Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Gablax oo loo diiday in gaadiid qoryo saaran yihiin la aado Gaalkacyo.
    Puntland

    Gablax oo loo diiday in gaadiid qoryo saaran yihiin la aado Gaalkacyo.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2026Updated:June 27, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ay ogaatay Idilnews – Cabdiraxmaan Maxamed Xassan (Gablax) oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa maalmo kahor diidmo adag kala kulmay laamaha ammaanka Puntland, kaddib markii uu isku dayay in ilaalo wadata gaadiid qoryo saaran yihiin uu kaga amba-baxo Garoowe.

    Gablax oo kamid ah shaqsiyaadka reer Puntland ee qeybta ka ah qorshaha maamulka Xassan Shiikh ee khalkhalgelinta ammaanka Puntland, ayaa todobaad kahor soo gaaray Garoowe, waxaana uu maalmo rabay in uu u sii gudbo Gaalkacyo, isagoo ay galbinayaan labo gaari oo Tikniko ah, oo ay saaran yihiin qoryaha waa weyn ee dhashiikaha.

    Hay’addaha ammaanka oo ka war helay safarkiisa ayaa la socod siiyay inuu gaadiidka Tiknikada ah uu ka dajiyo qoryaha, ayna wiilasha la socda fuulaan iyagoo qoryo la,aan ah si uu u safro, maadama loo tixgelinayo xasaanada Xildhibaanimo ee uu wato.

    Gablax ayaa aqbalay amarka laamaha ammaanka, waxaana uu ka amba-baxay Garoowe, kuna safray gudaha deegaanada Puntland, isagoo raacay habraacyadii ay u soo jeediyeen laamaha amnigu. Xogaha ayaa intaa ku daraya in Gablax lagu wargeliyay in aan mar dambe laga aqbali doonin ilaalo wadato gaadiid Tikniko ah.

    Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka Puntland ayaa ku howlan diyaarinta iyo isku daba ridka dambiyo la xiriira abuurista kooxo burcad-badeed ah oo lagu eedeeynayo Gablax in uu ka sameeyay deegaanka uu kasoo jeedo Garacad, iyadoo Idilnews ogaatay suuragalnimada in Xeer ilaalintu kusoo oogto Xildhibaanka dacwad, una gudbiso Baarlamaanka in xasaanada laga xayuubiyo.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.