Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Khamiislaha ee ay yeesheen Golaha Wasiirada, waxaana arrimihii looga hadlay ka mid ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyay Wasiirka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ArjoUMnmkfs
Author: Jibril Qoobey
DOORKA MUWAADDINKA. Waxaa qoray – Axmed Garmaqaate. ‘’Waa masuuliyadda shacabka inay ka ilaaliyaan Dawladdu inay khalad ku dhacdo’’ – Robert H. Jackson Mudo dhan rubuc-qarni ayuu Dalkeenu la’yahay Dawlad dhexe oo saamayn xoogan leh, inbadan oo ka mid ah bulshada qaybeheeda wax laga waydiiyo waxay ku sababeeyaan arimo kala duwan hase yeeshee waxaan anigu sabab uga dhigayaa muwaaddinka Soomaaliyeed oo isagu aalaaba aan isa saarin mas’uuliyadii uu lahaa. Markii dhanka kale laga eego bulshadu waxay u badan tahay kuwo aan aqoon Doorka Muwaaddinku leeyahay, halka qayb kalena iyaga oo yaqaan ay waayeen dhiiri gelin ku filan. Inta aan aqoon…
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac “Jangali” ayaa xarunta ICAO ee Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dhashay dalka Nijeria waxayna ka wada hadleen sidii loo dardar galin laha soo dhameystirka qalabka hagidda diyaaradaha ee loo iibinayo Soomaliya. Qalabkaasi waxaa lagu rakabi doonaa siddeed garoon oo ka mid ah Soomaaliya iyo xarunta cusub ee laga hagi doono hawada Soomaaliya ee dhawaan laga dhisay Garoonka Muqdishu, ayadoo marka la dhameystiro ka dib ay Soomaaliya inta badan hawadeeda aanay ka dhici doonin xiriir xumo, waayo qalabka cusub ee laga dalbay Shirkad Talyaani ah ayaa…
Lee Jae-yong oo ah madaxa shirkadda Samsung ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed isaga oo loo haysto laaluush iyo eedaymo kale. Arrintan ayaa lala xiriiriyay fadeexaddii horseeday in xilka laga xayuubiyo Park Geung-hye. Samsung ayaa lagu eedeeyay in ay deeq siisay mu’sasado aan faa’iido doon ahayn oo ay maamusho Choi Soon-sil,oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii hore Park, arrintaas oo ay shirkaddu ku badalanaysay in ay gacan ka hesho dawladda. Lee iyo shirkadda Samsung Group labaduba way diideen in ay wax gaf ah gaysteen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1GZjF6r65wg
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo ka warbixiyay xaalada Xabsiyada Puntland iyo maxaabiista xabsiyadaas ku jirta, Maxamuud Xasan Xeer ilaaliyaha guud oo uwaramayay Tv-ga SomaliCable ayaa sheegay in maxaabiista xabsiyada ku kala jirta ay gaarayaan in ka badan 1000-maxbuus,kuwaasoo danbiyo kala duwan ugu xiran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/aWFrp_K-yi0 Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/7tetXY9cKKM
Wasiir Saxardiid ayaa sheegay inaan loo dulqdaan doonin in siyaasiintu iyo suxufiyiintu ay iska tagaan magaalada muqdisho isla markaana ay ku soo laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo gacmaha kula jira waxyaabo lidi ku ah madax banaanida Somaliland, Go’aankan ayaa soo baxay ,iyadoo shalay lagu xiray Magaalada Hargaysa wariye Coldoon oo ka yimid xiligaas Magaalada Muqdisho. Coldoon ayaa qayb muhiim ah ka ahaa olalihii doorashada ee Madaxweyne farmaajo,waxuuna kasoo sameeyay muuqaalo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/I4Dl1sWvK_8
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhambaal farriin ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed gaarsiisay maanta oo arbaco ah dhiggiisa waddanka Kenya mudane Uhuru Kenyatta. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ahna kusimaha safiirka Cali Maxamed Sheekh Bagadi ayaa madaxtooyada Kenya ku booqday madaxweyne Kenyatta, ayaga oo ku wareejiyay dhambaalka madaxweyne Farmaajo. “Waxaan la kulmay Qunsulka Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cumar oo isoo gaarsiiyay farriin ka timid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed” ayuu faafiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta bartiisa Twitter-ka. Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed…
Waxay u muuqataa inay tahay su’aal aan caadi ahayn oo la weydiiyo nin taajir ah oo ganacsiga ku fiicnaa. Wuxuu siyaasadda ku soo galay olole hal mar ah, wuxuuna gaaray xafiiska ugu sareeya ee Mareykanka. Balse, Khubarada waxay ka doodayaan caafimaadka maskaxeed ee madaxweynaha Mareykanka. Dooda caafimaadka maskaxeed ee Trump waxay ka dhalatay warqad furan oo tobannaan qof ay u direen khubarada. Dhaqaatiirta waxay sheegayaan in “xanaaqa iyo deganaan la’aanta” ay Trump ka dhigayaan mid aanan sii hayn karin xafiiska. Hadalkaasi wuxuu u muuqdaa mid jebinaya sharciga muddada u yaalay khubarada caafimaadka maskaxda. Maxay tahay arrinta hadaba? Doodda la xiriira…
Idaacada VOA oo dhowaan Heshay Muuqaal oo ay iska duubeen Kooxda Boko Xaaraam ee dalka Nigeria, Waxaana Muuqaalkaasi muujinayaa Ficilada Argagaxa badan ee Kooxdaasi ay ka gaysato dalkaasi, Waxaana Barnaamijka lagu soo gudbiyey Laba Qaybood oo kamid ah, 4 Warbixinood oo VOA ka diyaarisay Muuqaaladaasi, waxaana Looga digayaa dadka Qalbiga Jilicsan, Caruurta iyo Haweenka Uurka Leh,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/kVNYfsqMxDY
Halkan ka daawo muuqaalka
Faysal Cali Waraabe oo kusoo dhaweeyay Magaalada Laascaanood kooxdii Cali Khaliif Galayr hogaaminayay ee heshiiska la gashay Somaliland. Faysal oo kula hadlay saxaafada Garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood ayaa yiri”Somali waa isku mid meel ay joogtaba,qabiilna qaran noqon waa ,Koonfurta Somaliyana anagay na sugaysaa oo markaan wax noqono ayaa la rabaa in aan iyagana u gurmano ee aan midawno anagu hadaan nahay reer waqooyi”hoos ka daawo muuqaalka oo dhamaystiran. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qowZUHzxXgo
Donald Trump oo u magacaabay lataliyihiisa dhanka amaanka Jeneral Robert Harward ayaa waji gabax ka kulmay magaacibistiisaas,kadib markii Harward uu iska diiday xilkaas,booskan ayaa waxaa baneeyay oo iska casilay Flynn,kadib markii lagu helay cadaymo ah in uu xiriir la sameeyay sirdoonka Ruushka. Robert Harward ayaa ahaan jiray talye sare ka tirsan ciidamada militeriga ee dalka,,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/znBkXh9ksIE
Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta la wareegay kursiga xarunta madaxtooyada qaranka ayaa isla maanta magacaabay jagooyin muhiim ah. Waxa uuna madaxweyne Farmaajo isla maanta u magacaabay la-taliyihiisa dhinaca Amniga Qaranka Xuseen Macallim Maxamuud “Damuumaaye”. Mas’uulkani maanta la magacaabay ayaa waxa uu horey u soo ahaan jirey Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka, Xuseen Daamuumaaye waa Muwaadin Somali-British, waxayna walaalo yihiin Xildhibaan Xasan Macallim Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Daljir. Xuseen Damuumaaye waxa uu ka mid yihiin Saraakiisha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, wuxuuna horey mar uga mid ahaa La-taliyayaasha Madaxweynayaashii hore ee Arrimaha Ammaanka.…
Maanta waxaa si rasmiya xilka Madaxtooyada loogu wareejiyay Madaxweyne Farmaajo. Xil wareejintan ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya,waxaana goob joog ka ahaa madaxda Qaranka oo idil,qaybaha Bulshada Somaliyed iyo marti sharaf kale. Hadaba xil wareejintii maanta sidee u dhacday muuqaal sidee ah ayayse ka gudbisay Somaliya. Madaxweyne Xasan Shiikh waxuu si karaamo leh ugu soo dhaweeyay Madaxweyne farmaajo Qasriga,kadib waxay si wadajir ah ugu dhaqaaqeen oo ugada galeen hawshii xil wareejinta, Madaxweyne Xasan waxuu ku wareejiyay ugu horyan Madaxweyne Faraamo hantida Qaranka ee markaas taalay Madaxtooyada oo ay qayb ka ahaayeen hadyadaha qaaliga ah…
Maamulka Trump iyo Ruuska!!! Madaxweynaha talada dalka Maraykanka haya mudada afarta todobaad ah ee Donald Trump iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa, ayaa looga shakisan yahay inay xiriir hoose la leeyihiin dalka Ruushka. Maalitii talaadada ayay ahayd markii Kaaliyihiisa dhanka ammaanka Michael Flynn ee xukuumaddii uu soo dhisay lagu qasbay inuu is casilo, kadib markii lagu helay inuu been u sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi. Beentani uu sheegay ayaa banaanka u soo baxday kadib markii wariyeyaal u shaqeeya joornaalka New York Times ay daabaceen in Kaaliyihii dhanka ammaanka ee xukuumadda Donald Trump uu xiriir hoose la sameeyay…
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 February, 2017 ka qayb galay xafladda qalin jebinta dufcaddii 5-aad ee ka baxday jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso. Ka qayb galka xalfada qalin jebinta ardayda jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka degmada Boosaaso, kan gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qalin jebisey Jaamacada Muqdisho faraceeda magaalada…
Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Puntland oo sideedii sano ee u danbaysay ay xoog ku joogeen Ciidamada maamulka Somaliland, ayaa waxaa Goor dhowayd kasoo degay diyaarad siday Cali Khaliif iyo kooxdisii oo ka soo kicitimay magaalada Djibouti. Cali iyo kooxdiisa ayaa maalmahan u joogay Magaalada Jabuti wada hadalo u socday isaga iyo Somaliland. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha macmalka ah ee Laascaanood ayuu ku sheegay in wada hadaladaas ay bilaw yihiin meel wacana marayaan. Cali Kahliif iyo kooxdiisa la socotay ayaan gudaha u galin Magaalada Laascanood waxayna si toos ah ugu gudbeen…
Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo ayaa 2009-kii wuxuu qoray buug loogu gefay dhamaan madaxdii soo martay dalka Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaalida, kuwaas oo uu ka qoray waxyaabo ay ka xishoodeen xittaa inay qoraan dadka ajaanibta ah ee Soomaaliya wax ka qora. Madaxdii Soomaaliya soo martay, sida Aden Cabdulle Cusmaan, C/rashiid Cali Sharmarke, Maxamad Siyaad Barre, Cabdullaahi Yuusuf ayuu mid kasta ka qoray waxyaabo madaxdaas ka sokoow sumacad xumo u keenaya Soomaalida. Sidoo kale qaar ka mid ah Qowmiyadaha Soomaalida oo ay ka mid yihiin Hawiye, Isaaq, Digil iyo Mirifle iyo qabiilka Majeerteenka ayuu ka qoray iyagana wax…
Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootey weerarka hoobiyaasha kuwaas oo laba kamid ah aya ahaayeen caruur, sida ay sheegeen dad goob joog ahaa xiliga hoobiyaashu so dhacayeen, waxaana halkaas gaarey gawaarida gar-gaarka deg-dega ah. Waxaa la aaminsan yahay in hoobiyaasha loo wadey xarunta Madaxtooyada oo ku dhaweyd halkaas laakiin ay seegeen bartilmaameedkoodi. Hoobiyeyaal shan ah ayaa loo Soo Tuuray dhanka Madaxtooyada Muqdisho,balse waxay ku dhaceen Dhacay Xaafad Ku Dhegan madaxtooyada, halkaas oo ay ku dhinteen 3-Qof oo Labo Ay Caruur Tahay,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4 Dhaawac ah,waxaana dumay Gurigii uu Hoobiyuhu kusoo dhacay.. Xiliga uu soo dhacayaan hoobiyayaashu…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabadda xil wareejinta waxa ay ka dhacdey xafiiska madaxweynaha, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Faylka Qaranka ku wareejiyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynihii hore ayaa Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku wareejiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xil wareejinta kaddib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore, dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay…
Madaxweynhii Soomaaliya Afartii sano ee la dhaafay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ku wareejin doona Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) qaar ka tirsan xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale. 22-ka Bishan oo ku beegan Arbacada soo socota ayaa waxaa dhici doonta Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota dalalka Afrika iyo xubno kale. Halkan ka dhagayso codka
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/B0tQipU0DkY
Madaxweyne Faroole Maanta ayuu Garowe dib ugu soo laabtay,isagoo kasoo kicitimay xarunta hay’adaha fadaraalka ee Muqdisho. Hadaba Madaxweynuhu waxuu shir jaraa’id ku qabtay Gurigiisa uu garowe ka degan yahay,isagookaga hadlay arimo badan fariimo kala duwana diray. Shirka jaraa’id ee madaxweynaha ayaa waxaa ka diday oo aad u dhibsaday shacabka Puntland intiisa badan iyagoo u arkay hadalada qalafsan ee Madaxweyne faroole in ay khatar keeni karaan. Hadaba anagoo ka duulaynaa dareenkaas shacabka waxaan xasuusinaynaa in Madaxweyne faroole uusan ilaawin in Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf iyo Madaxweyne Cadde ay intooda badnayd Dalka uga maqnaayeen tixgalin ay tixgalinayaan Danta Dalka iyo Dadka oo waliba…
Xaqiiqdii waa i qiira galisay muuqaalkan,kaligayna mahan ee qof walba oo damiir wadaniyadeed ku jiro waa u hakanayaa gadaal ayuuna u istaagayaa,markuu arko muuqaaladan oo kale. Laba Madaxweyne oo Soomaliyeed oo midna xilkii ka dhamaaday mid kalana hada la doortay oo si xushmad iyo qadarin,farxad iyo maqaab dawladnimo leh isku salaamaya oo iskugu hanbalyaynaya guusha la gaaray waa waxaan caadi ahayn. Kaaga sii daranoo waxaa tixgalin gooniya leh dal 26-sano burbur uu ku jiray oo Madaxtooyadiisa ay ilaalinayaan ciidan shisheeye,isla markaana mararka qaar Gudaha madaxtooyadaas ay ka dhacaan weeraro qorshaysan in uu heerkan iyo maqaabkan muujiyo. Ogow shakhsi walba oo…
Madaxweyne Gaas isbadal iyo jihayn deg deg ah ayaa laga rabaa xiigan. Waa muhiim in Madaxweyne Gaas xaalka wax ka badalo,haduu rabo in uu ka hortago mawjadaha siyaasadeed ee kusoo wajahan oo xiligoodii la gaaray. Madaxweynaha waxaa muhiim ah in uu isbadal muuqda sameeyo si uu xaalka Puntland oo dhaliilo badan ay ka muuqdaan dhinacayo badan wax uga qabto. Hadaba taladayda aan u dirayo Madaxweyne Gaas ee ku aadan jihaynta shacabka ee xiligan ayaa ah sidatan:- B.In uu si toos ah waxii uu dhaqaale uu heli karo uu ku bixiyo Ciidanka mushahaarkooda oo waliba isagu gacantiisa ku siiyo kana dhex…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NTu2DaxML5A
Sababta loo sii sheegay ayaa Ah inay la sii socdaan shirkadaha duulimaadyada si aanay maalintaas ugu ku soo beegin duulimaadyada rakaabka ah. Duulimaadyada la hakiyay ayaa isugu jira kuwa dadweynaha iyo diyaaradaha hey’adaha caalamiga ee ka soo degi jiay garoonka. Qaban qaabada xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana maalin ka hor la magacaabay Guddi ka shaqeynaya caleema saarka oo ah Wasiiro. Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Madax caalamka ka socda, waxaana la sheegay in ammaankana si aad ah loo adkeynayo.,hoos ka daawo muuqaalka. …
Waxaa mar kale maanta booqday Qasriga Madaxtooyada Villa Somaliya Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdullaahi farmaajo . Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Xasan Shiikh ayaa si maqaab sare leh ugu soo dhaweeyay madaxweynaha la doortay mudane farmaajo Qasriga ,waxuuna mid mid u ugu soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay madaxtooyada. Booqashada Madaxweyne farmaajo ee madaxtooyada iyo kusoo dhaweynta Madaxweyne Xasan shiikh waxay muujisay maqaabka Qaranimada Somaliya heerka ay gaarsiisan tahay iyo soo kabashada ay gaartay,sidoo kale waa muuqaal fariin u ah cadawga Qaranimada Somaliya. Muuqaalkan waa mid qiiro galinaya qof walba oo damiir wadananimo ay ku jirto,hoos…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maantay lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe oo caasimada dowladda Puntland kadib safar uu kaga yimid Muqdisho. Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Canoco iyo gudaha magaalada isagoo la hadlay boqolaal kamid ah taageerayaashiisa kuwaasoo uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay isugu soo baxeen islamarkaana usoo dhaweeyeen. Cabdiraxmaan Faroole, ayaa hoygiisa caasimadda Garowe saxaafadda uga waramay arrimo ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdishu isagoo xusay inuu isagu ka haray kadib markii farogalin baahsan uga timid dalka iyo dibadda doorashadii dalka ka socotay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo…
Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji Nin boqor ahaa baa wiil la’aani ku dhacday. Da’dii u dhalataaba waa gabar. Isagoo quus ka ah in boqortooyada wiil uu isagu dhalay ka dhaxlo, baa maalinkii dambe wiil u dhashay. Inkastoo boqortooyadii oo dhan arrinkaa looga dabbaaldegey oo muddo damaashaad socday, misana boqorka waxaa walwal ku qabtay farxaddiisiina kala dhantaalay wiilka oo hal dheg leh ayna dhici karto in ay gasho cuqdad dhaxalsiisa in uu boqor fiican noqon waayo. Boqorkii wuxuu isugu yeeray lataliyeyaashiisii, arrinkii wiilka ayuuna u bandhigay. Waxay ku taliyeen, lataliye xun ileen lama waayee, in wiil kastoo dhasha dheg laga jaro.…
Hargeysa waxaa lagu xiray wariye Coldoon oo maalmahan joogay Magaalada muqdisho,isagoona qayb ka ahaa Taageerayaasha Madaxweynaha sida lama filaanka ah lagu doortay ee Farmaajo.waxuuna si gaar ah ula kulmay Madaxweyne farmaajo oo waliba ka sameeyay muuqaalo uu ku muujinayo taageerada uu u hayo. Coldoon ayaa la xiray kadib markii Diyaarad uu ka raacay magaalada Muqdisho ay ka degtay magaalada Hargeysa, waxaana Wariyaha xiray garoonkana ka kaxeestay ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo horey ula sii socday imaanshihiisa. Wali si rasmi ah looma oga sababta loo xiray Wariye Coldoon,balse waxaa Somaliland Danbi ka ah la kulanka madaxda Dawlada Fadaraalka iyo…
Hanti isugu jirta gawaari, agab kala duwan, iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay si xooggan u socotay arrintan. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno ku dhow Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay ka dambeeyaan hantida lagala baxay Madaxtooyada, kuwaasoo qaarkood ahaa. Gaadiid ay ka mid yihiin kuwa aanay xabadaha karin, gaadiidka ciidamada iyo hub ayaa la sheegay in lagala baxay Keydka hubka ee Madaxtooyada oo ah Keydka 3aad ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ku lug leeyihiin xubno ku dhow Xasan Sheekh,…
Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta. Heshiiskani ayaa ku saabsanaa saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ay ka dhisanayaan magaalada Berbera inuu ahaa heshiis sharci darro ah oo xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay fara gelin ku heyso madax banaanida deegaanada Somaliland. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay colaad ka hurineyso deegaanadeeda, isla markaana ay qalad tahay inay soo fara geliso heshiiska,hoos ka daawo muuqaalka. …
Nin Cawaale la yidhaahdo baa muddo 27 sannadood ah iskuddayayay in uu isbeddel sameeyo. Wuxuu caawinayay qofka saboolka ah. Wuxuu dawo u iibinayay qofka xanuunsan. Wuxuu daryeelayay maatada. Wuxuu ka shaqeeynayay daminta colaadda, nooleeynta nabadda iyo walaaleeynta beelaha. Wuxuu u kala socdaalayay dhammaan deegannada Soomaalidu degto. Wuxuu ka yureeynayay cadowga Soomaali dilooday oo ah: aqoondarrida, qabyaaladda iyo wadajir-nacaybka. Marna hawshiisa kama aanu daalinnin, kama aanu niyadjabinnin. Har iyo habeen wuxuu naftiisa u hurayay wanaagga dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa. Dhowr jeer baa arrintaa darteed loo xidhey. Marar badan waxay naftiisu halis u gashay in la dilo oo la toogto. Eebbese waa…
Ciyaaraha horyaalka kooxaha Yurub oo xalay dhacay. Ciyaartii ugu xiisaha badnayd waxay dhexmartay kooxaha Paris St-Germain iyo Barcelona. Barcelona waxaa looga badiyay afar gool iyo eber. Waxaana labo gool oo ka mid ah dhaliyay Di Mario oo dalka Argentine u dhashay. Awood ahaan aad baa looga gacansareeyey Barcelona, waxaana waxba tari waayay weeraryahanadii caanka ah ee kooxdaasi. Cavani oo isna u dheela kooxda Paris St-Germain ayaa ahaa laacib xalay wacdaro weyn muujiyay. Is-arag kale ayaa labadan kooxood dhexmari doona. Waxay kooxda Paris St-Germain tagi doontaa garoonka kooxda Barcelona. Caawa waa ciyaari doona Arsenal iyo Bayer Munich oo isku arki doona…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in isniintii dalka Malaysia lagu dilay hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya walaalkiis kadib markii meydkiisa la helay Kim Jong-nam oo 45 jir ah ayaa waxaa lagu dilay airportiga magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda Maleysia.. Kim Jong-nam waa curadka hoggaamiyihii hore ee North Korea Kim Jong-il, waxaa ay isku hooyo yihiin hoggaamiyaha dalka waqooyiga Kuuriya,wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Kim Jong-nam uu u dhintay sun la siiyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/d6Ia1olnseg
The UAE government in January submitted a formal application seeking permission from the “Somaliland Administration” to open a military base in the port town of Berbera. Somaliland is part of the Federal Republic of Somalia and do not have the authority both constitutionally and logically to agree the establishment of a military base within the Somali territory. We therefore call The Somali President H.E Mohamed Abdullahi Farmajo , The UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia Michael Keating to interfere and prevent the establishment of this illegal military. The United Arab Emirates has donated military equipment to Somaliland Police force.…
Halkan ka akhriso Jadwalka Kooxaha Horyaalka Ciyaaraha Kubada Cagta Puntland oo si habsami leh uga socda Guud ahaan Gobolada Puntland. Xiriirka Kubada Cagta Puntland Puntland FootBall Federation Tell:+2520907728825/2520907790256/2520907770141 Email: pufofed@gmail.com /pufofed@yahoo.com Website: www.punsoccer.com: post DHL Garawe Date 14 /02/2017 Puntland League Table No TEAMS PLAYED WIN DRAW LOSE GOAL/DIFFERENT POINTS 1 Garoowe City 5 3 1 1 12 – 5 10 2 Horseed Fc 5 2 2 1 4 – 4 8 3 Homboboro Fc 5 1 4 0 3 – 2 7 4 Sbc Fc 5 2 1 2 4 – 4 7 5 Bari…
Waraabe Walamsade Waxaa gosha Waamo ku noolaa waraabe la magacbaxay “Wax-ma-hambeeye”. Waaguu dhallinta yaraa ayuu iska dareemey in uu awood iyo karti gaar ah leeyahay. In uu xawayaanka kale indhasarcaadin karo oo been u sheegi karo. Kolkuu soo yara koray oo xoog yeeshey ayuu kob duurjoogtii kale biyo iyo baad la’aan uga wada yaacday malcamad ka furtay. Halkii ayuu ka billaabay in uu dhallaan xayn ah quraan-dhurwaa u dhigo oo ka dhaadhiciyo in isagu yahay qofkuu Waaq doortay taladana u dhiibtey. Hantidii madrasadu lahayd, xoolihii waalidka carruurta dhalay, agoonta dhaxalkeedii dhammaan afka ayuu u dhigtey – oo waa dhurwaaye, waxba…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sGV1ualvmig
Madax Ka Tirsan Dowladda Somaliya, Puntland, Isimo, Madax ka socotay Dowlad Goboleedyada Qaar iyo Boqalaal Qof oo Somali ah Ayaa Goobjoog ka Ahaa Aaska Marxuumka, Oo Mudo La soo Agaasimayay. Marxuum Cadde Muuse oo 8-Dii Bishan Ku Geeriyooday Dalka Isku-Taga Imaaradka Carabta, Ayaa meydkiisa ay Diyaarad Sida ay ka soo Dagtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Boosaso, Waxaanna Si Daganaan Ah u Soo Galbiyay Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee PSF-ta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Wcz8AyYGF5Y
Maalmihii u dambeeyey waxaa soo xoogeysanayay hadal heynta qorshe la doonayo in maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo Dowlado Shisheeye, halka qorshu uu markii hore ahaa in dowladda Somalia lagu wareejiyo, qalabkii howshaa fududeyn lahaana la geeyay magaalada Muqdisho. Maareeyaha duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya Cabdiwaxid Sheekh Cumar ayaa ka mid ah dadka ka cabsi qaba in qorshaasi la saxiixo iyadoo laga faa’iideysanayo xilli kala guurka ee Soomaliya ay ku jirto.hoos ka dhagayso. Halkan ka dhagayso codka Maareeyaha
farmaajo ayaa ku mashquulsan soo xulashada Rw ay isla jaanqaadi karaan, Madaxweynaha ayaa Isbaarada adag ee hortaala ay tahay, in uusan soo dooran karin qof walba ama beel walba, kaliya uu dooran karo nin ka soo jeeda beesha Hawiye, markii la eego ama la tixgaliyo nidaamka 4.5 ee awood qaybsiga dalka. Beesha Abgaal ayaa iyadu waxay aaminsan tahay in ay xaq u leedahay Rw marka laga dhex hadlayo Hawiye dhexdiisa,madaama ay iyagu yihiin Beesha ugu badan ee degta caasimada,isla markaana ugu tiro badan Beesha hawiye oo aan xataa maamul goboleedyada Dalka ka jira aan midna madax ka ahayn. Beesha Habar…
halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa maalmahan dambe soo badanaya dareen ka dhex aloosan golaha wasiirada Jubaland oo lagu maaggan yahay in golaha wasiirada la mariyo lagana ansixiyo qorshe lagu laalayo, laguna tirtirayo sadexda gobol ee Jubaland ka koobantahay sida Jubada Hoose, Jubada dhexe iyo Gedo. Qorshan ayaa qeexaya in degmo kastaayi goonideeda u madaxbanaanaato oo mid midda kale hoos tagtaayi aysan jirayn isla mar ahaantaana daaqadda lagaga saarayo gudoomiyeyaasha gobolada iyo waliba ahmiyadda uu gobolka ku fadhiyo. Hawshan soo jeedinteeda waxaa sameeyey isla markaana soo diyaariyay xoogag iskor saaran waxaana laga leeyahay dano gaar ah oo aan hadda muuqan balse loo dhigayo iney maslaxo…
Madaxwenaha cusub ee Somaliya oo maalmo ka hor sida lama filaanka ah ugu soo baxay Doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Muqdisho ayaa ka cudur daartay kasoo qaybgalka aaska qaran ee Madaxweyne Cadde Muuse loo sameeyay. Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa ka mid ahaa madaxdii Qaran ee la filyay lana qorsheeyay in ay kasoo qaybgalaan aaska,waxaana gaartay fariintii loogu sheegayay in uu kasoo qaybgalo aaska Madaxweynaha Geeriyooday rabi ha unaxariistee,balse waa ka cudur daartay imaansha Aaaska-qaran.. Ilaa iyo hada lama oga sababta dhbata ah ee kaliftay in uu ka baaqdo aaska Qaran ee Madaxweyne Cadde loo sameeyay,balse waxaa la ogsoon yahay…
Garsoorihi sida ku meel gaarka aheyd u hakiyey amarki Madaxweyne Trump ee ka dhanka ahaa qaxootiga ayaa Isniintii sheegay inay furayaan kiis kale oo si toos ah u mamnuuci doono amarkaasi. Garsoore James Robart oo xaakim ka ah maxkamad ku taalla magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa horaanti bishaan hakiyey amar uu madaxweynaha Mareykanka ugu diiday inay dalkan soo galaan muddo 90 cish ah muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka Iraq, Iran, Syria, Libya, Yemen, Somalia iyo Sudan. Sidoo kale qaxootiga ayuu amarkaasi taabanayey guud ahaan. Waaxda Cadaalada Mareykanka ayaa weydiisatay garsoore Judge Robart inuusan qaadin tallaabo sharci ah ilaa ay go’aan…
Hanti dhawraha guud ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay heshiiskii Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta ee saldhiga milatari looga dhisayo magaalada Berbera mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. Sidoo kale Hanti dhawruhu wuxuu ku eedeeyay xubno ka tirsan dawladda waqtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya inay wax ka ogaayeen heshiiskaasi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ndZMgWlUeI8
Embattled White House national security adviser Michael Flynn resigned Monday night, an abrupt end to a brief tenure. His departure came just after reports surfaced that the Justice Department warned the Trump administration last month that Flynn misled administration officials regarding his communications with the Russian ambassador to the United States and was potentially vulnerable to blackmail by the Russians. “I inadvertently briefed the Vice President-elect and others with incomplete information regarding my phone calls with the Russian ambassador. I have sincerely apologized to the President and the Vice President, and they have accepted my apology,” Flynn wrote, according to…
Gen. Michael Flynn ayaa sheegay inuu xilka iska casilay kadib markii ayaa soo baxday inuu horey gorgortan iyo wadahadal kula jiray Diblumaasiyiinta Ruushka kahor intuusan xilka la wareegin Donald Trump. Taasi oo ka horimaaneysa sharciga loo yaqaan Logan Act. Xog laga helayo Saraakiil sirdoonka Maraykanka ka tirsan ayaa sheegaya in Gen.Flynn uu Ruushka u balan qaaday inay ka qaadi doonaan cunaqabteynta uu Obama saaray marka uu xilka la wareego Donald Trump, arrintaasi oo si toos ah uga horimaaneysa shircigaasi loo yaqaan Logan Act. Gen.Flynn ayaa ah nin si weyn u neceb Islaamka iyo gaar ahaan dalka IRAN oo uu ololeyn…
Alla ha u naxariisto Madaxweynihii hore ee Puntland marxum Jen Maxamud Muuse Xirsi (Cadde Muusse) maanta ayaa lagu aasay Boosaaso, waxaana ka qaybgalay aaskiisa masuuliyiinta Sar sare ee Puntland oo uu ugu horeeyo Madxaweynaha Gaas iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade) oo ay hooyo utahay Naado shire waxaa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1937-dii, halkaasi ayuu ku bilaabay aqoontii diiniga ahayd iyo qur’aanka , waxaana uu dugsiga sare waxbarashadiisii qaatay intii udhaxaysay sanadihii 1954-58dii, kadibna 1959-61dii waxaa dalka talyaaniga loogu diray kuliyad ciidan oo ah layli sarkaal. Sanadkii 1962-63 Cade muuse waxaa uu isla dalka…
إِنَّا للهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ GEERIDA MAXAMUUD MUUSE XIRSI BOQOR “CADDE” Cadde Muuse wuxuu ka mid ahaa halyeeyo loo tiriyo waddaniyad Soomaalinimo, waxa uu ku dhashay Bender Bayla 1dii Julay 1937, wuxuuna Alla ha u naxariistee ku geeriyoodey dalka Imaraadka Carabta Arbacadii 8dii Febaraayo 2017. Isagoo lix jir ah ayaa la geeyey Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare. Wuxuu lahaa shakhsiyad dhallinyaranimo oo ay firfircooni, bulshannimo, aragti dheeri iyo degganaansho ku dheehnaayeen. Markii uu dugsigii sare ee ugu horreeyey Soomaaliya uu ka baxay, wuxuu shaqo ka bilaabay bangiga. Markuu muddo gaaban ka shaqaynayey, ayaa waxa…
Diyaaradii siday Maydkii Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Jeneral Cadde) ayaa goor dhawyd soo caga hdigatay Gegida Diyaaradaha ee Bosaso. Madaxwaynaha Puntland , madaxwayne kuxigeenka Puntland , guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaybaha bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bossaaso si ay uag qaybgalaan aaska marxuumka oo maalmo ka hor ku Geeriyooday Magaalada Dubai ee cariga Imaraadka Carabta. Dhanka kale waxaa goordhaw la filayaa in ay gaaraan Bosaso wafti sare oo ka socda Dawlada Fadraaalka iyo siyaasiyiin Somaliyed.si ay uag qaybgalaan aaska Qaran ee loo samaynayo Jeneral cadde. Kala soco idilnews,
When Philippines President Rodrigo Duterte summoned his security chiefs to an urgent meeting one Sunday night last month, his mind was already made up. His military and law enforcement heads had no idea what was coming: a suspension of the police force’s leading role in his signature campaign, a merciless war on illegal drugs. There was only one reason for the U-turn, three people who attended the Jan. 29 meeting told Reuters. Duterte was furious that drugs-squad cops had not only kidnapped and murdered a South Korean businessman, they had strangled him to death in the headquarters of the Philippines…
Madaxweyne Donald Trump ayaa kusoo dhaweeyay Aqalka-cad ,Raisalwasaaraha Canada Trudeau joint presser. labadan dal ee dariska ah ayaa ah Gaanshaan buur wax badan wadaaga ,isla markaana uu ka dhaxeeyo Ganacsi aad u balaaran. Shir jaraa’id oo ay wada qabteen Trump iyo presser. ayay ku tiiqtiiqsadeen sida Canada iyo Maraykanka ay uga midaysan yihiin arimo badan u leeyihiin arimo badan,iyagoo isku duubana ay uga hortagaan xaaladaha qalafsan ee lasoo gudboonaada Gobolka ay ku yalaan iyo Guud ahaan Caalamka. Sidoo kale waxay xuseen Ganacsiga aadka u balaaran ee ka dhaxeeya labada dal,kaasoo gaaraya , 2-bilyan oo Dolar maalin walba Dhanka kale su’aalo muhiim ahaa…
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30Km u jira Jowhar. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas. Illaa saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay dagaalka, halka afar kalena ku dhaawacmeen oo ahaa dad rayid ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HlLuKaKzTTU
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/JLpQwR4nDc8
Iskutagga Imaaraadka Carabta(UAE) Ma Waxay Aqoonsatay Gooni Isutaagi Somaliland? Maxayse Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabku ka Qabaan???? Taarikh Kooban Imaraadka Carabtu waa dawlad xiriir dheer o soo jireen ah la lahayd Dalka Soomaaliya. Xiriirka labada shacab ayaa ah mid ka gun weyn kan labada dawladood. Walow xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Jaziirada Carbeed uu bilowday Diinta Islaamka ka hor, hadana wuxu aad usii xoogeystay bilowgii qarnigii 7aad oo ah markii Diinta Islaamka ay soo degtey. Wixii intaas ka dembeeyey xiriirka labada shacab wuxuu ahaa mid ku salaysan diin, dhaqan, iyo dhaqaale. Labada dal waxay…