaas, dhinac waa ka xan oo waa xuma ka sheegid shaqsigaas, arintaasna Rabbi swtc waa caayey… Haddii aad ku ammaanto waxaanu ahayn iyaduna waa caddaalad xumo oo waxaa ku luga’aya dad badan oo rumaystay ammaantaas aanu mudnayn ee aad ku sifaysay, taasna maaha arin wanaagsan…
Madaxweynaha dowladda Kenya Uhhuru Kenyata, ayaa u hambaleeyey Madaxweyne Farmaajo iyo Shacabkiisa, waxa uu sheegay in uu abuurayo xiriir ku dhisan Derisnimo, walaalnimo iyo Iskaashi dowladda Kenya-na ay diyaar u tahay garab istaagga Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/V38ydUjitWY
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale fiican u tahay dalalka dagaallada ka soo baxay, waxa uu intaa raaciyey in guusha hadda ay Soomaaliya u horseeddo nabad iyo barwaaqo.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1mhHhD3zikU
https://youtu.be/OKT9r9TxwMw
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kula taliyey shacbiga Soomaaliyeed in ay sii wadaan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha iyo dowladdiisa, dowladda Jabuutina ay mar walba Soomaaliya u yahay Hiilka koobaad,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/8EcG6CNka_w
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa ballan-qaadey in fursadda ay maanta shacabka Soomaaliyeed heystaan uu ku gacan siin doono dowladda Madaxweyne Farmaajo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/dFgAUtaVFxI
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax badan lagu soo guuleystay, mar walbana uu u taagan tahay dhismaha iyo gacan siinta dowladnimada Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/joGDe3WOv-k
Madaxweynaha la caleema-saaray ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey dowladihii ka horreeyey oo u sheegay in dalka ay soo gaarsiiyeen meesha uu maanta joogo, sida doorashadii dalka ka dhacay. Waxa uu sheegay in dalka muddo uu burbur ku soo jiray, waxa ugu muhiimsanna ay tahay nabadgalyada, xuquuqda ciidammada ayuu xusay in dowladdiisa ay mar walba bixin doonto, waxa uu u mahadceliyey ciidammada AMISOM, hasa yeeshee waxa uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay dhammeystirka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Abaaraha dalka aafeeyey, ayuu sheegay in dowladdiisa ay ka leedahay istaraatiijiyad weyn oo lala kaashan…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda lagu caleemo saarayaa magaalada Muqdisho ee Soomaaliya. Waxaa munaasabadda ka qeybgalaya madax ka socota dalalka IGAD iyo wakiillo ka kala socda dalal badan iyo hay’ado caalami ah. Waxaa caasimadda Soomaaliya gaaray illaa iyo hadda seddax hogaamiye oo ka kala socota Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Uhuru Kenya, Hailemariam Desalegn, iyo Ismaaciil Cumar Gelle ayaa Muqdisho u tagay si ay uga qeybgalaan caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, maxamed Cabdullahi farmaajo. Mr Keating, wakiilka UN ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si wada jir ah ula shaqeynayaan dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.…
Munaasabad lagu caleemo saarayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ah oo ka qeyb-galaya madax ay ka mid yihiin madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle. Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale goob joog ka ah munaasabadda. Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale goob joog ka ah munaasabadda. Waxaa sidoo kale, munaasabadda jooga wufuud heer sare ah oo ka socda dalal kale oo…
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Jadwalka Xafladda lagu maamuusayo caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Haddaba hoos ka aqriso jadwalka oo dhameystiran 6:00 – 10:30 soo gelitaanka Martida 10:30 il 11:30 Madadaalo iyo suugaan 11:30 – 11:45 Furitaanka iyo kulamadda guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ahna wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte 11:45 – 11:50: Aayadaha Qur’aanka Kariimka 11:50 – 12:10 Kalmadaha Wakiilka Qaramada Midoobay, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Macheal Keating 12:10 – 12:30: Kalmada Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira 12:30 – 12:50: Kalmadda Jabuuti: Mudane Ismaaciil Cumar Gelle 12:50 – 1:10: Kalmada Itoobiya: Hailemariam Desalegn…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/FSzWnAkfmvQ
Maydadka 87 tahriibayaal ayaa laga helay xeebaha dalka Liibya. Waa musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacdo gobolka Zawiya. Waxaa loo malaynayaa inay doonayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan Taliyaaniga. Bilihii la soo dhaafay, tirada tahriibayaasha ku dhimatay badda Liibiya ayaa sare u kacday, sida hay’adaha ay sheegayaan. Doon bac ah oo dillaacday ayaa laga helay meel u dhow xeebta maydadka lagasoo aruuriyay. Waxaa la rumeysan yahay in doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof. Shaqaalaha gurmadka waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen. Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka…
Deegaanka Camaara oo dhawaan ay tageen ciidamo isugu jira kuwa Galmudug iyo ciidamada milatariga Soomaaliya ee qeybta Danab ayaa maanta waxaa la wareegay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab Wararka laga helayo dadka deegaanka Camaara ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen goobo maqaayado ahaa, kuwaasi oo Shabaabka ay sheegeen inay fariisin u ahaayeen ciidamadii wada socday ee toddobaadkii hore gaaray Camaara. Waxaa sidoo kale wararku ay sheegayaan in 20 qof ay Al-Shabaab halkaas ka ka xeysteen lamana oga halka ay la aadeen. Camaara waxay magaalada Cadaado u jirtaa 100-KM. Illaa iyo hadda m ajiraan wax war ah oo kasoo baxay maamulka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/yRo7JA1cGKE
Azerbaijan’s President Ilham Aliyev has appointed his wife to serve as his deputy president, tightening his grip on the country’s leadership. Ilham named Mehriban Aliyeva as vice president on Tuesday, cementing the oil-rich country’s leadership in his family. Mehriban, 52, is a member of parliament who trained medicine, and is the head of the Heydar Aliyev Foundation. President Ilham has been in power since October 2003 after he succeeded his father, and the ove to appoint his wife to the vice presidency is seen as a plot to have her succeed him in the presidency. The President won both the…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/quFhDXE5zjg
Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntland ayaa saddex gaari maanta kala wareegtey Hay’ada save the Children, si loogu fuliyo adeegyada caafimaad ee deegaamada Puntland. Gaadiidkaan ayaa ka koobnaa gaari nooca gurmadka deg deg ah iyo labo gaari oo basas ah waxaana ay ka howlgeli doonaan gobolka Karkaar gaar ahaan dadka abaartu saamaysay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lWwq6sjfftE
Afhayeenka Booliska somaliland ayaa Dambiile ku tilmaamey Weriye C/maalik Muuse Coldoon oo maalmihii lasoo Dhaafay ku Xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa,waxuuna ku tilmaamey in Weriye Coldoon uu yahay Xagjir Khatar ku ah Jiritaanka Maamulka Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/aR9YXmVwWpE
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado ayaa siw eyn usoo dhaweeyay in Madaxweynaha maamulka Gobolada dhexe Sh.Axmed Shaakir lagu casumo caleema saarka Madaxweyne farmaajo. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Cadaado ayaa arintaas ku bogaadiyay Madaxweyne farmaajo,waxuuna tilmaamay in ay horseedi doonto talaabadaas waji cusub oo ay yeelato isyaasada cakiran ee Gobolada dhexe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/fNFXlcIVTos
Sannad Walba Maanta oo Kale, 21-Febaraayo, Waxaa La xusaa Af-Soomaaliga, Taas Oo Ku Aadan Qoristii Af-Soomaaliga Ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, 21, 02, 1972, iyadoo lagu dhawaqay in Afka Rasmigaa Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Yahay Af-Soomaali (Maxaa tiri), iyadoo Dhawaanna Loo kala Qaaday Afka Dalka Maay iyo Maxaa Tiri, Sida Ku cad Dastuurka Dawladda Federalka Ee Soomaaliya, Walow Aanan Arag Qoraalo Ama Iskuullo Lagu dhigto May, Marka Ku hadalkiisa laga yimaado. Xusidda Af-Soomaaligu Ma dhaafto Xaflado, Iyo Sheegid Taariikh dii uu Soo Maray qorista Af-Soomaaligu, iyo Dadaalkii La galiyey, walowba Ay iska Yartahay Meelaha Laga xuso. Sida ay u duntay Dawladdii Dhexe iyo…
Hargeysa-/WAD/XDH/2415/2016 Taariikh: 20ka February, 2017 KU: Dhammaan Masuuliyiinta hoos ku xusan Hargeysa OG: Dhammaan Gobollada Dalka ee Xisbiga WADDANI Rugtooda OG: Dhammaan Laamaha Dibedda ee Xisbiga WADDANI Rugtooda OG: Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee WADDANI Hargeysa Ujeeddo: Isku-shaandhayn iyo Magacaabis. Markaan daresay: Qodobka 30aad faqraddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI Markaan arkay: Baahida loo qabo in Xisbiga lagu sameeyo Isku-shaandhayn Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI Markaan ku qancay: Kartida iyo Aqoonta ay leeyihiin Xubnaha hoos…
Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Agaasimihii Tv-ga Star,sidoo kale digniin u diray laanta Afka Somaliga ee BBC-da. Maamulka ayaa ku eedeeyay saxaafada in ay Qaran dumis tahay ,isla markaana ay baal martay shuruucda caalamiga ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/9ZehLW9Or6E Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TaWUkjyRxHE
Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa beenisay war qoraal ah oo ay daabacday Mareegta Horseed Media. Madaxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaarada ee magaalada Garowe ayaa arintaas ku tilmaamay been abuur iyo danbi laga galay Umada Somaliyed oo Xooluhu u yahay laf dhabarta dhaqaale ee ay ku xisaabtamaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6V3vsHvDd7k
Waxaa maanta Mooshin ka dhan ah laga keenay Madaxweynaha Maamulka Hir-Sahabelle Xildhibaanada Maamulkaas. Ilaa iyo hada Xildhibaanada Mooshinka soo diyaariyay,waxay gaarayaan 65-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay in ay ka caroodeen Madaxweyne Cosoble oo soo magacaabistii wasiirada ku soo magacaabay la tashi la’aan ,waxayna ku tilmaameen in uu sharci daro ku magacaabay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/qUZD-0JqAPk Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/JcJGhUOD05Y
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/2gepytjpd78
Ciyaaryahan u dhashay dalka Brazil ayaa cunsurinimo kala kulmay taageerayaal xili ay soo dhamaaday ciyaartii uu ciyaarayay. Everton Luiz oo 28 sano jir ah una ciyaara kooxda Partizan ee ka dhisan magaalada Belgrade ee dalka Serbia. Ciyaaryahankaan ayaa cunsurinimo midibkiisa iyo muuqaalkiisa ku saleysan kala kulmay taageerayaasha kooxda FK Rad, waxayna taageerayaasha kooxdaasi ay ku oriyeen Everton Luiz mar kasta oo uu kubadda qabsado, iyagoo ku tilmaamayay daanyeer. Markii ay ciyaartii dhamaatay ayuu ooyin ku dhuftay, isagoo aad ugu xumaaday cunsurinimada taageerayaasha kooxdii uu kasoo horjeeday, waxaana kusoo yaacay ciyaartoyda kale ee kooxdiisa iyo macallinkiisa oo madax salaax u galay,hoos ka daawo muuqaalka. …
Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, Sheekh Maxamed Shaakir Cali oo aan Muqdisho soo gaarin in muddo ah. Maxamed Shaakir Cali oo saakay ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa Garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya. Ujeedka uu Shiikh Maxamed Shaakir Cali u yimid Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku sheegay inay tahay ka qaybgalka Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha cusub oo maalinta beri ah dhaceyso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nmUYYHp0BR4
Waxaa magaalada Wajeer ka dhacay shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen odoyaasha,waxgaradka iyo aqoonyahaniinta Beesha Ogaadeen ee ku dhaqan Wajir county.Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii beeshu isugu waafaqi lahayd sidii usoo saari lahayd musharax beeshu ku midaysantahay oo doorashada soo socota utartama govaneerka Wajir county.Guddi ay beeshu iska dhex qabatay ayaa kala saaray xubnihii isu soo sharaxay xilka govaneerka.Guddiga Beesha ayaa shirka ka iclaamiyay sadax musharax oo Beeshu usharaxday inay ukala tartamaan kursiga govaneerka,kursiga wakiilka haweenka iyo kursiga golaha deegaana ee magaalada Wajeer.Xubnaha sadaxdaas kursi loo sharaxay ayaa kala ah:- Axmed Muxumed Cabdulaahi—————Beesha Makaahiil/Abraahiin———kursiga govaneerka Faadumo Geedi Cali……………………..Beesha Bahgari……………kursiga wakiilka…
Amniga Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey waxaana wadooyinka ku arkee Ciidamada Amniga qeybaheeda kala duwan oo u taagan sugitaanka Amniga Magaalada Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa u muuqato mid u diyaarsan in ay qaabisho Wufuuda Caalamiga ah ee la filaayo in ay kasoo qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya. Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu Caleema Saaro Madaxweynaha Cusub ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/jwf_FSlfTPA