Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wax badan ka ogow shaqsiyada iyo Taariikh Nololeedka Rw cusub ee Soomaaliya
    Somalia

    Video:-Wax badan ka ogow shaqsiyada iyo Taariikh Nololeedka Rw cusub ee Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 23, 2017Updated:February 23, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xasan Cali Kheyre ayaa dhashay Sanadkii Β 1968.Β , waa Soomaali heysta dhalashada dalka Norway, waxaa uu u dhashay Hawiye, Murusade, waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay dalka Norway .

    Mudane Xasan Cali Kheyre, xilligan waa agaasimaha bariga Afrika shirkadda Ingiriiska ah ee Soma Oil and Gas, jagadaas uu hayey tan iyo 2013-kii, isla shirkaddaas waxaa uu ka mid yahay dadka ku leh saamiyada oo waxaa la qiyaasaa saamigiisa 1.1% oo u dhiganta 2 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

    Mudane Cali Kheyre, dad muddo badan la shaqeeyay waxay sheegeen in uu yahay NGO-te, yaqaano gorgortanka iyo sida heshiisyada loo kala tuuro, xitaa marka uu wasaaradda Petroolka ku soo biiray, waxaa uu marar badan qaban jiray shaqada wasiirka.

    Ra’isul Wasaaraha la magacaabay, inta aan loo dhiibin xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa uu muddo ahaa agaasimaha bariga Afrika ee Norwegian Refugee Council.

    Xasan Kheyre waxaa jagooyinka uu soo qabtay ka mid ahaa isagoo madax ka noqday Soma Management Ltd, waxaa uu lataliye iyo xiriir soke la lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

    February 17, 2016: UN Monitoring Group ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in la baaro Xasan Kheyre dhaq-dhaqaadiisa xagga cashuuraha, lacagaha ugu jira Bangiyada, iyo credit cards-kiisa, iyagoo ku eedeeyay in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay kooxo ay ka mid tahay Xarakada Al-shabaab.

    June, 9, 2016: Warqad La daabacay, waxaa ay UN monitoring ku Bari yeeleen Xasan Kheyre in uu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha loogu yeero argigixisada, iyagoona arintaasi meesha ka saaray..

    Muddadii uu madaxda ka ahaa xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa shirkaddaas lagu eedeeyay musuq iyo heshiisyo been-abuur ah.

    Tusaale ahaan:

    August 1, 2015: Xafiiska baarista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baarta Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

    August 6, 2013 : Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Soma Oil and Gas , oo ah shirkad markaas uun la sameeyey oo laga leeyahay dalka Ingiriiska , hawsha ay qabanayso shirkada waa uruurinta macluumaad la xiriira keydka shidaalka ee badda Soomaaliya.,

    Dhanka kale Rw cusub ee Jamhuuriyada fadaraalka ayaa ka hadlay magacaabistiisa,waxuuna u mahad celiyay Madaxweyne farmaajo,waxuuna sheegay in uu aqbalay magacaabistaas,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/HpikJCSNabM

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni β€˜πƒπ‘π’π¬π¦πšπ‘πš π‚π’π’ππšπ§ 𝐠𝐚𝐚𝐫 πšπ‘β€™

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni β€˜πƒπ‘π’π¬π¦πšπ‘πš π‚π’π’ππšπ§ 𝐠𝐚𝐚𝐫 πšπ‘β€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.