Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Deni oo xariga ka jaray Waddada halbowlaha ah ee Garoowe
    Puntland

    Deni oo xariga ka jaray Waddada halbowlaha ah ee Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2026Updated:June 27, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadnaha ee caasimada Garoowe oo si casri ah loo dhisay iyo dhismaha casriga ah ee Barxada Garoowe oo iyana loogu magac daray AHUN Gen. Qalyare oo ka mid ahaa sariikiishii ku shahiiday Howlgalka Calmiskaad .

    Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay horumarinta iyo hirgelinta Waddooyinka casriga ah ee Caasimadda oo qeyb ka aheyd Qorshaha Dowladda ee horumarinta dalka, wuxuuna ku bogaadiyey maamulka degmada Garoowe iyo Mayorka Caasimadda Hon Abdulkadir Geedi, shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

    Dowladda oo shaqooyin ka wada Waddooyinka isku xira Gobollada ayaa sidoo kalena dadaal ku bixisay in la horumariyo Waddooyinka dhex mara magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo bulshadana loo abaabulay sidii ay u qaadan lahaayeen kaallintooda muhimka ah.

    Munaasabadda galabta , waxaa ka qaybgalay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, maamulka gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe , Guddiga Horumarinta Degmada, Injineerada dhismeyaasha fuliyey, Ganacsatada, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimada Garoowe .

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.