Fiintu waxa soo socda ayay ka ooydaa.
Madaxweyne Deni wax xiriir ah ma lihin, intii uu xafiiska joogay saddex jeer baan arkay anigoo issimmo badan aan weheliyo, waligayna telephone iskama aannan maqal, waa arrin shakhsi ah taasi,
Saas oo ay tahay waa madaxweynihii Puntland Inta xilkiisu dhamaanayo waa in lagu daayaa, Waase laga argati duwanaan karaa, waa la mucaaradi karaa si caafimaad qabta, kursiga uu ku fadhiyo waa la damci karaa, mana aha wax yaab leh.
Ogaalkayga dhaqdhaqaaqa socda oo ku wajahan Puntland oo Mogadishu laga soo abaabulay oo hormadii ugu horaysay Puntland soo gaartay oo dhalinyaro sheeganaya siyaasiyiin iyo saraakiil ay ceelalyo u yihiin waxaa iska leh oo ay wakiil uga yihiin Madaxweyne Xassan Shiikh waana isla duullaankii Beesha Murursade iyo Raiisal Wasaare khayr lagu qaaday, Waa isla duullaankii Madaxweyne Sh Shariif ee Mirinaayo lagu qaaday,
Waa Duullaankii Raas kaambooni, iyo Kii Baydhabo,
-Ciidanka xoogga dalka ee ay Puntland wayday maalintii Galkacyo lagula dagaalamayay Argagixisada ee dadkayaga labeentoodiii lagu laynayay,
-Ciidanka Xoogga ee aan nala siin markii Alshaab lagula dagaalamayay Cal madow iyo Galgala,
-Ciidanka Xoogga Dalka ee aan nalagu taageerin maalmihii boqolaalka wiil ay nooga dhimanayeen Calmiskaad oo Daacish dadkayaga ku xasuuqadaysay ee hantidayada gubaysay Bosaso,
Ciiddanka Xoogga dalku xaggee jiray markii dadka rayidka ah lagu xasuuqayay Laascaano iyo Goojacadda.
Tani waa baroortu orgiga ka wayn, wiilasha kale ee Karkaar iyo Bari ha ii joogaane , Garoowe ma garawsanaynoein wiil inta qoryo soo qaato uu handado nidaamka jira oo ah iska kii shalay qaybta ka ahaa sh Mahad’s soddomeeyo qof oo rayid u badan.
Masuuliyadaas marka laga soo tago siyaasad xumada nidaamka Siciid, waxa saaran wax garadka reer Garoowe oo Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase u horeeyaan oo ay tahay inay sufahadooda gacanta qabtaan, intii karaankooda, maanta Garoowe ilaahay nicmo uusan gobolada kale siin ayay haysataa oo aanan Annaga Galkacyo ah haysan , waan ka xunnahay inaaad iska daadisaan.
Rag baan ku soo gaaray Garoowe, Islaan Maxamed, Caydiid Soo dhaqsade, Dahir Garaase, Abshir, Guureeye, Siciid aw Nuur, Xirsi Firato iyo tobanaan kale oo siyaasiyiin ah kuwa nool oo jooga iyo kuwa dhintay intaba
Laakiin Wiilasha ay ugu horeeyaan Xassan Shire, Jimcaale iyi Maxamuud Shiddo oo geed fadhi u ah.. waaa
Awr geeluu ku jiray hadduu gaari karo waayo ,
Waa gaadda saaroo kufsada guumis baadiya.
Wiilashan cidna Uma wakiilan in ay magaca reer Puntland ay ku maxaabsadaan oo ay isku hubeeyaan ama amaanka iyo xasinoolida ku wiiqaan.
Joogitaankagyga Mogadishu iyo la noolaashaha nidaamka Xassan Shiikh waxa uu I baray in Xassan dhamaan states ka uu ku wado hannaan burburineed meeshii uu mari lahaa hannaan sixitaan iyo toosin iyo dhisme.
Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed-Nuur.
IDILNEWS
