Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goormaa dib loo bilaabayaa dacwada ka dhanka ah Trump?
    Somalia

    Goormaa dib loo bilaabayaa dacwada ka dhanka ah Trump?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 30, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dacwadda suurta-galka ah in lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa qaadan karta dhowr toddobaad oo kale, yada oo xeer-beegtida ay fasax ka qaateen kiiska illaa dhammaadka bisha April, waxaa sidaas Arbacadii weriyey warbaahinta Mareykanka.

    March 18-keedii, Trump ayaa sheegay in saddex maalin kadib lagu soo oogi doono dacawado la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jirkeeda ka ganacsata.

    Hase yeeshee tan iyo xilligaas, guddi uu isku keenay dacwad-oogaha ugu sarreeya degmada Manhattan ee New York, ayaa weli wada dhageysiga marqaati furayaasha.

    Hadda oo ay jiraan kiisas kale, ayna soo socdaan munaasabado ay ka mid yihiin Easter, Passover iyo Ciidul Fitri, islamarkaana la qorsheeyey fasax laba toddobaad ah oo ka billaabanaya 10-ka April, xeer beegtida ayey suurta-gal tahay inaysan kiiska soo qaadin illaa dhammaadka April, waxaa sidaas weriyey wargeysyada Washington Post iyo Politico oo soo xiganaya ilo-wareedyo.

    Washington Post ayaa qoray in taariikhda ugu dhow ee xeer beegtida ay dib u billaabi karaan kiiska ay tahay 24-ka April.

    Baaritaanka kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor.

    Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey.

    Dacwad-oogayaasha ayaa sheegaya in jeegagga lacagta aan si sax ah loo diiwaan-gelin, taasi oo keeni karta dambi yar oo la xiriira ka been sheegidda diiwaanka ganacsiga.

    Hase yeeshee, waxaa taas loo dallacsiin karaa dambi weyn, haddii xeer-ilaaliyaha degmada uu xeer beegtida ka dhaadhiciyo in lacagta la qariyey ay qeyb ka aheyd in Trump uga faa’iideysto ololaha doorashada, isaga oo daboolaya fadeexad.

    Ma jiro madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga ama ka tegay oo abid dacwad lagu soo oogay.

    Trump ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan ku saabsan faro-gelinta doorashadii gobolka Georgia ee 2020 iyo weerarkii ay January 6, 2021 taageerayaashiisa ku qaadeen Congress-ka, kuwaas oo doonayey inuu xafiiska sii joogo kadib markii doorashada looga adkaaday.

    Trump oo mar kale doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada 2024, ayaa dhammaan baaritaanada ku macneeyey “ugaarsi shaqsi” iyo dacwad-oogis siyaasadeed.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.