Maalmo kahor, kulan aan caadi ahayn oo isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland ayay ki laaleen qodob dastuuri ah oo horey loo meelmariyay 2023, kaas oo dhigayay in dalku yahay Presidential ayna shacabku soo dooran doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ka timid Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC), taas oo la xiriirta in dalka yahay Parliamentary, iyadoo shacabka Puntland soo dooran doonaan xildhibaanada Gollaha Wakiillada, halka 66 xildhibaan ay dooran doonaan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Qodobka ayaa la horgeyn doonaa Xildhibaanada Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland, kuwaas oo la rajeynayo in si aqlabiyad leh ay ku meelmariyaan.
Muxuu Deni ku badashay ku celinta Puntland ee ‘nidaamka Parliamentary’ ?
Axdigii lagu asaasay Puntland iyo dastuurkii la meelmariyay 2011 – ayaa dhigayay in hanaanka dowladnimo ee Puntland uu yahay Parliamentary, ayna xildhibaanada Baarlamaanku ku imaan doonaan cod dadweyne, iyagoo sii dooran doona Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.
Balse, caqabado jiray 27 sano ayaa keenay in kol walba oo ay timaado waqti doorasho, uu Madaxweynaha xafiiska jooga soo saaro lifaaq uu ku muujinayo in Isimmada dhaqanku soo xulaan xildhibaanada Golaha Wakiillada, si loo ilaaliyo hanaanka doorasho ee dalka, ayna soo doortaan Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen cusub, saacado dhammaadka muddo-xileedka madaxda xafiiska joogta.
2023 – markii Madaxweyne Deni kusoo guuleystay hirgelinta nidaamka dimuquraadiyada Puntland, ayna soo dhammaatay qabashada doorashada golayaasha deegaanka 33 degmo, oo cod shacab ku yimid – Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dalku aadayo doorasho qof iyo cod ah oo lagu dooranayo Xildhibaanada Gollaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayna ku tartamayaan axsaabta siyaasadda ee kusoo gudbay doorashada Golayaasha deegaanka, iyadoo Baarlamaanku meelmariyeen wax-ka-bedel lagu sameeyay dastuurka dalka, ayna ku dhawaaqeen in loo guuray ‘nidaam Presidential’, balse diidmo adag oo ka timid mucaaradka Dowladda ayaa sababtay in Madaxweyne Deni dib uga laabtay, uuna ku dhawaaqay bartamihii bishii December in lagu laabtay nidaamka odayaasha dhaqanka, soona saaray lifaaq uu ku codsanayo in Isimmadu soo xulaan xildhibaanada, si doorasho loo aado 8 Janaayo, 2024, taas oo uu dib ugu soo laabtay.
Isbedelka Hadda.
Xogo hoose ayaa sheegay in go’aanka ka yimid Guddiga PEC ee la xiriira in Puntland dib loogu celiyo, laguna qoro dastuurka in dalku yahay Parliamentary, uu ku yimid dadaalo uu sameeyay Madaxweyne Deni, kuwaas oo la xiriira in la dhowro hannaanka soo jireenka ah ee dowladnimada Puntland.
Qodobkan ayaa la sheegay in Madaxweynuhu ku bedelanayo qodob kale, oo taabanaya fursadiisa la xiriirta in uu Puntland sii hoggaamin karo kaddib 2029, oo uu ku egyahay muddo-xileedkiisa.
Dastuurka Puntland ayaa hadda horjoogsanaya in Siciid Deni dib isku sharixi karo 2029, maadama uu dhigayo in Madaxweynuhu 2 muddo-xileed oo kali ah uu xafiiska joogi karo, uusana kaddib gali karin tartan doorasho. IdilNews ayaa xaqiijisay in qodobkaan Deni doonayo in la bedelo, laguna muujiyo in Madaxweynuhu tartami karo in kabadan 2 jeer.
IDILNEWS.
