Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Erdogan oo lagu casumay in uu booqasho ku yimaado Israa’iil
    Somalia

    Erdogan oo lagu casumay in uu booqasho ku yimaado Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 12, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog,ayaa Arbacadii shalay ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi, xilli uu qaabbilayay safiirka cusub ee Ankara, taasoo calaamad kale u ah xiriirka dalalkaasi oo dhawaanahan soo wanaagsanaanayay.

    Sannadkii lasoo dhaafay, Herzog, ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Israa’iil oo booqasho ku taga Turkiga tan iyo 2008-dii, kadib markii ay labada dal billaabeen inay soo celiyaan xiriirkooda, soona afjaraan khilaaf diblomaasiyadeed oo soo jiitamayay in ka badan 10 sanno.

    Labadan dal ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah u magacaabaan safiirro bishii Ogosto. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii November, waxayna isaga iyo Erdogan ku heshiiyeen inay sii wanaajiyaan xiriirka.

    “Waxaan hubaa inaan dhammaanteen ka shaqeyn doonno xoojinta xiriirka dalalkan,” ayuu yiri Herzog.

    Kusoo laabashada Netanyahu ee xukunka Israel ayaa kicisay Falastiiniyiinta iyo xulafada reer galbeedka iyo Carabta kuwaas oo ka cabsi qaba inay sare u qaaddo xiisadda Bariga Dhexe.

    Turkiga ayaa todobaadkii hore ku biiray dowladihii cambaareysay booqashadii wasiirka amniga qaranka Israa’iil ee midigta-fog, Itamar Ben-Gvir, uu ku tagay dhismaha masjidka Al Aqsa ee magaalada Qudus.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.