Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Carro ka dhalatay booqashada Aaga Masjid Qudus Ee Wasiirka Amniga Isra’il
    Somalia

    Carro ka dhalatay booqashada Aaga Masjid Qudus Ee Wasiirka Amniga Isra’il

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 4, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Falistiiniyiinta iyo Dalal dhowr ah oo Carbeed,ayaa cambaareeyay daandaansina ku tilmaamay, booqasho uu Wasiirka cusub ee amniga Israel uu ku tegay Aagga uu ku fadhiyo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ku yaalla Magaalada Qudus.

    Mas’uul ka tirsan Falastiin,ayaa sheegay in booqashada uu subaxnimadii hore oo maanta ah uu goobtaas ku tegay Itamar Ben-Gvir oo ka tirsan midigta fog, ay ku eedeynayaan, ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

    Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan,ayaa dhamaantood siyaasigan reer Israel ku eedeeyay inuu ku duulay goobtaas oo ah dhismaha masjidka Al Aqsa.

    Aaagaas waxaa hadda ku cibaadeysta oo ay u furantahay muslimiinta oo keliya, balse Ben Gvir,ayaa in badan ku baaqay in Yuhuuda sidoo kale loo ogolaado in halkaa ay ku cibaadeystaan.

    Dhankiisa, Ben Gvir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweter-ka ku sheegay in macbadka ay ugu yeeraan Temple Mount ay u furan tahay Qof waliba,isla markaana aanay niyad jabin doonin hanjabaadaha ugu imaanaya Xamaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.