Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan gobalka Mudug, kadib diidmada Juxa & Dhabancad
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan gobalka Mudug, kadib diidmada Juxa & Dhabancad

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 23, 2023Updated:February 23, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubnaha Golle Wasiiro ah oo uu amray in ay tagaan gobalka Mudug, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diiday in ay aadaan gobalkaas, iyagoo u sheegay in aysan tagi karin, maadama aysan isku wanaagsaneyn isimadda dhaqanka iyo waxgaradka Mudug.

    Wasiirada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa xusay in isimadda gobalka Mudug aysan isku wanaagsaneyn iyaga, ayna tabasho ballaaran ka qabaan isaga (Madaxweynaha). Waxaana ay u soo jeediyeen in uu isagu tago gobalka oo ah mid xasaasi ah, aysana hadda ka jirin diidmo ballaaran oo la xiriirta diiwaangelinta.

    Dhanka kale, Wasiirada Cadaaladda iyo Haweenka Puntland ayaa gaaray qeybo kamid ah gobalka Mudug, waxaana ay bilaabeen kulamo ay la yeelanaya bulshada.

    Idilnews, ayaa heshay xog sheegaysa in Madaxweyne Deni uu go’aansaday in uu u safro gobalka Mudug, isagoo bilaabay xiriiro khadka taleefoonka ah oo uu la sameynayo isimadda dhaqanka gobalka Mudug, oo qaarkood ka qaban waayeen taleefoonka.

    Gobalka Mudug ayaa laga bilaabayaa diiwaangelinta cod-bixiyayaasha 28ka bishan Febaury, sida uu shaaciyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, balse Guddiga TPEC ayaa ka deyriyay habka wadashaqeynta maamulka gobalka Mudug iyo maamulada degmooyinka oo dad aan saameyn laheyn hoggaaminayaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.