Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka oo loo sameeyay Sharci cusub 50-sano kadib
    Somalia

    Hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka oo loo sameeyay Sharci cusub 50-sano kadib

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 5, 2023Updated:January 5, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulankii Maanta ee Golaha Wasiirada,ayaa waxa Guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.

    Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda DanQaran in ay diyaariyeen isla markaana soo bandhigeen qorshe sanadeed waafaqsan hiigsiga Qaranka, gaar ahaan dib xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka.

    Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada inay wax ka beddelaan hab-dhaqankii hore ee ahaa dhayalsiga hawlaha qaranka iyo isla xisaabtan la’aanta.

    Kulanka ayaa Golaha Wasiirradu waxay ku ansixiyeen laba sharci oo muhiim ah oo kala ah Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Hindise Sharciyeedka Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

    Sharcigan cusub ayaa waxa uu Hey’adda NISA ka dhigayaa mid uu sharcigu ka sarreeyo garsooruhuna ka adag yahay; dadka Soomaaliyeedna aanay ka cabsan.

    Hindisaha maanta la ansixiyay,ayaa sharciyeynaya jiritaanka hay’adda oo aan horay u laheyn sifo sharci ah oo dhameystiran, iyadoo muddo 53 sano kadib uu sharcigan baabi’inayo xeer lamber 14 oo lagu sameeyay sanadkii 1970.

    Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiradu maanta ansixiyay heshiisyo ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo la xiriira dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, waxbarashada, arrimaha diinta iyo awqaafta.

    —DHAMMAAD—-
    Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
    Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
    Farxaan Maxamed Jimcaale
    farhan.jimale@opm.gov.so
    media@opm.gov.so
    Muqdisho, Soomaaliya
    www.opm.gov.so
    Twitter:
    @SomaliPM
    Facebook:
    OPMSomalia
    instagram:
    opmsomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.