Author: Jibril Qoobey

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ( HDRS), ayaa fartay in la joojiyo dhammaan isku dayada lagu bur burinaayo jiritaanka hay’adda iyo madax bannaanideeda, taas oo laga leeyahay dano gaar ah. Waraaqda kasoo baxday Hay’adda Duulista Rayidka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka raba in ay ku xad gudbaan madax bannaanida hay’adda ay gacan ka helayaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS.

Read More

Waxaa jirta Sideed Mashruuc oo Puntland laga fuliyo oo uu diiday Madaxweyne Deni in la saxiixo hadiiba ay soo marayaan Dowlada Fadaraalka. Mashruucyadaas,waxaa ka mid ah oo laga xusi karaa… 1.Mashruuca sida joogtada ah loogu garabgali Waxbarashada Puntland ee ku kacaya 25-Milyan oo dolar Sanadkii. 2.Mashruuca sida joogtada ah loogu garabgalo Caafimaadka Puntland oo gaaraya 30-Milyan oo dolar Sanadkii. 3.Mashruuca horumarinta Dekedaha Somaliya oo Baanka Aduunku maalgelinayo lana rabay in PL lagu bilaabo. Waxaa si gaar ah isoo jiitay Mashruuca taageerida Waxbarashada PL ee xasaasiga ah,kaasoo ah kabida Mushaaraadka Macallimiinta. Wasiir Faarax Cabdiqaadir waxuu ku casumay Shirkii arinkaa lagu saxiixay…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay Caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi ugu qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamannadda Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacada Carabta oo loo madlanyahay inuu ka furmo magalada Baqdaad.

Read More

Ku-simaha wasiirka ganacsiga ayaa Arbacadii sheegay in maamulka Taalibaan ee Afghanistan ka dhisan ay isbaheysi la sameeyeen shirkado ay ku mideysan yihiin Ruushka, Iran iyo Pakistan, si ay u dejiyaan qorshe maalgashi oo diiradda lagu saarayo tamarta, macdanta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Noordin Azizi ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dalladan ay ku jiraan 14 ganacsato Afghanistaan ah, wasaaraddiisuna ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay shirkado shisheeye kuwaas oo wufuud u soo diri doona Kabul, si ay ugala hadlaan mashaariic ku kacaya ilaa 1 bilyan oo dollar. Dhaqaalaha Afghanistan ayaa si aad ah u wiiqmay tan iyo markii…

Read More

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa is-casilay, sida uu ku sheegay bayaan uu soo gaaray goor dambe oo xalay ah. “Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo intaas raaciyay; “Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Global Tour and Travel Services u xirtay VISA-ha dal ku galka dalka Kenya. Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS ayaa lagu ogeysiiyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya in VISA-ha dalkaas ay soo saari karto shirkadda oo la sheegay inuu uu leeyahay mid kamid ah saaxiibada siyaasadda ee ka agdhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud. Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa la sheegay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, sida aan ka soo xiganay Saraakiil ka tirsan Safaaradda.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Guddoomiyey fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada, kaas oo uu horyimid Guddiga Xukuumaddu u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka ka soo barakacay Magaaladda Laascaanood. Guddiga ayaa warbixin ku saabsan hawlaha loo xilsaaray la wadaagay Guddiga Joogtada ah, sidoo kalena, Guddiga Joogtada ah ayaa wax ka weydiiyey warbixinta lala wadaagay, isla mar ahaantaana talooyin ku biiriyey hawlaha Bini´aadanimo ee Guddigu ku hawlan yahay. Ugu dambeytii, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ku hadalya afka Golaha Wakiillada Puntland ayaa wuxuu kula dar-daaray Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday…

Read More

Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ku dhawaaqay in 150 qof ay ku dhinteen, in kabadan 500 oo qofna ay ku dhaawacmeen duullaanka maamulka Somaliland kusoo qaaday magaalada Laascaanood ee gobalka Sool. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood, Garaad Jaamac ayaa xusay in ciidamada Muuse Biixi ay burburiyeen xaafaddaha kala duwan ee Laascaanood, goobihii caafimaadka iyo masaajidadii magaalada. https://www.facebook.com/i455353/videos/1141800869842604

Read More

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran. Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaamijyada horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka amba-baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa oo uu uga qeybgalay shirka Golaha Midowga Afrika. Idilnews ayaa ogaatay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u tagay Dubai arrimo caafimaad, waxaana ku wehlinaya safarka xubno kamid ah qoyskiisa. Waa socdaalkii saddexaad ee uu Xasan Sheekh KY tago Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay 15-May, 2022.

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee ay ka bilaabanayso diiwaangelinta cod-bixiyayaaasha doorashooyinka qof iyo codka ah gobalka Mudug. War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga TPEC ayaa lagu sheegay in 28 February ilaa 12 March, la qaban diiwaangelinta cod-bixiyayaaasha doorashooyinka dadweynaha ee gobalka Mudug, waxaana ay ugu baaqeen muwaadiniinta ku dhaqan gobalkaas in ay is diiwaangeliyaan.

Read More

Dagaal culus ayaa aroornimada saaka ah dib uga bilowday magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, waanna maalintii 17 oo uu soconayo duullaanka maamulka Somaliland ay ku qaadeen magaalada si ay dib ugu qabsadaan. Dagaalka socda oo galay todobaadkii saddexaad ayaa yimid kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen magaalada, iyagoo difaac adag kala kulmay ciidamada deegaanka ee SSC. Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa magaalada, kuwaas oo si aan loo meel dayin ciidamada Somaliland ugu soo tuurayaan Laascaanood. Faahfaahino dheeraad ah kala soco Idilnews

Read More

Shirkadda diyaaradaha caalamiga ah ee Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka sameysa garoomada diyaaradaha Puntland ee Garoowe iyo Boosaaso ayaa soo kordhisay mid kamid ah diyaaradaheeda waa weyn. Diyaaradaha ay soo kordhisay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa ah diyaaradda ‘ET Boeing 737-700, taasoo markiiba qaadi karta 120-qof. “Diyaaradda ET Boeing 737-700 oo rakaab ah ayaa maanta duulimaad toos ah ka bilowday Boosaaso & Garoowe kuna sii jeeday Addis Ababa iyadoo qaadka ugu badan tahay 120 rakaab ah maalintii” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay shirkadda Ethiopian Airlines. Tallaabadan ayaa timid kadib koror ku yimid dadka ka baxay garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee…

Read More

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, ayaa kaga adkaaday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland qorshe uu gurmad ugu aruurinayay Laascaanood, kaas oo ay diidanayeen. Siciid Deni iyo Wasiirkiisa Maxamed Dhabancad ayaa xiriiro ka dhan ah abaabulka ciidan ee Islaan Bashiir, la sameeyay saraakiisha ciidamada Puntland ee gobalka Mudug, waxaana ay ka dalbadeen in aan wax ciidamo iyo hub laga saari karin xeryaha, taas oo si adag ay saraakiishu uga hortimid. Saraakiisha ayaa ku wareejiyay Islaan Bashiir Ciidamo, gaadiid dagaal iyo Saad uu ka dalbaday si ay qeyb uga noqdaan howlgalka xoreynta gobalka Sool, kuwaas oo hadda loo diyaarinayo…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa looga hadlay dagaalka saaka ka soconaya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, kaas oo yimid kadib markii ay weerar ku qaadeen magaalada aroornimadii, balse ay is difaac adag kala kulmeen ciidamada deegaanka ee SSC. Somaliland ayaa sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeeda si looga hortago ergo nabadeed oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo diray gobalka Sool, balse ay ciidankoodu is difaaceen.! Halkaan hoose ka Akhriso warka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka…

Read More

Dagaal culus ayaa maalintii 16aad ka soconaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kadib weerar aroornimadii hore ee saaka ay kusoo qaadeen ciidamada Somaliland oo doonaya in ay dib u qabsadaan magaalada. Dhawaqa Madaafiic culus ayaa si weyn looga maqlayaa gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda. Somaliland ayaa si aan loo meel dayin ula dhacaysa madaafiicda xaafadaha shacabka, isbitaalada, masaajidada iyo goobaha waxbarashada ee ku yaalla Laascaanood. Khasaare xooggan ayaa durba lasoo warinayaa in uu ka dhashay dagaalka ka soconaya Laascaanood, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Read More

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeryooday iyo dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kooban oo habeenimadii xalay ka dhacay bartamaha caasimadda Puntland ee Garoowe. Iska hor imaadkan ayaa dhexmaray ciidamo katirsan Booliska gobalka Nugaal iyo Askarta Taliyaha ciidamada la-dagaallanka argagixisada Puntland, Gen. Muxyadiin Gacmeey. qofka geeryooday ayaa ahaa shacab iyo halka kuwa dhaawacmay ay isugu jireen askar iyo ciidan. Wararka ayaa intaa ku daraya in iska-hor imaadkan uu yimid kadib markii ciidanka Boolisku isku dayeen in ay qori uu watay ka qaadaan askari katirsan ciidamada Muxyadiin Gacmeey. Falalka ammaan-darro ee noocan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug ayaa shirgudoomiyey shirka 7aad lahaa ee Gudiga Amniga Gobolka Mudug. Shirka waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Xasan Cabdulaahi warsame, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Taliyaha Ciidanka Asluibta Gobolka. Shirka ayaa looga hadlay qodobada kala ah 1. Qiimaynta qorshihi iyo Amaradii Shirkii 7aad kii hore. 2. Ansixinta qorshaha Amni ee Dagmooyinka Gobolka Mudug. 3. Ugu danbayna waxaa looga hadlay xalinta khilaafaadka beelaha Gobolka wada Dega.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Guddoomiyey shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo maanta ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada. Fadhiga maanta ayey Mudanayaashu uga doodeen arrimo ay kamid yihiin xaaladda magaalada Laascaanood, diiwaangelinta codbixiyeyaasha Golleyaasha deegaanka Puntland ee hal qof hal cod. Dood iyo falanqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen:- 1. In loo yeero Guddiga Xukuumadda Dawladda Puntland u magacawday Arrimaha Bini’aadantinimada iyo Gudiyada kale ee Taakulaynta dadka ku waxyeeloobay xasuuqa maamulka Somaliland uu ka wado Laascaanood. 2. In loo yeero Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka DPL, si wax looga weydiiyo qorshaha xukuumadda ee…

Read More

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Sharif ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay dhowraan sharciga, kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed. Shiikh Shariif oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Barlamanka Soomaaliya ayaa sida la rumeysan yahay aan weli ka qayb galin fadhiyada Barlamanka tan iyo intii uu bilaabey shaqooyinkiisa.

Read More

Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, isla markaan lagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel caafimaad “waqtigiisa harsan”, sida ay Sabtidii sheegtay xarunta samafalka ee uu aas-aasay ee the Carter Center. Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool, wuxuuna mar ku guuleystay abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize. Wuxuu deggan yahay Plains, ee gobolka Georgia, isaga iyo xaaskiisa, Rosalynn. Tuuladaas oo ah meeshii uu ku dhashay, oo uu ka ahaa…

Read More

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Cabdicasii Xuseen Nuur Mursal oo ah xiddigle ka tirsan ciidanka, isla markaana lagu helay inuu gacaan-saar la lahaa maleeshiyada Al-shabaab. Sida ay qortay warbaahinta dowladda, Cabdicasiis oo 63 jir ah oo laga soo qabtay gudaha wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Al-shabaab u gudbin jiray xogta Ciidanka xoogga dalka. Sababata ku kalliftay inuu Al-shabaab la shaqeeyo ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay markii ‘uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan-gelinta Ciidamada loo helay xidig sax ah’ taas oo uu ka carooday. “Caradii uu ka qaaday kedib…

Read More

Dhawaqa noocyada kala duwan ee hubka culus ayaa saaka laga maqlayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda gobalka Sool, kadib markii aroornimadii hore uu dib u bilowday dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC. Dagaalka ayaa galay maalintii 15aad oo xiriir ah, waxaana Somaliland magaalada la dhacaysaa madaafiicda aan loo meel dayin kuwaas oo lala beegsanayo guryaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada Laascaanood. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka soconaya saaka.

Read More

Madaxweynihii hore ee Dawladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa boggaadiyay go’aankii maanta kasoo baxay Isimadda Beelaha Garxajis, oo ay ku sheegeen in aysan qeyb ka aheyn duullaanka Muuse Biixi Cabdi uu ku qaaday Laascaanood iyo xasuuqa shacabka iyo haldoorka Dhulbahante. Akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed. Maanta oo taariikhdu ay tahay 19-ka Feb. 2023 waxaan si buuxda u soo dhawaynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay Salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, waxaana bogaadinayaa goa’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen. Go’aanada ka soobaxay beesha Garxajis waxay tusaale cad u yihiin in beelaha walaalaha ahi doonayaan inay…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Ahmiyad gaar ah siinaya ka jawaabida baahiyaha Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa Soomaaliland ka wado Magaalada Laascaanood iyo kuwa ku waxyeeloobay ayaa maanta kulan la qaatay guddigga dowladdu u xilsaartay gurmadka Laascaanood. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ku aadan shaqooyinka qabsoomay, kuwa socda iyo qorshayaasha degsan ka dhegaystay guddiga isaga oo faray inay dar-dargeliyaan hawlaha gurmadka dadka dhibaatadu kasoo gaadhay Xasuuqa. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa war bixin ka dhegaystay guddi hoosaad ku hawlan lasocodka xaaladaha deg-dega ah. https://www.facebook.com/vpofficepl/videos/513782607536672

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari, G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn culus oo maanta dhexmartay ciidamada Booliska iyo shacab careysan. Is-rasaaseynta ayaa timid kadib markii Booliska gobalka Bari ay dumin ku bilaabeen guryaha shacabka ee ku dhow agagaarka dekedda Boosaaso, oo dhowaan uu Guddi u saaray Madaxweynaha Puntland baneyntooda. Shacabka ayaa ka horyimid go’aanka Xukuumadda Siciid Deni ee baneynta iyo guryaha ay lahaayeen, iyagoo saaka is-difaaca kala hortagay Booliska gobalka Bari iyo gaadiidka cagafta dawladda hoose ee Boosaaso oo u socday duminta guryaha.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta. Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka. Labada…

Read More

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland, Abdifitaax Xaaji Aaden ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay kadib munaasabad ka dhacday caasimadda Puntland ee Garoowe. Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha Ciidamada la-dagaallanka Argagixisada iyo saraakiil kale. Dhammaan masuuliyiinta ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa u digay saraakiisha ka horyimaada amarada dawladda, isagoo sheegay in ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Read More

Beesha Garxajis oo ah Beesha ugu ballaaran beelaha Somaliland (Isaaq) ayaa ku dhawaaqday in aysan qeyb ka aheyn duullaanka maamulka Muuse Biixi Cabdi ku qaaday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood. War kasoo baxay shir ay yeesheen dhaqanka Beesha Garxajis ayay ku sheegeen in ay doonayaan in ay nabad kula noolaadaan Beesha Dhulbahante, oo ay wadaagaan deegaan ballaaran, iyagoo sheegay in waxa ka socda Laascaanood uu masuuliyadeeda qaadi doono Muuse Biixi. Garxajis ayaa xusay in Muuse Biixi uu beel ahaan dhibaatooyin u geystay intii u dhaxaysay bilihii June iyo Augusta, 2022. Iyagoo intaa ku daray in ay qeyb ka noqon doonin…

Read More

Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalka Kamala Harris. Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge ay tiri “xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada.” Harris ayaa intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya,…

Read More

Isimadda beelaha Dashiishe, Cali Saleebaan iyo Ugaas Saleebaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka oo ka dhacay hoyga Siciid Deni ka degan yahay saldhigga ciidamada PMPF Puntland ee Boosaaso ayaa looga hadlay siddii Xukuumadda Puntland gurmad u fidin laheyd shacabka Somaliland ku xasuuqayso magaalada Laascaanood. Saddex isim ayaa la wadaagay Hoggaamiyaha Puntland in ay diyaariyeen ciidamo garab u noqda, kana barbar dagaalama dadka Sool, iyagoo weydiiyay waxa uu ku taageeri karo. “Ciidan,ayaan isku hagaajinay oo rabnaa in aan dirno,waxna way haystan waxna way u baahan yihiin ee maxaa noogu daraysaa?” Ayay ku yiraahdeen Isimadu…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika. Addis Ababa, Itoobiya 18 Febraayo, 2023 Madaxda Sharafta Leh, Mudanayaal iyo Marwooyin Waad ku mahadsan tihiin fursaddan wayn ee aan idinkula hadlayo anigoo ah madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Xaqiiqdii, inkastoo aan ahay madaxweyne lagu doortay doorasho dhowaan ka dhacday Soomaaliya, mudnaan gaar ah ayay ii tahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee labo jeer loo doortay inuu u khidmeeyo qarankiisa. Waxay arrintan iiga dhigan tahay xurmad iyo fursad gaar ah oo aan ku qaabayn karo isla markaasna aan Soomaaliya iyo…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Isbitaalka Guud ee Garoowe ku booqday qaar kamida dhaawacyadii ku wax yeeloobay xasuuqa Soomaaliland u gaysanayso Shacabka Laascaanood. Madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxda wasaaradda Caafimaadka, maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe iyo xarumaha Caafimaad ee kale uga mahadceliyay sida ay u la tacaaleen bukaanada kala duwan ee la soo gaarsiiyay, iyada oo dhaawacyadii cuslaana loo gudbiyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari halkaasi oo Madaxweynuhu ku tegay safar shaqo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Xaafuun kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Xaafuun. Xaafuun, ayaa kamid ah magaalooyinka istiraatiijiga ah ee dhaca xeebaha Bari ee Puntland iyo marin biyoodka caalamiga ah Raas-caseyr.

Read More

Wefti Maraykan ah oo ay ku jiraan illaa 50 xildhibaan ayaa ka qayb galay furitaanka kulanka caalamiga ah ee loogu magac daray kulanka shirka amniga ee Munich, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa doonaya inay muujiyaan taageerada ay u hayaan Ukraine. Afar wefti oo ka kala socda xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga oo ay ku jiraan xildhibaanada Seneteka iyo aqalka hoose ee Wakiilladda ayaa ku biiray boqollaal siyaasiyiin ah, saraakiil milateri iyo diblomaasiyiin ka kala yimi daafaha caalamka, kuwaas oo ka doodaya arrimaha ammaanka ee caalamka. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in weftiga Maraykanka ka socda uu…

Read More

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan degmada Xaafuud ee gobalka Bari, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono maamulka, waxgaradka iyo dadka deegaanka. Diyaarad gaar ah ayaa Siciid Cabdullaahi Deni ka qaadi doonta xarunta gobalka Bari ee Boosaaso oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa, isagoo ka degi doono garoonka diyaaradaha Xaafuun, oo kamid ah magaalooyinka istiraatiijiga ah ee dhaca xeebaha Bari ee Puntland iyo marin biyoodka caalamiga ah Raas-caseyr. Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynuhu uu u sii gudbi doono deegaanno hoostaga degmada Xaafuud oo ay kamid tahay Hurdiya. Booqashada Xaafuun ee Madaxweyne Deni ayaa imaanaysa…

Read More

Xabaal wadareed ayaa loogu sameeyay qabuuro ku yaalla duleedka xarunta gobalka Sool ee Laascaanood dad shacab ah, oo ku dhintay duqeymaha uu wado magaalada todobaadkii labaad. Dadka aaska guud loo wada sameeyay ayaa gaarayay ilaa 9 qof, kuwaas oo ku geeryooday madaafiicfda ciidamada Somaliland ay jimcihii shalay la dhaceen magaalada. Muuqaal argagax leh oo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay meydad lagu duubay (Kafmay) bacaha waa weyn ee laga jirsado roobka (Bac gaduud), iyagoo markii dambe lagu aasay xabaad-wadareed lagu qoday gaadiidka weyn ee loo yaqaan “CAGA-CAGAF-ta”. https://www.facebook.com/mobakayle/videos/758582115864231

Read More

Koox dabley ah oo ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin ayaa weerar ku qaaday xarunta booliska ee magaalada Karachi ee ugu weyn dalka Pakistan fiidnimadii Jimcaha. Goobta weerarku ka dhacay ayaa laga maqlay is-rasaasayn xooggan oo saacado qaadatay, taas oo dhex martay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan afar qof. Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo yaqaan Talibanta Pakistan, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa “hawlgal is-miidaamin ah” waxayna ballan qaadday kooxdaasi inay faahfaahin dheeraad bixin doonto dhawaan. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in saddex ka tirsan ciidamada…

Read More

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa xukun dil ah maanta ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi iyo Xasan Juulle Shaakir, oo kamid ahaa ciidamada Dawladda Soomaaliya, horeyna dilal ugu geystan dad shacab ah. Qaasi Ducaalle ayaa Dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) oo Alaabta yaryar ee jukaatarada loo yaqaan ku iibin jiray Xamarweyne, halka Xassan Juulle uu isna dilay Cali Taliye Cariif, oo Bajaajle ka ahaa Balcad. https://www.youtube.com/watch?v=6HUadDAUKb4

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada,…

Read More

Laamaha Amniga Puntland,ayaa fashiliyay qaraxyo waa weyn oo ay diyaarisay argagixisada, kaas oo la dhigay degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari. War kooban oo uu baahiyay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari,ayaa lagu sheegay in ku guuleysteen fashilinta qaraxa, kadib markii ay gacan ka heleen shacabka Balli-dhidhin. “Cidanka amaanka iyo Dadka Deegaanka Degmada Balidhidin oo is Garab Sanaya,ayaa Fashilyey Qaraxyo waawayn oo loogu talagalay in wax Lagu yelayo Bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Degmada Balidhidin.” https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1626595723751100418?s=20

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, oo ay duullaan ku qaadeen ciidamada maamulka Somaliland. Isagoo ka hadlayay kulan gurmad loogu aruurinayay Turkiga oo xalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado. “Xabbad-joojintii dowladda Somaliland ee Laascaanood waan soo dhoweynaynaa, si ay u hirgashona waa in ciidanka laga fogeeyo dadka cadhaysan, dadka deegaankuna ha aqbalaan wada-hadal oo tabashadooda nabad haku raadsadaan.” https://youtu.be/aORCPfS9Drg

Read More

Dagaal culus ayaa maalintii 13aad ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, iyadoo ciidamada maamulka Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan xaafadaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada Laascaanood. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii si lamid ah sidoodii joogtada aheyd ay ciidamada Somaliland si wadeen weerarada ay isku dayayaan inay kusoo galaan magaalada, halka dadka deegaankuna ay iska caabiyeen. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aysan ciidamadiisu wadin duqeymaha ka soconaya Laascaanood, kol uu shalay ka hadlayay Madaxtooyada Hargeysa, taas wax lala yaabo ay ku tilmaameen isimadda dhaqanka SSC.

Read More

Safiirka Dawladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André ayaa sheegay in maalmahan uu ku mashquulsanaa xaalada dagaal ee Laascaanood, oo sida uu xaqiijiyay ay ku dagaalamayaan maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka. Danjire Larry André ayaa sheegay in sidoo kale ay hayaan cadeymaha cida weerarka kusoo qaaday magaalada, ee gashay dembiyada ka dhanka ah rayidka, ayna soo bandhigi doonaan xilligeeda. “Laascaanood waxa ku diriraya Somaliland iyo dadka deegaanka. Waqtigeeda ayaa la soo bandhigi doonaa cidda weerarka qaadday, ku horreysay, cidda galaysa dembiyo gaar ah oo ka dhan ah rayidk, maalmahan dhan iyada ayaan ku mashquulsanahay” ayuu yiri Danjire Larry oo wareysi siiyay…

Read More

Wexay ila tahay Dhulbahante Nin ganay og, nin galadayna og, mana garan karo waxa Salaadinta Hargaysa la soo hor fariisan doonto Garaadada Laascaano? Xagee beey hadalka ka bilaabayaan? Maxay u wadaan beesha dhulbahante aan ka ahayn Soomaaliland ha kala dirina Dhulbahantow. Dhulbahante horay ma uga tirsaan Somaliland marka hor-galada dhulbahante laga reebo? 15 Sano SL iyo Laascaanood?! 1.Dilal qorshaysan oo Hal-doorka LC lagu waday. 2.Ciqaab, Caburin iyo horumarkii oo laga hor-is-taagay LC. 3.Isku dir iyo kala dil Beesha Dhulbahante dhexdeeda ah. Haatan?! 11-Maalmood oo xasuuq shacab aan loo meeldayin,Caruur,Ciroole, Biri ma gaydo, Dumin Isbitaalo,Iskuulo,Masaajido,Guryo Shacab iyo Meharado. Dhulbahantow waxaan idiin…

Read More

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa yeeshay shirka todobaadlaha ah ee amniga ee degmada Gaalkacyo shirkaas oo uu shirgudoominayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yusuf shirkaas oo dhaca maalinwalba oo Khamiis ah. Shirkaas oo uu maantay La qaatey Taliyayasha Saldhigyada policeka,CID, Taliyaha Laanta Canshuuraha ,Taliyaha ilaalada wadooyinka laamaha Amniga Gobolka Mudug ayaana looga hadlayay dardar galinta Amniga Ilaalinta wadooyinka xaaladihii Amni ee udanbeeyey Magaalada Gaalkacyo iyo sidii loo dardargalin lahaa Howlgalada Amni ee Magaalada. Ugu danbeyna Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yusuf ayaa kula dardaarmey Sarakiisha inay dardargaliyaan sugida amniga iyo xariirka bulshada ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Xaabbo ee Gobolka Gardafuu ayaa saaka kormeeray qaybaha kala duwan ee wershedda Kalluunka samaysa ee Xaabbo Tuna Foctory. Madaxweyne Deni ayaa masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada wershedda ka dhegaystay fursadaha iyo caqabadaha jira, waxa uu ku bogaadiyey maalgashiga balaaran ee ay dalkooda gashteen, isagoo ku booriyey inay sii laba jibaaraan dedaalkooda hal-abuur iyo ganacsi. Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda ayaa ku weheliyey kormeerka Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Read More

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa maalintii 12aad duqeymo ka wada magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kuwaas oo ay la beegsanayaan guryaha shacabku degan yihiin, isbitaalada iyo masaajidada ku yaalla Laascaanood. Duqeymaha maanta ayaa bilowaday daqiiqado kooban kadib markii Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay Hargeysa, uu sheegay in aysan ciidamadiisu geysanayay duqeymaha Laascaanood, balse ay ka dambeeyaan kooxo argagixiso ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeymaha maanta ay ku dhaceen guryo, kuwaas oo gubtay kadib markii dab ka dhashay duqeymaha uu qabsaday. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada aayaa sidoo kale muujinaya dhawaqa madaafiicda iyo uur ka baxaysa gudaha…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dawladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka maalintii 12aad ka soconaya magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Shariif Sheekh Axmed ku sheegay in nasiib daro weyn uu yahay dagaalka ka soconaya Laascaanood, isagoo ugu baaqay Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay culeys siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed u adeegsato joojinta dagaalka. Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha degta SSC iyo Beesha Somaliland leh, in ay wadahadal yeeshaan, lana joojiyo dagaalka. Shariif ayaa dhanka kale…

Read More

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlayay xaalada magaalada Laascaanood oo duullaan ay ku qaadeen ciidamo uu kasoo aruuriyay deegaannada Beeshiisa (Isaaq), iyo duqeymaha aan loo meel dayin ee ay ka geysanayaan xarunta gobalka Sool. Isagoo ka hadlaya kulan ka dhacay Madaxtooyada Hargeysa ayuu Muuse Biixi, inkiray in ciidamada maamulkiisu ay duqeymo ka wadaan Laascaanood. “Maanta wixii Siyaad Barre u gaystay shacabka Somaliland iyo Hargeysa in aannu cid u gaysanno nalagama filayo” ayuu yiri Muuse Biixi, waxaana uu intaa ku daray in kooxo argagixiso ah oo ay la dagaalamayaan ay geysanayaan duqeymaha!. Isimadda dhaqanka SSC ayuu ugu baaqay…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa u magacaabay Guddi qaran gurmadka dadkii waxyaaladu kasoo gaartay dhulgariirkii ka dhacay dalka Turkiga. Waraaq kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamze Barre ayaa lagu sheegay in Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, ay ka shaqeyn doonaan garab istaaga iyo gurmad loo sameyn doono shacabka iyo dawladda Turkiga. Magacaabista Guddiga Xamze Cabdi Barre u magacaabay gurmadka dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay loogu baaqayay DFS inay u gurmato dadka waxyeeladu kasoo gaartay iyo kuwa ku barakacay duullaanka maamulka Somaliland ku qaaday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood,…

Read More

Taliska Ciidanka ilaalada nabadgelyada waddooyinka (Taraafiko) ee gobalka Mudug – Puntland ayaa ku dhawaaqay awaamiir cusub oo la xiriirta sugida amniga, waxaana ay digniin u direen dadka gaadiidka isticmaala ee kunool Gaalkacyo. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Gaalkacyo, Taliyaha Ciidanka Taraafikada ee gobalka Mudug Cawil Maxamed Cigaal ayuu ku sheegay in ay mamnuuc tahay in gaadiid leh bacaha madow ama taariko la,aanta ah aan lagu dhex wadan karin magaalada Gaalkacyo. Taliye Cawil Cigaal ayaa uga digay gaadiidleyda in ay u hoggaan sami waayaan awaamiirta ay soo saareen oo muhiim u ah sugida amniga Gaalkacyo, isagoo xusay in ciddii qaadan…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegaya in Qarax geystay khasaare uu ka dhacay goob lagu cuno Qaadka (qayilo) oo ku taalla Boosaaso, Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay dhulka ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku geeryooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa oo isugu jiray askar iyo shacab. Laamaha amniga oo goobta soo gaaray ayaa wada baaritaan. Mana jirto cid sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxan oo kusoo aadaya xilli la adkeeyay maalmihii u dambeeyay amniga Boosaaso oo todobaadyo uu joogo Madaxweynaha Puntland. Kooxaha argagixisada ah…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhaqaale ahaan ka qeybgalaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana uu qofkiina hal dollar ugu deeqo dowlada, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta. “Iyada oo ay si habsami leh u socdaan howllada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka ee xoreyna dalka looga xoreynayo Khawaarijta,” ayuu Daa’uud Aweys. Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafintu in tallabadan madaxweynuhu ku dhawaaqay ay tahay ‘mid lagu dardar gelinayo howlgallada lagu cirib tirayo Khawaarijta, iyo…

Read More

War-saxaafadeed kasoo culimada Soomaaliyeed ku dhaqan ee deegaannada Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka ka soconaya Laascaanood uu yahay dulmi, iyagoo taageeray in la tixgeliyo rabitaanka shacabka SSC. Shir ay isugu yimaadeen culimada oo ka dhacay Boosaaso ayaa loogu baaqay maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa kala baxo Laascaanood, si loo dhaqangeliyo xabad-joojinta uu horey ugu dhawaaqay. “Waxay culimada Puntland soo dhaweynayaan Xabad-joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland, haddaba si ay u hirgasho waa in Somaliland ay ka dulqaado ciidankeeda Laascaanood, lana tixgaliyo rabitaanka Shacabka.” Culimada Puntland ayaa u soo jeedisay Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay qaadato doorkeeda, si loo joojiyo colaada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo Madaxweynuhu ku tegay safar shaqo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Caluula kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Gardafuu, kan Degmada Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caluula. Ujeedada safarka Deni ee gobalka Gardafuu ayaa la sheegay in uu la xiriiro dhagax-dhiga saldhig ciidan oo Imaaraatka Carabta laga siiyay agagaarka degmada Caluula, kaas oo qandaraaska dhismihiisa ay qaateen qoyska Madaxweyne Deni. Marinka caalamiga ah ee Raas-caseyr ayaa ku yaalla gobalka oo…

Read More

Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Cali Wajiis), ayaa ka warbixiyay dhismihii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyo qorshayaashii isku huursanaa ee Axmed Cabdi Godane, Aadan Xasan Ceyrow iyo Ibraahim afqaan ku dhex wateen Isbaheysigii Maxaakiibta ee uu hoggaamin jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Wareysi uu bixiyay Sheekh Cali Wajiis oo ah La-taliyaha Madaxweynaha DFS ee arrimaha Diinta, ayuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay doorkii Al-Qaacida ay ku laheyd aasaaska Al-Shabaab, iyo afkaarta kooxdan ku dhisan tahay ee ah in ‘cabsi gelin lagu maamulo dadka’. Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa dhaliilay habka dawladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud u…

Read More

Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa Talaadadi shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya. Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sano jir. Labaduba waxaa laga soo bixiyay guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye. Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu…

Read More